Friday, February 26, 2010

Weftigii Guddiga Doorashada oo Burco uga jarmaaday culaysyo lagu saaray xulista xubnaha

Weftigii Guddiga Doorashada oo Burco uga jarmaaday culaysyo lagu saaray xulista xubnaha

Burco (Jam) Weftiga ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Burco, ayaa shalay ku dhawaaqay magacyada xubnaha Komishanka ee Gobolka Togdheer iyo degmada Burco oo ka kooban sagaal xubnood.

Guddiga Doorashooyinka oo imtixaan ka qaaday dad gaadhaya ilaa soddon qof, kuna tilmaamayay jagooyinka xubnaha Komishanka ee heer gobol iyo degmo, ayaa haddana magacaabay sagaalkii xubnood ee hore u ahaan jiray Komishanka.

Weftiga Komishanka ayaa masuuliyiinta xisbiyada gobolka u sheegay inay xubnahan ku qaateen waayo- aragnimadoodi hore ay u lahaayeen hawlaha doorashooyinka.

Magacyada xubnaha loo magacaabay Komishanka heer gobol iyo degmo waxay yihiin:

1 Siciid Xaashi Yuusuf

2 Kayse Maxamed Saleebaan

3 Cali Axmed Ismaacil

4 Cabdirisaaq Maxamed Guudcadde

5 Khadar Kaariye Cumar

6 Cali Jamaac Yuusuf

7 Cabdirashiid Ibraahim X. Cumar

8 Foosiya Jaamac Cilmi

9 Saynab Yuusuf Cabdi.

Geesta kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo muddooyinkan si weyn ugu hawlanaa xulista xubnaha noqonaya Komishanka ee Gobolka Togdheer, ayaa la sheegay ina culays badani kaga yimi dhinaca xisbiyada siyaasadda iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale, kuwaasoo dhinac kasta doonayay inuu lug ku yeesho, , taasina sababtay in hawsha xulistu ku qaadato dhawr maalmood.

Guddiga Komishanka ayaa subaxnimadii hore ee shalay ka soo jarmaaday magaalada Burco, iyagoo sheegay inay si rasmi ah u soo dhejin doonaan liiska xubnaha ay magacaabeen, balse magacyada guddiga gobolka u gudbiyeen masuuliyiinta saddex xisbi qaran ee Togdheer.

Jarmaadaha weftiga Komishanka, ayaa lagu tilmaamay mid ka dhashay culays badan ee kaga imanayey dhinacyada siyaasadda ee ku loollamayay xulista xubnaha guddiga doorashada ee gobolka.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment