Sunday, February 21, 2010

Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Madaxabannaan oo Madaxweynaha Ugu B...


Ururka Dhakhaatiirta Xoolaha ee Madaxabannaan oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Ummadda ka Qabto Wasiirkiisa Xannaanada Xoolaha

Hargeysa (Jam)- Ururka Dhakhaatiirta xoolaha ee madaxa bannaan ee magacooda loo soo gaabiyo ULPA, ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu inuu ummadda ka qabto wasiirkiisa xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo ay ku eedeeyeen inuu si badheedha ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal, taasi oo ay sheegeen in hadii sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban waayo ay saamayn xun ku yeelan karto inay saamayn ku yeelan karto in qaadhaan-bixiyayaashu dib uga fiirsadaan mashaariicda la xidhiidha caafimaadka xoolaha ee ay ku caawiyaan dalka.

Hadal qoraal ah oo ururka dhakhaatiirta xoolaha ee madaxabannaani soo saareen oo ay nuqul ka mid ah xalay Jamhuuriya soo gaadhsiiyeen, ayay ku sheegeen in wasiirka xannaanada xooluhu 20 dhakhtar oo ka tirsan ururka dhakhaatiirta xoolaha ee madaxa bannaan (ULPA) uu si badheedh ah uga horjoogsaday mashruuc daawaynta xoolaha ah oo uu maalgeliyey sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladaha degdega ah iyo masiibooyinka ee magaciisu yahay CERF (Central Emergency Respond Fund), isla marakana ay fulinayso hay'adda FAO, kaasi oo ay xuseen in loogu tallogalay sidii ay uga faa'iidaysan lahaayeen dadka xoolaha bdhaqatada ah ee abaaruhu waxyeeleeyen.

Qoraalka ururka dhakhaatiirta madaxa bannaan ee xannaanada xooluhu soo saareen oo faahfaahsani waxa uu u qornaa sidan; "Warsaxaafadeedkan waxaanu cambaareynaynaa tallaabadii axmaqnimada ahayd ee ay wehelisay cadaawada aan garawshaha lahayn ee uu Wasiirka Xannaanada Xooluhu dhowaanta shaqada kaga joojiyey 20 dhakhtar oo ka tirsan ururka dhakhaatiirta xoolaha madaxabannaan ee magaciisa loo soo gaabiyo ULPA.

Labaatan dhakhtar oo ka qaybgalayey mashruuc daaweynta xoolaha, kana mid ah mashaariicda degdegga ah (emergency projects) oo uu maalgeliyey sanduuqa xaaladaha degdegga ah iyo masiibooyinka ee Qaramada Midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo CERF (Central Emergency Respond Fund), isla markaana ay fulinaysay hay'adda FAO, waxa loogu talogalay mashruucaas inay ka faa'iideystaan dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool gobollada dalka ee ay xoolahoodu waxyeelaysay abaarta dabada dheeraatay ee ku habsatay guud ahaan gobolllada dalka Somaliland.

Haddaba 20-ka dhakhtar ee ULPA ka qaybgali lahaa hawlaha daaweynta xoolaha ee mashruucaas aan sare ku soo xusnay, wuxuu Wasiirka Xooluhu shaqada uu ka joojiyey ku sababeeyey in xubno ka mid ah ULPA ay dhowaanta war siiyeen Guddi-hoosaaska dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland oo iyagu beryahanba ka dalbanayey Wasiirka Xoolaha inuu horyimaaddo si ay uga gutaan xilkooda dastuuriga ah.

Haseyeeshee, runta biyo-kama dhibcaanka ah iyo cadaawada Wasiirka Xooluhu shaqada kaga joojiyey dhakhaatiirtaas waxay tahay, lana xidhiidhaa 27 dhakhtar oo bishii ina dhaaftay ee sannadkan 2010 ka soo dareeray shaqadii maxjarka xoolaha dhoofa ay ka hayeen, kadib markii Wasiirka Xooluhu fulin waayey heshiiskiisii muqaawalka ahaa ee uu badhtamihii bishii December 2009 uu ku shaqo galiyey, isla markaana ay dhakhaatiirtu wayday cidday u shaqaynayeen iyo halkay xuquuqdooda u raacayeen, taasoo Wasiirka aad uga cadhaysiisay isagoo ka baqay in wuxuu qarinayaa ee uu golayaasha qaranka laga qarinayo inuu fashilmo.

Haddaba mashruucaas oo ahayd inay fuliyaan ururrada dhakhaatiirta madaxbannaan, waxa dhacday in Wasiirka Xooluhu ka fara maroojiyey hay'adda FAO dhammaan hannaankii maamul ee mashruuca loogu talogalay in loo fuliyo, waxaannu meesha ka saaray doorkii ay dhakhaatiirta madaxbannaani ay ku lahaayeen, taasoo mustaqbalka keeni karta in qaadhaan bixiyeyaasha mashaariicda noocan ah inay dib uga fiirsadaan mashaariicda ya ku bixiyaan xagga daryeelka xoolaha Somaliland.

Sidaa awgeed, waxaannu Golaha Wakiillada Somaliland ugu baaqaynaa inay qorshahooda ku darsadaan in Wasiirku jabiyey qodob kale oo dastuuriya oo ah qodobka 23aad, faqadiisa 3aad ee qeexaya in muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay si madax bananan u shaqaystaan, isla markaana isu abaabulaan urur, maadaama uu Wasiirka Xooluhu dhakhaatiir muwaadiniin ah u diiday inay xirfadooda inay si madaxbannaan ugu shaqaystaan Wasiirka Xooluhu xilka hayeyna uu ka galay gabood-fallo iyo tacadiyo aan la soo koobi karin oo la xidhiidha xuquuqdooda xirfadeed.

Waxa kale oo aannu Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu ummadda ka qabto Wasiirka Xoolaha ee dad iyo xoolaba dhammeeyey ee jabiyey qodobo ka mid ah dastuurka aad ku fadhido, isla markaana aad garwaaqsataa ficilladiisii kuwo ceeb adiga ku ah, maadaama aad tahay Madaxweynihii ummadda u garsoori lahaa, mana ah inaad Wasiir ka doorato ummadda inteeda kale.

Wasiirka Xoolaha waxaan leennahay adigaa malaha qaramo kale u shaqeeya oo waxaad muusaysay gosha ku sita golayaashii qaranka Somaliland-na ka dhuumanay oo leh waa sir waxaad I weydiinaysaan oo hadba been dhoodhooba haddaad run sheegaysana Golaha Wakiillada ee ka dhigay Wasiirka ayaad hortagi lahayd. Haseyeeshee annagu haddaanu xataa la kulanay Golaha Wakiillaa xaq baannu u leennahay inaan kulano, wayo annagu golahayagii Wakiillada ayaanu la kulanaee kii TFG lamaanu kulmin.

Runtii iyo gebogebadii waxaannu leennahay waa ayaan-darro in nin jabiyey qodobo dastuuriya inuu dhakhaatiirtii shaqada kaga joojiyo xubno idin ka mid ah, ayaa Baarlamaanka la kulmay oo xogsiiyey waa wax lala yaabo in shakhsi sidaa u fikarayaa lagu aamino xil ummaddeed, gaar ahaann loo igmado noloshii ummadda reer Somaliland oo ah xoolaha nool."



Jamhuuriya Online

2 comments:

  1. http://www.fnur.bu.edu.eg/
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/422-2013-12-10-10-18-01
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/421-2013-12-10-09-48-39
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/419-2013-12-09-07-21-12
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/420-2013-12-10-09-48-38
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/417-2013
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/418-2013-12-09-07-17-28
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/415-2013-12-03-08-09-23
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/416-2013-12-03-08-25-21
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/413-2013-11-21-07-50-21
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/414-2013-11-25-09-38-30
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/411-2013-11-20-08-11-53
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/412-2014
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/409-2013-2014
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/410-2013-11-13-17-25-28
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/407-2013-11-09-08-51-15
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/408-2013-11-13-11-55-53
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/405-2013-11-09-08-42-05
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/406-2013-11-09-08-46-10
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/403-2013-11-09-08-25-45
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/404-2013-11-09-08-28-15
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/400-2013-11-09-07-50-13
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/401-2013-11-09-08-03-31
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/398-2013-11-09-07-29-40
    www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/399-2013-11-09-07-43-49
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/397-eugen-ionesco
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/402-2014-2013
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/395-2013-11-02-09-07-04
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/396-45-2013-10-23
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/390-2013-10-29-11-53-44
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/393-2013-10-29-11-57-48
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/392-2013-10-29-11-56-48
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/394-2013-10-29-12-02-18
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/main-news/item/388-2013-2014

    ReplyDelete
  2. http://www.fnur.bu.edu.eg/
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/departements
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/medical-surgical
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/community-health
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/nursing-administration
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/mother-health-obstetrics
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/mental-health
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/pediation-nursing
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/dean-word
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/tip
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/vision-mission
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/goals
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/faculty-administration
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/previous-deans
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/t-magies-faculty
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/faculty-deps
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/degrees-offered
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/news/haykal%20tanzim11i.jpg
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/news/maaeer%20eetemad01_Page_1.jpg
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/news/kheta%20maaeer.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/news/khta%20edaria.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/index.php/about-faculty/wasf-wazefi-faculty
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/fani%20seyana.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/Copy%20of%20cover.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/akhesaee%20egtemaea.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/computer.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/malia%20edaria.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/fenon.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/maamal.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/maktabat.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/dean.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/maragee%20kharegi.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/maragee%20kharegi.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/maragee%20dakheli.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/hykal.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/amen%20fuc.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/amen%20kaaa.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/amen%20maamal12.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/r%20kh%20amaa.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/r%20kh%20derasat.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/r%20kh%20moshtarayat.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/r%20k%20maktaba.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/r%20k%20mowazana.pdf
    http://www.fnur.bu.edu.eg/fnur/images/pdf/r%20k%20r%20shbab.pdf

    ReplyDelete