Sunday, February 14, 2010

Suuradda Almumtaxinah, Aayadaheeda 7&8 Ma sidii reer Banu israel lagu rogey ayeynu is-dhego marinna? Miyaanu Alle innagu amreyn Cidda aynu talada u dhiibanno & kuwa ka reebban?!!


Kol haddii Dastuurkii, Shuruucdii iyo Maamul wanaaggii Dawladnimo , muran iyo ku talax tag awoodeed ka bixi-waayey, Dalku saboolnimo, shaqo la,aan iyo Asaasyadii Dhabta ahaa ee Dawladnimo yeelan waayey magacyo moyee waxqabad iyo ku dhaqanba. Kol haddii Golehii Guurtada ay koox dhawr iyo afartan ah oo udubeysani ku leexeeysteen, Maamulkuna u aamusey isaga oo ay Madaxtooyadu wax ka yar 200 meter u jirto. Mar haddii Waqti kasta oo Doorasho timaaddo Madaxtooyadii Dalku go'a dhexda ugu maraneyso si aan doorasho u hirgelin, mudankii Dalkuna dhawr jeer oo hore ka ergeeyey, Mar haddii arrintu ay Dilal iyo qaraxyo arwaaxdii saraalkiisha ciidanka si aan la fahmeyn loola daba socdo remote Control lagu qarxinayo, cid fal dambiyeedyada goobtaas lagu qabanayaana jirin, Maamulka oo hore masdaaqiyaddiisa u raamsadeyna aan waxba laga dhegeysan kareyn, Bulshadu halka ay ka saldhigi la'dahay may garan.
 
Kutubta soo gurta oo bal akhrista Suuradda Almumtaxinah !! Aayadaha 7& 8 ee Alle idinku amrayo dadka  kaba reebban in ay talo idiin qabtan iyo kuwa ay u sugan tahay bal eega!! Ninka yidhi "Anigu kursiga ayaa la saaxiib ahay" inuu diktaatooriyad abuur yahay ayuu sheegey, Ninka hantidii Ummadda uu ka Mas'uulka ahaa , sheegi la' jaan iyo cidhib meesh ay martey layma weydiin karo ee Wasiirka ah, Mas'uulkiisu in uu jeebka ugu jiro ayuu sheegey , oo aanu waxba iskaga tirineyn isaga iyo Dastuur midna!!
 
Ummadda Somaliland, islaamnimadeeda inay tijaari ka dhigto maaha , waar qof kasta oo innaga mid ah waxa innala hadlaya qur'aankii Alle ee bal laba mid soo gala:
 
Inaad u hoggansantaan Alle oo aad fulisaan amarka Alle, sida aayadaha 7&8 ku qeexanna aydaan talo u dhiiban kuwii Dalkiinna idinkula daghaallamay, idin qixiyey ee Guryahiina idinka caydhshey, kuwii u adeegayey, kuwii u sacabtumayey iyo kuwii idinku daawanayeyba. ama ku raalligelinta diidmada amarka Alle addoon idinla mida raaca, oo haka cabanina!! Mushkilad soo noqnoqota haddaad aragtaanna, ama xaqiiqooyinka ayaa badh la qariyey oo laga tegey, ama waan loo hagar la'ayn!!
 
Allaa la hubaaye , waxa la yaqiinsan doonaa in aan qarax dambe iyo Argagixiso midna aan maamulkan dabadii , la maqli doonin ee qaar halkooda ku guba ay la wareegi doonaan talada.
Hunuu-Hunuu hadal maaha, Madaxnimadu waa hoggaamin iyo waxqabad muuqda , run Bulshadu ku leddo marka uu hoggaamiyaheedu u sheego ee aan kalaamulleyl maa yamshii Nahaar aanay noqon sid imika taalla. Ummadda Somaliland iyo Culimadeeda sharafka lehba, waxa aanu ka eegeynaa inay sida Alle ku ogyahay uga hadlaan arrinkan. Ninka Maamlkiisa, Naftiisa iyo Cirdigiisa lagu soo weeraray in ay arrintani tahay sinabana aanay u dhaafeyn Saraakiishii NSSta Faqashta ee markuu Dagaalku qarxay ka goosanweydey, laba iskuma diidana, waana kalaamkii Alle ee mid aan samaystey Maaha!! Maannaan dulmioyin ee iyaga ayaa is dulmiyey!! Mas'uul kasta oo wax u geysta ummaddiisana , habeen muu jirin haddii uu isku qanciyo in uu sidaa kula tegayo!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed. 
 



No comments:

Post a Comment