DUFCADII UGU HORAYSAY EE HEER JAAMICADEED KA QALIN JABISAY JAMACADA BURCO
Ardaydii ugu badynayd ee abidka qalin jabisay jamacadda burco oo maanta shahaadooyin lagu gudoonsiiyay.
Burco: (THN) Waxaa saaka shaahaadooyin la guddonsiyey ardaydii ugu badnayd ee ka qalinjebisey jaamacadda Burco, ardayda oo ka kala qalinjebisay 4 kulliyadood ayaa ah dufcaddii 1aad ee ka qalinjebisa jaamacadda BURCO, kulliyadan oo kal ah: Kulliyadda Shareecada, kulliyada Tababarka Macallinimada, Kulliyada Waxbarashada iyo Kulliyadda Xannanada Xoolaha..
Munaasibaddani qalinjebinta ardaydan oo ay ka soo qaybgaleen, masuuliyinta azaabta qaranka, wasiiro,salaadiin,abwaano,Guddoonka 5ta jaamacadood ee Camuud,Hargaysa,Golis,Burco,Iyo Nugaal, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka ,Guddomiyaha Baarlamaanka Somaliland,culmo -awdiin, maamulka guud ee shirkadda xawaaladda DAHABSHIIL,Guddiga Horumarinta Gobolka Tog-dheer, ardaydii qalinjebisay iyo weliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Burco .
waxa ugu horayn munaasibadda ka hadlay Guddomiyaha jaamacadda Burco prof: C/raxman Jamac Ducaale, wuxuu ka sheekeeyey heerarkii ay soo martay jaamacaddu, wuxu sheegay Guddomiyuhu in jaamacadda Burco Tahay Jaamacaddii koowaad ee ay ka qalin jebiyaan Dhakhaatiir xoolaad marka la eego jaamacadaha Somaliland .
Waxa isna munaasibadda ka hadlay Maxamuud Aadan Dheri oo ah Guddomiyaha Guddiga horumarinta Gobolka Togdheer, wuxuu sheegay in maanta ay farxad gooni ah u tahay, maadama bu yidhi juhdigayagii an ku bixinay in dhalinyarada reer Burco ay jamacad helaan uu midho dhalay, wuxuu xukumadda ka codsaday in jaamacadda Burco iyo dhakhaatiirtaniba ay u baahan yihiin Baabuur oo surf ah.
Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada Somaliland Mudane Maxamud Garaad, ayaa Ardayda qalin jebisay ku hambalyeeyey samir ka ay u soo yeesheen aqoonta ay maanta kala tegeen jaamacadda.
Sido kale munasibadda qalinjebinta wax isna ka hadlay Prof Saleban axmed Guuleed isla markaasna ahaa professorkii Jaamacadda Camuud, wuxuu xusay in 1928kii ay ahayd markii Maxamud Axmed Cali uu keenay dalka nin caddaan ahaa oo yidhi aan jaamacad dalka ka dhiso,wuxu sheegay in berigasi uu alle ha u naxariste maxamud axmed cali shiriyey dadkii wakhtigaa una sheegay in jaamacad la inoo dhisayo, dhammaan dadkii reer burco ee berigaas waxay ugu jawabeen ma rabno uu ina gaalaynayaa ayu yidhi Prof Saleban,iminka ayaynu garanay in maalintaas aynu khaldanayn oo aqoontu faaido leedahay ayu Yidhi Prof Saleeban.
Dhanka kale Guddomiyaha Jaamacadda Nugaal ee Laascanood Prof C/risaq ayaa munaasibadda ka hadlay, isagoo aad ugu mahadnaqay maamulka iyo marti sharafta munaasibadda qiimaha leh isku so dubariday , wuxuu ardayda kula taliyey in ay ka faiidaystan aqoonta ay ka barteen jaamacadda, uguna faideeyan dalkooda iyo dadkooda.
Shirkadda DAHABSHIIL oo ah shirkadda suuro gelisay qabsoomidda kulankan kharash baddanna ku bixisay sidii ardaydani u soo bixi lahayd, islamarkaasna ay Guddiga horumarinta Gobolku sannad kasta ka qaadaan kharash badan, ayaa Mid kamid ah masuuliyiinta sar sare ee shirkaddaasii uu munaasibadda khudbad aad u kooban ka jeediyey, wuxuu xusay ismaaciil cabdi ducaale oo ah masuulkii shirkada u hadlayay in shirkadda Dahabshiil ay ka shaqayso horumarinta dalka iyo dadka, isla markaasna shirkadda iyo jaamacadda uu xidhiidh weyni ka dhexeeyo gacan aad u weyna ka geysato shirkaddu hawlaha jaamacadda burco.
Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe, ayaa isaguna munaasibadda ka hadlay wuxuuna xusay in faaido weyn ay u tahay in maanta ay dhakhaatiir xoolaad u so baxaan somaliland.
Maayarka Magaalada Burco oo isaguna khudbad dheer munasibadda ka jeediyey, ayaa sheegay in isaga ay maanta farxad Gooniya ay u tahay, isagoo sheegay in 7 ka mid ardaydan qalinjebinaysaa ay ka mid yihiin shaqaalaha iyo maamulka sare ee D/hoose, wuxuuna sheegay in xaflad gaar ah ay iyana samaysan doonaan.
Guddomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujahid Muuse Bixi Cabdi ayaa isna munaasibadda ka hadlay ,wuxuuna sheegay in xukuumaddu la wayday gool ay is tidhi dhali oo uu ku sheegay ictiraafkii.
Xogahayaha Xisbiga UDUB Jamac Yasin Faarax oo isna munasibadda ka hadlay ayaa Dadka u sheegay, in xukumaddu wixii ay ballanqaaday ay badh badan dhaqaajisay, wayaabo aanay dhaqaajina ay jiraan, wuxuna dadka ku booriyey inaanay samir darnaan oo ay sugaan oo wixii ay xukumaddu ballanqaaday oo dhan la dhamaystiri doono.
Xildhiban Cali xasan Maxamed (Cali Mareexan) iyo maxamed yusuf wabeyo oo ah xildhibaanadii laga soo doortay Gobolka Togdheer aya iyaguna ballanqaaday iskuna qoray in ay jaamacadda Burco ugu deeqi doonan Lacag Dhan $1000 kun dollar.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Jamac C/lahi Biin ayaa isna khudbad kaftan ah munasibadda ka jediyey wuxuna ka yara daba tegay hadaladii muuse biixi ku yara tuuray Xukumadda ee uu sida diblomaasiyadysan ugu tuuray.
Ardaydan ka qalinjebisay jaamacadda ayaa qar ka mid ahi ka so jeediyeen kelmado kooban oo ammaan iyo ducoba ah munaasibadda iyo weliba suugaan lagu tiriye af carabi ama luqadda carabiga.
Guddomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxman Maxamed C/laahi Cirro ayaa munasibadda ka jeediey Khudbadii so xidhitaanka, wuxuuna xusay in aqoonta aan laga waynaan, isagoo intaas ku daray in isaga masuuliyin kaleba ay malin dhoweyd qalin jebiyeen.
Waa markii u horaysay ee ay Tiro intan leeg ay ka qalin jebiso jaamacadda Burco.
Munasibadda ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay amnigeda,halkaasna ay dhoobnaayen ciidamo badan bileys ah, oo badhayay dhammanba dadka madasha joogay.
Dahir ismacil warsame (SULDAN)
waqabadka Togaherer
Burco Somaliland
Suldaandaahir1991@hotmail.com
No comments:
Post a Comment