Wednesday, March 10, 2010

‘Inta Cabdillaahi Cirro Hayo Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Golaha Xukuumadda Waannu ka Madaxbannaanahay’

'Inta Cabdillaahi Cirro Hayo Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Golaha Xukuumadda Waannu ka Madaxbannaanahay'

"Annaga oo madax-dhaqameedka magacyadoodu hoos ku qoran yahay ee joogta dibad iyo gudahaha ee ka tirsan beesha Cabdalla Siciid, waxaannu leenahay marka hore jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland waa muqadas, dadka inta kale oo dhammi hadday isu raacdo amma ku kala baydhaan oo ku kala qaybsamaan, annaga mowqifkayagu waa jiritaanka Somaliland oo aannu leenahay hawaarto.

Marka labaad annaga oo ku hadlayna afka beesha dibed iyo gudaha inta uu joogo Wasiirka Arrimaha Guduhu Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), golaha xukuumadda waannu ka madaxnnaannahay, annaga beeshayada waxa looga taliyaa saddex geed oo keliya oo kala ah; gobka ku yaal Xaraf, gobka ku yaal Dhaboolaq iyo gobka ku yaal Jigjiga, waxananu ka madaxbannaannahay wax siyaasi, siyaasiyaguna beesha uun buu ka mid yahay.

Waxa kale oo aannu idiin sheegaynaa inay kol uun wax noo uraaan, waxa noo urana dib nalooguma karo, lanama marsiiyo mur hadday ka qadhaadhahay, arrintaas oo dhana waxa nagu kalifay waa wax aanu kala kulanay wasiirkaa yar ee Cirro."

Dhammaan magacyada cuqaashuna waxay kala yihiin:

Chief-caaqil Cali Cige Jaamac, Chief-caaqil Cali Cabdillaahi Cabdi, Chief-caaqil Bakaal Cabdillaahi Jaamac, Caaqil Ismaaciil Muuse Xiiray, Caaqil Cabdi Faarax, Cabdillaahi Raagge, Aadan Cabdillaahi Cali, Maamuud Cali Raan, Cabdi Cabdillaahi Indho Biraale, Maxamed Cumar Cigaal, Farxaan Cabdi Gadabuursi, Mahad Maxamuud Ismaaciil, Cali Boodhle Kaahin, Axmed Wayrax Xasan, Maxamed Cabdi Askar, Cali Xasan Cabdillaahi, Cumar Badde Cabdi, Baaruud Yuusuf Jaamac, Oday. Aadan Cabdi Caydiid, Oday Cabdillaahi Maxamuud Cumar, Oday Cali Maxamuud Maaweel, Oday Carab Cubeed Ismaaciil, Oday Cabdiraxmaan Cali Diiq, Oday Maxamed Cabdi Cilmi, Oday Gahayr Yuusuf Wacays, Oday Cabdillaahi Cabdi Cuule, Oday Cabdillaahi Jaamac Yogol, Oday Xasan Habbane Ciise, Oday Cabdillaahi Cali Ismaaciil, Hargeysa.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment