Tuesday, February 9, 2010

Med Xasan Mataan’s article : The Dogs Park, the Caravan Passes: Aydu hayska ciddo, geediguna ha socdo

Med Xasan Mataan's article : The Dogs Park, the Caravan Passes: Aydu hayska ciddo, geediguna ha socdo

Hadalka ka soo yeedhay Maxmad Xasan Mataan,oo ah tiirarka ugu weyn ee UDUB, waa mid xaraf xaraf u tibaaxaya ereyadii Daahir Rayaale isticmaalay markuu amarka siinaayay nimanka Minnesota u jooga isagoo farayay inay baabiiyaan shirweynaha Samaroon u balansanyahay April Kowdeeda. Waana warbixin muqaal ahaan wayd ah, gun ahaana madhan.

Waxaa mudan inaan idin ogaysiiyo in Rayaale lafahaantiisu ku dhiiraday inuu toos ula soo hadlo dhowr nin oo Minnesota jooga isagoo ku amraya in shirka la baabiiyo oo la arqaladeeyo. Wuxuu talo mooday inuu raga qaarkood u caga jugleeyo isagoo si toos ah ugu yidhi "Soomaliland isugu iman mayno ninka ka qayb gala shirkaas". Wuxuu ku andacooday in shirkaasi Siiraanyo u hiilinaayo Isaaquna odhan doonaan Samaroon Soomaliweyn buu noqday, sidaana dorashada uu ku waayi doono. Ereyada diciifka ah waa ereyada warqadan ina Xasan Mataan laftiisu soo xiganayo isagoo iska dhigaya inuu gudbinaayo fikir isaga u gaar ah balse waa laga wada dharagsan yahay inay yihiin kalmadihii Rayaale isticmaalay. Waxaa kale oo laga warqabaa in Ina Xasan Mataan laftiisu isagoo ku hadlaya afka Rayaale wacay dhowr nin isagoo ku adkaynaya inay guntiga u xaytaan siday shirweynahaa u baabiin lahaayeen.

Bal aan eegno haddaba guniyo muuqaalba waxay xambaarsanayd warqada ina Xasan Mataan oo ah weerarkii u horeeyay ee xaaga saxaafada..

  1. Muuqaal ahaan

Warqadu muuqaal ahaan waa wayd, waana warqad la odhan karo waa mid uu soo diyaariyay arday heer elementary ku sugan. Sharciyada u dajisan qoraalka iyo nidaamka la tixraaco waa warqad aan haba yaraatee ixtiraamin, waana sawirka u horeeya ee qof kaste ka riixaysa inuu xiiso u helo akhriskeega. Inuu si qurux leh u soo murtiyeeyo codsiga Rayaale ka soo yeedhay ,Maxamad wuu seegay,Markuu wax isku geegeeyayna hadalo is qaban Karin iyuu soo bandhigay isagoo siyaasada u haysta in waxaan jirin layska sheego. Waxayse manta arintii kaga laalantay geed dheer oo geesiyada beeraya cambaarayn kula dul kufay. Waa warqad hiil loogu tafaxaytay balse sawir fiican ka bixinayso mugga shaqsiga qoray hadday noqoto xag aqooneed iyo xag fikirba

Waxaa halkaa kaaga soo baxaya tayada shaqsiyaadka Rayaale adeegsado ama talo ka qaato. Ismana diidayaan natiijada laga hayo intuu xukunka ku magacownaa iyo dadka ku meersan tayadoodu. Malaha taas iyaa ka mid ah sobobta reer Hargaysa ugu mitideen in laga ilaaliyo shaqsi Samaroon ah oo masuuliyad ka qabta Madaxtooyada. Haddayna sidaas ahayn ma waxaan odhan karnaa Rayaale laftiisaa og inayna ag joogin wax Samaroon ah oo tayo leh oo uu ku aamino inuu la taliye u noqdo.Waa arimo la is waydiin karo waayo cid kastaa waxay ogtahay in Madaxtooyada wax Samaroona oo fadhiyaa jirin waxaan ka ahayn Rayaale, Xaaskiisa iyo oday dabaakh u ah.  

  1. Gun ahaan iyo nuxurka

Warqadu waxay ka hadlaysaa shirweynaha Samaroon ugu balansanyahay April kowdeeda magaalada Minnesota. Waxay sheegaysaa dhowr arimood oo ka turjumaaya fikirka Daahir Rayaale ka qabo shirka Samaroon 

  1. Shirka waxaa lagu beegay Doorashooyinka oo Siiraanyuu u hiilinayaa, waa ereyadii ina Xasan Mataan ka soo xigtay Rayaale laftiisa

Warqadu waxay tilmaamaysaa oy xiganaysaa in Guulwadeyaasha Maamulka hargaysa ku leeyahay Minnesota inay ka soo wargaliyeen in shirku ujeedooyin gaar ah leeyahay oo barbar marsan danaha Samaroon. Afhayeenka doorka guracan dheelayaa, wuxuu sheegay in "Guulwadayaasha" soo wariyeen in shirka lagu beegay doorashada. Siduu Rayaale laftiisa laga soo wariyay, wuxuu ina Xasan Mataan naqdiyay in shirku rabo inuu Rayaale lugta u qabto Siiraanyo. Waa yaab! 

  • Waxaan ognahay in "Guulwadayaasha" ninkan u soo waramay inay laftoodu ku jireen kuwii gooyay taariikhda shirka loo cayimay.
  • Waxay ogyihiin in marxalada keentay in shirkan laga fikiro inay ahayd dhacdadii 07/11 ee rag Samaroona lagu gowracay jidgooyo waxashnimo ah, dhacdadaa oo Rayaale maamulka lagu sheegaa ku fashilmay wax ka qabadkeeda.
  • Qadiyadii iyo xaqiiqadii keentay shirka oy hore u ogaayeen una raacsanaayeen, waxay ku dafireen markay Rayaale ka heleen telefoon. Away sharaftii shaqsigu lahaa? Away raganimadii? Away dadnimadii?
  • Waxaa nacasnimo iyo ardaalimo ah in laga been abuuro ujeedooyinka iyo ajandaha Shirka iyagoo ogaa dulucda ajandaha.
  • Waxaa fulaynimo ah siyaasiga gabay waajibaadkiisii inuu ku calool fayoobaan waayo war farxad leh oo ah maqalka qabashada Shirweyne kulmiya Samaroon.
  • Waxaa wax lala yaabo ah shaqsiyaadka sida ina Xasan Mataan ee wali taariikhda dhanka khaldan iska taaga inay sharaf moodaan ku galgalashada danaha guud ee tolka iyagoo ka doorbidaya dano shaqsiya oo arqalad ku ah horumarka dadweynaha.

 

Sida la wada ogyahay waxaa cad in sobobta shirka keentay iyo ula jeedada laga leeyahayba ay yihiin qodobo muqadis ah oo ka turjumaya danaha Samaroon.  Malaha waxay u haystaan waxa garaadkoogu garansiinwaayay in Samaroon oo dhan ka dedan tahay. Malaha, waa kas aadamiye, waxay u haystaan inaan Samaroon qaangaadhin.

Siyaasad xumada Ilaahay baday kooxda ina Xasan Mataan daafacaayo,waxaad ka garan gartaa markay leeyihiin shirku wuxuu lugta ii qaban kulmiye. Miyuuna ogayn Kulmiye laftiisa ka soo jeedo musharax Samaroon ah oo Rayaale la tartamaya. Wali ma wuxuu u haystaa in Samaroon taaganyahay halkii ay taagnaayeen markuu doorashadii u horaysay isu soo taagay. Miyuuna ogayn in wajigabax laga qaaday sideedii sano ee loo hanweynaa? Ma hurday ka soo tooseen? 

  1. Wuxuu sheegay in shirka natiijo fiican ka soo baxany isagoo hoosta ka xariiqay in dad dibada joogaa ka talin Karin arimada dalkii, go'aamada shirkuna saamaydoonin dalka

 

Nasiib darada u horaysay waxa weeyi Ina Xasan Mataan iyo inta la garaad ah oo Gadabuursi u qaba inuu ku koobanyahay Awdal. Waxaa halkaa ka cad siyaasada Rayaale ee ku waajahan gobolka Salal iyo gobolka Gabilay oo maamulkooda dibada laga dhigay Samaroon. Siduu hadalka u dhigay iyo aragtida ka dambaysaa Waxaa cad in jahawareer ku habsaday kooxda ay isku mabda'a yihiin qoraha warqada. Haddii siduu isagu sheegay shirku saamayn ku yeelan doonin ummada, muxuu isku waydiin waayay waxa cabsida shuushka ah ku riday Rayaale ee ku kalifay inuu ka soo hanjabo Hargaysa. Waxaa cad inuuna aqkhriyin wuxuu qoray. Aqoonyahanaduna waa kuwii horay u yidhi ninka wax qorayaa laba jeer iyuu wax akhriyaa… Markaad daafacayso waxaanad fahansanay amba aad ka hadlayso wax kaa mug weyn haddaladu weyd bay kaa noqdaan,  waa sida Maxamad Xasan Mataan ku dhacdee.

Waxaana iga waana ah inaad Udub ahaan xooga saartaan sidii aad dadka uga iibin lahaydeen faras indhala. Xogna aan idin siiyee raaca murtida maahmaahdan Jarmalka ah ee tidhaa: "ninka raba inuu gado' faras indhala, wuxuu faaniyaa adimadiisa" 

Wuxuu aaminsanyahay inay guul ahayd siyaasadii daad-is-raacinta loogu magac daray ee danaystalyaal la mid ihi Samaroon karaamadiisii dhaafsadeen nolol maalmeed. Wuxuuna ogayn in caalimo hore yidhaahdeen: "ninka badbaado maalin ah dhaafsaday xoriyadiisa waa nin aan gayin badbaado iyo xornimo toona." Karaamada Samaroon inayna micno u samayn waxaa ka markhaati ah faalkiisa beenta daacay ee uu ku sii malo-awaalayo natiijada Shirweynaha isagoo og in aqoonyahano dabadood la hadal ku kulmi doonaan amba daadihinayaan. 

Waxaa horay loo yidhi: "markay cadceedu godka ku dhowdahay, dhagaxa uugu yar iyaa hadh yeesha oo wax is mooda oo geedaha waaweyn la ficiltama".Waana sobobaha keentay inay aflagaado ku bilaabaan birima-gayda Samaroon ee u tafa xaydatay inay aqoontooda iyo kartidooda iyo dadnimadooda ugu hiiliyaan tolkood. Waxaanse kaga gam'aynaa ficiladooda xagxagashada ah mugga weyn ee ay leeyihiin aqoonyahanka Samaroon oo Soomali ideylkeed ka markhaati tahay iyo dadkeena oo ka dharagsan xaqiiqada siyaasadeed ee ay ku jiraan. Aqoonyahanka Samaroon oo ku caan baxay run sheeg iyo anshax wanaag waa rag ka miisaan weyn hanjabaad Hargaysa laga soo diro. Awooda Minnesota loogu soo hanjabayo hadday awood tahay waxbay ka qaban lahayd dhiigii Samaroon, dhulbalaadhsiga loo isticmaalo ciidanka lagu sheego inuu qaran yahay iyo dhulka muqadiska ah ee shilimaadka la dhaafsaday iyo waxyeelooyin badan oo masuuliyadeeda la ogyahay cida iska leh. 

Iyagoo sideedaba ka naxa karaamada Samaroon, "Guulwadayaasha" Maamulka Hargaysa waxay daciifnimadooda afka soo mariyeen ereyo cay qaawan ah oo loola dan leeyahay in dadka lagu jahawareeriyo. Balse waxay moogyihiin in manta la soo gaadhay waxtigii kooxda hanka yar lala xisaabtami lahaa. Intay been caruureed ka faafinayaan  Shirka Samaroon nuxurkiisa iyo sharafta daadihiyaasha Shirka waxaa habboooneed inay sii darsaan waxay isku daafici lahaayeen ee ay ku qancin lahaayeen reer Awdal & Salal oo karaamadoodii dhulka ay ku simeen.  

  1. Waxay sheegeen in shirku yahay mid Soomaliweyn ah!

Waxaa nasiib daro ah "Guulwadayaasha" Maamulka Hargaysa inay hub ka dhigtaan eedaymo lagula kaco cida ka soo horjeeda Maamulka ay gariyo gardaro daafacayaan iyagoon wax werwer ah ka qabin dhibaatooyinka taariikhiga ah ee Maamulkaasi gaystay. Waxay ilawsan yihiin markay ereyadaa sheegayaan inay wixii sharaf ku hadhay ay iska xayuubinayaan, ereyadaa meel ka dhaca ah oo wax ka ifinaaya miisaankooga siyaasadeed. Balse waxayna garan cilmiga siyaasada iyo maamul dawladeedka dadka bara dunida horay u martay inay yihiin aqoonyahanada Samaroon. Waxayna garanay in dalka iyo dibadba kuwa wax la weydiiyaa inay aqoonyahanada Samaroon yihiin. Shaqsiyaad horayba ay ugu haraadeen inta horumarka Samaroon neceb, waxba ma yeeli karaan niman aan ogayn halka looga taliyo Maamulka ay difaacayaan. Hadday inuun u dhuun daloolaan siyaasada mandaqada iyo waaqiciga ka jira Soomaliland manta ereyadaa kulamay dul kufeen shirweyne aayaha qoomiyad dhan ka hadli doona. Haddalka Ina Xasan Mataan ee xaqiiqada ka fog wuxuu markhaati ka yahay inuu si ula kac ah oo raqiis ah uga been sheegayo ajandaha Shirka Samaroon. Maahmaah reer Yurub ah iyaa tidhaa: "Aduun waxaa u liita nin qaawan oo isku qaba inuu huga uugu fiican xidhanyahay". Ina Xasan mataanow, Samaroon waa ka mug waynyahay meesha xanjada laguugu dhajiyay. Been abuurka aad isku xidhiidhisay shirka iyo Somaliweyn jawaabteedu waa murtidii Cilmi Dheere ee ahayd:" Cilmi Dheeraa i kufsaday war ha ka dhigatee…" 

  1. Mashruuc jitaabo ah iyuu qoruhu ku tilmaamay Shirweynaha Samaroon mudo ka soo baaraadagaayay.

Guusha walaalkeed doqonbaa ninkale u loogtee, ina Xasan Mataan hadduu u haysto in aqoonyahanada Samaroon wax la faro, ha ogaado inay aqoonyahanadaasi yihiin kuwa habeen iyo dharaar la baryo si ay siyaasiinta wax ugu iftiimiyaan. Intuuna hadalku afkiisa soo dhaafin malaha waxaa fiicnayd inuu qoruhu u badhigo caruurtiisa oo xaqiiqo ahaan ka joojin lahayd inuu la xishoodo wax aan caruurtuna iibsan Karin. Dhowrka la fikirka ah mooye waa ayo cidduu rabo inay dhagaysato waxaan is qaban Karin? Mashaariicda jitaabo ee marmar loo turo sidii tii diiwaangelintii miyuu mooday Shirweynaha qoomiyad idili ku balansantahay? Maahmaah turkiya iyaa tidhaa: "Carrab dameerbaa ka roon carrabka beenaalaha". Mashruuc jitaaba ah waa wuxuu ina Xasan Mataan iyo dhigiisu aaminsan yihiin taniyoka 1991, mashruucaas oo ah mid uuna waxba ka ogayn ujeedada laga lahaa iyo halkay ku dambayn doonto. Mashruuc jitaabo ah, Maxamadow,idinkaa fuliyay oo ku qancay in Samaroon qoomiyad ahaan hoos loo dhigo iyadoo lala simayo jilib hoosaad. Waa jitaabadaan hirgaliseen ee natiijadii ka soo baxday Samaroon saamigiisii siyaasadeed ku lumiseen. 

  1. Gabogabo

"Maalin u noole isma xisaabiyo mana xisaabtamo",waa murti ruugcadaa Habar-cafaan ihi Gabilay ka yidhi qarnigii inaga tagay bilowgiisii. Samirku xaduu leeyahay. Way soo gudhay in loo dul qaato amba loo dabranaado  koox danaystayaal ah oo qadaraas ku qaata burburinta talooyinka asiibaya danaha mustaqbalka iyo aayaha ummada Midna inay ogaadaan waa lagama maarmaan: waxba wakhtigu yuuna idinkaga lumin arqaladayta Shirweynaha Samaroon iyo biri-ma-gayda Samaroon, waayo shirku wuu qabsoomayaa intii qoomiyad leh ee iimaanku u fayowyahayna way ka soo qaybgali iyagoo haysta taageerada Samaronweyne. The Dogs Bark, the Caravan Passes. 

Jaamac Cusmaan

Canada (Ottawa) 

warqadii Med Xasan Mataan: http://harowo.com/2010/02/03/shirka-loo-abaabulayo-reer-awdal-ee-minoseto-yaa-ka-danbeeya-maxaase-awdal-uga-faa%e2%80%99ido-ah/

No comments:

Post a Comment