Sunday, March 28, 2010

Mudane Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Xukuumadda Rayaal...

Hargeysa(NNN):- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan Goloha Wakiillada Somaliland, isla markaana laga soo doortay Gobolka Togdheer kana mid ah Mudanayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa ka waramay tallaabooyinka baadhitaanka dilka Taliyihii qaybta 12-aad ee Ciidamada Qaranka oo 1-dii bishii 11-aad 2009 lagu dilay Qarax Miino magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo illaa halka ay maanta wax marayaan, waxaanu Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ku eedeeyey inay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushan-yihiin sidii ay xaqiiqada kiiskaa u marin habaabin lahaayeen.
sidii ay xaqiiqada kiiskaa u marin habaabin lahaayeen.
Md. Maxamed Jaamac Cali waxa uu sidaa ku sheegay War-saxaafadeed uu isagu ku saxeexan yahay oo uu caawa nagu soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakadda Hadhwanaagnews ee magaalada Hargeysa, kaasoo uu ku sheegay qaabka baadhitaannada dilkaasi natiijooyinkii ka soo baxay si dadban loo marin habaabinayo, iyada oo 9 qof oo ku eedaysnaa dilkaas maanta oo Axad ah dacwaddoodu ka bilaabantay Degmada Mandheera loo waajahay qaab beelaysan oo xaqiiqada ka fog, isla markaana waxa uu Xukuumadda u soo jeediyey in tallaabo sharciya laga qaado Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro oo uu ku eedeeyey inuu la saftay difaacayaasha kiiskaas, marin-habaabinayana xaqiiqooyinka dhabta ah ee kiiskaas.
War-saxaafadeedkan uu soo saaray Xildhibaan Maxamed Jaamac oo xogo fara badan daaha ka faydaya, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa qoraalkiisu sedan:-
"Maanta oo ay ahayd maalin Axad ah, 28-ka March 2010, Degmada Mandheera waxa ka furmay dacwadda 9 qof oo lagu soo eedeeyey dilka Allah ha u naxariistee Cismaan Yuusuf Nuur oo ahaa Taliyahii hore ee Qaybta 12 ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee Goolka Sool. Sida aan ka wada dhegaysannay Laanta Af Somaaliga ee BBC-da, waxa halkaa ku sugnaa ilaa 50 qof oo danahooda uga soo boqoolay si ay taageero macnawi ah iyo mid maaddi ah ugu fidiyaan eedaysanayaasha.
Dadkaas sida ay sheegtay Idaacadda BBC-du, waxa ayaan-darro ah in ay horkacayeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo isagu u soo saftay difaaca iyada oo sida Qoddobka 48 ee Dastuurka dalka kaas oo qeexaya Reebanaanta Qabashada Xil Kale iyo Uga Faa'iidaysiga Xilka Dano Gaar ah Sidoo kale waxa ku sugnaa Maxkamadda Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Xassan (Indho) oo sida uu hore ugu faafiyey wargeysyada dalka sheegay qarraxyada ka dhacayey Laascaanood in Tolkiis ka danbeeyey, maanta u taagan difaacooda.
Si la mid ah waxa Maxkamadda ku sugnaa Oday Fu'aad Aadan Cadde oo hore u ahaan jiray wasiir, haddana ka mid ah hawlwadennada sare ee Xisbiga Kulmiye. Oday Fu'aad wareysi uu siiyey Idaacadda Laascaanood, waadhigayo ay ka reebban tahay in uu qabto xil ka baxsan midka wakiilada ee loo soo doortay. Sidoo kale difaaca eedaysanayaasha waxa duruufaha ku gedaaman qaraxyada Laascaanood iyo dareenka isa soo taraya ee muujinaya kaalinta xukuumaddu ku leedahay fal denbiyeedyadan qorshaysan oo ilaa maanta aanay jirin cid loo xukumay.

Hordhac
Waxay ahayd abbaaro 9.00 subaxnimo, 01/11/2009 markii faras magaalaha Laascaanood uu ku qudh baxay Taliyahii Qaybta 12 ee Goolka Sool ka dib markii lagu fuliyey qarax haleelay gaadhigii uu saarnaa isagoo xilligaas hawl qaran ku jiray. Qaraxa oo loo adeegsaday qaabka fogaan hagaha (remote control), waxa iyaguna ku dhaawacmay dareewalkii gaadhiga taliyaha, Caynaanshe Cabdi Cilmi (40 jir) iyo Rashiid Saalax Dhunkaal (40 jir) oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha.
Haddaba aniga oo hor kacayay ergo xaqiiqo raadin ah oo ka koobnayd 12 qof kuwas oo isugu jiray tiro 4 hoggaan dhaqan, tiro 3 ka mid ah waxgaradka iyo waayeelka degaanka, tiro 2 sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranka, tiro 1 xildhibaan (aniga) oo ka socday Golaha Wakiila iyo labo dareewal waxaan 03/11/2009 ka anbabaxnay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer xilligaas oo Laba maalmood laga joogay geeridii naxdinta lahayd ee Taliyahe Cismaan Yuusu Nuur.

Xog Ururin
Gelinkii danbe ee isla maalintaas markii aannu gaadhnay magaalada Laascaanood, waxaan ku sii hakanay barta ilaalada ciidanka ee afaafka magaalda (kantaroolka). Ciidanka ku sugnaa kantaroolka waxay na la xidhiidhiyeen madaxda gobolka sida Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka iyo Taliyahii Qaybta Booliska kuwaas oo ka baaqsaday, siddii dhaqanku ahaa, in ay nala kulmaan isla markaana noo soo gudbiyaan waxii xog horudhac ah ee la xidhiidha baadhitaanka dilkii marxuumka.
Haddaba, annaga oo adeegsanay ilo gaar ah iyo waxii xog ah oo aan ka heli karnay xafiisyada ay shilku khuseysay, waxaan halka ka xusayaa dhowr qoddob oo aan rabo in aan la wadaago saxaafadda si bulshada Somaaliland xogogaal ugu noqoto duruufaha ku xeeran qaraxyada Laascaanood.
Baadhitaanka dilka Taliyahii aagga 12aad waxaa u xilsaaran ciidanka Denbi Baadhista (CID), Qaybta Booliska Gobolka iyo Ciidanka Qaranka. Inkastoo dilka loo soo xidhay dad badan oo lagu tuhmay in ay qayb ka ahaayeen shirqoolka, waxa shaki weyn leh dhowr qof oo ka mid ahaa eedaysanayaasha in si degdeg ah loo sii daayey iyadoo ay soo fara geliyeen ama eedasanayaasha ay sii daayeen ama ay damiinteen xubno ka mid ah, ama ka mid ahaa maamulka sare ee Gobolka sida Duqa Magaalada Laascaanood, ku Xigeenka Badhasaabka Gobolka Sool, Taliyiha Qaybta booliska iyo Taliyaha Ciidanka Sirdoonka oo hadda isagu u xidhan shirqoolkii lagu khaarajiyey marxuumka. Qabashada Taliyahii nabad-sugidda waxaa fududeeyey caddeymo soo ifbaxay iyo iyada oo la hayo tiro dad ah oo ka marag kacaya falalkii dhacay.
Waxaa xusid mudan tan iyo maalintii la dilay Taliyahii aagga 12aad waxaa is daba jooay falal argagixiso oo laga fuliyey magaalada Laascaanood aniga oo ka tilmaamaya kuwa soo socda.

• 03/01/2010 Waxaa la qarxiyey saldhigii dhexe halkaas oo saddex askari ku dhaawacmeen. Dhaawaca oo loo qaaday G/togdheer, ayaan darro, waxaa dhaawacii ku geeriyooday laba ka mid ah halka kii saddexaad weli ku sugan yahay cisbitaalka Burco.
• 10/01/2010 fiidkii waxa toogasho lagu dilay taliyanii hawlgelintu ee ciidanka booliska G/Sool, marxuum Cismaan Macallin Nuur oo sida la sheegay ku gudo jiray baadhitaankii qaraxyadii toddobaad ka hor ka dhacay saldhiga booliska.
• 18/02/2010 Taliyihii Saldhigga qaraxu ka dhacay ayaa ka kacay masaajid ku yaalla Laascaanood isaga oo sheegay falalkii ka dhacay magaalada in uu ka danbeeyey Taliyaha Booliska ee Qaybta G/Sool, isla markaana sheegay in uu tuhunsan yahay isaga laftiisa in la rabo in la dilo si loo lumiyo fulinta cadaaladda iyo soo afjaridda qaraxyada socda.
• 18/02/2010 Isla habeenkaa Taliyaha Saldhiggu waxa uu idaacadaha maxaliga ah ee Gobolka ku faafiyey eedayntaa isagoo ku celiyey in uu ka baqayo in la dilo iyo in uu caddeynayo falalkii hore u dhacay iyo haddii isaga dhib soo gaadho in uu masuul ka yahay taliyahiisa qaybta gobolku. Inkastoo xukuumadda laga filayey inay soo fara geliyaan arrintaas ka soo yeedhay Taliyahii Saldhigga Dhexe ee Laascaanood, isla markaana la filayey in uu eedda iska reebo taliyaha qaybtu, waxa nasiib darro ah in xukuumaddu arrinkaas dhegaha ka xidheen. Ilaa hadda, Qaybtii Booliska ee Gobolka waxa taliye ka ah ninkii masaajidyada iyo warbaahinta laga eedeeyey isagoo loo aaneeyey dhammaan fal denbiyeedyadii dhowaanhan laga fuliyey Laascaanood.


• Wefdi balaadhan oo leh wasiiro, xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa dhowaan u baqoolay Laascaanood iyagoo sida aan warka ku haynno qaarkood la kulmeen Taliyihii Saldhigga Dhexe oo sida la sheegay ka codsadeen in uu ka noqdo eedaymihii uu sheegay iyo inuu xilka iska casilo si loo denbabaso runta iyo xaqiiqada ka jirta Laascaanood.
• 25/01/2010 Taliyahii Saldhigga Dhexe ee Laascaanood ayaa idaacadaha ka sheegay in uu iska casilay xilkii uu ummadda u hayey. Waxaa la qabaa ergadii xukuumadda ee halka ka tegay in ay taliyaha ku qasbeen xil ka tegista si loo aamusiyo codkaa soo yeedhay oo la filayey inuu daahfuro arrinta murugsan ee G/Sool. Sidoo kale, waxa muuqata taliyahu inuu ku qanci karo markuu ogaaday mawqifka xukuumadda iyo in uu isagu noqday nin u ergoonaya kii eelka dhigay.
• 20/01/2010 waxaa isna warbaahinta la sheegay in uu is casilay taliyahii ciidanka denbi baadhist (CID) isagoo warbaahinta ka sheegay in uu gacanta ku hayey gal denbiyeedka dilkii T/Q/12aad Cismaan Yuusuf Nuur.
• 26/01/2010 Mar kale, qarax ay ku dhinteen saddex askari, mid kalena dhaawac culusi ka soo gaadhay ayaa ka dhacay magaaladda laascaanood.
• 27/01/2010 Waxa la sheegay guryaha maayarka iyo taliyaha Q/booliska in hortooda la dhigay joonyado loo maleeyey in ay ku jiraan walxaha qarxa. Baadhitaan qaatay maalintii oo dhan ka dib waxaa la oggaday joonyadahu in ay ka buuxaan ciid iyo xashiish.
• 29/01/2010 Qarax xooggan ayaa lala beegsaday badhasaabkii G/Sool halkaas oo badhasaabka dhaawac ka soo gaadhey isaga iyo dareewalkiisa. Allah ha u naxariistee shilkaas waxa ku nin ka mid ahaa ilaalidii badhasaabka.
• 02/02/2010 Qarax xooggan ayaa ka dhacay agagaarka Huteelka Xamdi halkaas oo uu ka socday shir. Sida la sheegay subaxnimadii waxa goobtii laga helay nin lagu tilmaamay in uu ka danbeeyey qaraxa.
• Mudaaharaadyo culus ayaa oogsamay magaalda Laascaanood iyadoo isla maalintii bannaanbaxo uu ku qudh baxay hal qof (nin) laguna xidhxidhay in ka badan 60 qpf oo loo soo dhaadhiciyey magaalada Caynabo halkaas oo aanay ka jirin adeeg lagu sugi karo daryeelka iyo nabadgelyada tirade intaas lee gee maxaabiista ah.
• 07/02/2010 Wasiirkii Cadaaladda iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xabsiga G/sool si fool ka fool ah ugu la kulmay eedaysane Taliyahii Nabadsugidda Gobolka iyo dad kale oo u xidhan dilkii Taliyaha Q/12aad iyo falalkii argagaxiso ee la xidhiidhay.
• 10/02/2010 Mar labaad ayaa wasiirkii cadaaladda iyo Xaabsade la kulmeen maxaabiistii iyadoo sida la sheegay ay is afdhaafeen ilaaladii xabsiga. Waxa ayaan darro weyn ah on uu cadaaladii marin habaabinayo wasiirkii cadaaladda oo u xilsaarnaa.

Siyaasiga Xaabsade oo hore uga hadlay dilkii taliyahii aagga 12aad ee ciidanka qaranka, wareysi uu siiyey wargeyska cadadkiisii 12/11/2009 waxa uu ku sheegay marxuumku in uu qaranka ka dhintay, qarankuna u xilsaaran yahay sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa ciddi falkaa ka danbeysay, isla markaa waxa uu ka digay in aan arrinka beel laga dhigin.

Haddaba maanta Xaabsade isaga ayaa arrinkii beelayey isagoo gacan ka haysta xukuumadda oo weliba sifo sharci darro ah u dhex fadhiya xabsigii ay ku jreen dadkii loo aaneeyey dilka iyo qaraxyada ka socda gobolkiisa, Maanta waxaan ka digayaa in aan la marin habaabin cadaaladda iyo in aan bulshada la gaadhsiin heer ay gacantooda ku fuliyaan sharciga marka ciddii sharciga martida looga ahaa ku sifoobeen in ay yahiin kuwo sharciga ka weynaaday.

Ergadayada xaqiiqo raadiska ah waxaannu 04/11/09 booqannay goobtii uu shilku ka dhacay halkaasna waxaannu ku la kulannay dad goob jog ahaa. Isla maalintaas waxaannu la kulanney wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey Wasiirka Gaashaandhigga kana mid ahaa Taliyaha Ciidanka Qaranka. Waftiga oo ka soo socdaalay Hargeysa waxay noo sheegeen hawsha baadhitaanku in ay u taallo xukuumadda iyo maamulka gobolka Sool.

Ergadayadu 05/11/09 waxay 10.00 subaxnimo xarunta gobolka kula kulmeen Guddiga Nabadgelyada Gobolka Sool. Waxaan xusayaa Taliyaha Sirdoonka Gobolk Sool oo hadda u xidhan dacwadda in uu dhowr jeer ku celceliyey in marxuumku qaranaka ka dhintay loona baahnayn ergo beeleed oo dacwadda daba socota. Isla markaa in uu noo diiday wax xog ah in aan ka helno siidii wax u dhaceen iyo halka arrinku marayo isagoo waxii xog ah ku sheegay in ay sir qarsoodi ah u yahiin xukuumadda. Markaas waxaan u sheegay in aan ahay xildhibaan ka socda Golaha Wakiilada aniga oo ah xildhibaankii Marxuumka sidoo kale xildhibaan u ahay qof kasta oo reer Somaaliland ah. Waxaannu u sheegnay ujeedada keliya aannu leenahay inay tahay siddii dhagar-qabaaysha loo soo hor taagi lahaa cadaaladd iyadoo loo marayo hab sharci ah.

Intii aannu ku sugnayn magaalada Laascaanood waxaannu soo hubsannay in xukuumaddu aanay marnaba u qiimayn shilkan siddii u mudnaa oo ahayd in loo guda galo heer qaran. Balse waxaan hore u sii ogaanay xubno ka tirsan maamulka gobolka in ay lug ku la haayeen shirqoolka dilka sida Taliyaha sirdoonka oo haddaba u xidhin. Waxaannu ka dhiidhiyeynaa in Taliyaha sirdoonka keligii lagu soo koobo shirqoolka iyadoo la tuhunsan yahay xubno ka sii badan oo ka tirsan maamulka gobolka iyo xukuumadda dhexe. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa qoddobadan soo socda: -

1- Hay'adaha xeerdejinta ee qaranka, si loo soo sugo xogta dhabta ah, waxaan hore uga codsanay, mar kalena aan ku celinaynaa in guddi heer qaran ah loo saaro baadhitaanka shirqoolada qorshaysan ee ka ooggan magaalada Laascaanood.
2- Golaha Guurtidda oo ay muuqato in laga jeediyey xilkoodii dastuuriga ahaa, waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka baxaan muranka una soo jeestaan gudashada xilkooda iyagoo laga sugayo siddii Gobolka Sool loogu soo celin lahaa nabad iyo xasilooni.
3- Waxaan xukuumadda u soo jeedinaynaa in tallaabo sharci ah laga qaado wasiirkii arimaha gudaha oo tan iyo markii shilku dhacay warbaahinta ku faafinayay hadalo is burinaya oo uu ku marin habaabinayo xaqiiqada isagoo u soo saftay difaacidda iyo eed ka reebidda eedaysanayaasha.
4- In sida ugu dhaqsaha badan loo fuliyo go'aankii xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare oo u qorshaysnaa in si degdeg ah dacwadda loogu qaado goob iyo garsoor ku habboon.
5- In baadhitaab buuxa lagu sameeyo madaxda xukuumadda iyo siyaasiyiinta xabsiga ku la kulmay eedaysanayaasha. Isla markaana, maxkamad la hor keeno madaxda xukuumadda ee lagu tuhunsan yahay in ay ka qayb qaateen shirqoolada qorshaysan.
6- Salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka somaaliland waxaan ka codsanaynaa in u kacaan siddii loo furdaamin lahaa, nabadna loogu soo dabaalilahaa Gobolkaas iyo dhamaan soomaalilandba.
7- Bulshada caalamka iyo ururada u dooda xuquuqda aadamiga waxaan ka codsanaynaa in gacan naga siiyaan baadhitaanka falalka argagaxiso ee ka aloosan Gobolka Sool oo haddii la sii eegto ku sii faafi kara dalka intiisa kale."

Xig:Nasiib News Network 

No comments:

Post a Comment