Monday, March 1, 2010

Puntland: Wasiirro la isku shaandheeyey

Puntland: Wasiirro la isku shaandheeyey

C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland ayaa isku
 shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda. VOA

Xarunta Puntland


Wasiiradda xilalkooda waayay waxaa ka mid ah Gen. C/laahi Siciid Samatar wasiirkii Amniga, waxaana lagu badalay Gen Yusuf Axmed Khery oo ahaa wasiir-kuxigeenkii Arrimaha Gudaha. Sidoo kale Wasiirkii Dekedaha C/risaaq Xuseen Gacayte ayaa lagu badalay Siciid Maxamed Raage oo wasiir ka ahaan jiray maamulkii Cadde Muuse.Shir jaraaid oo xarunta madaxtooyada ee Garoowe ay ku qabteen Madaxweyne Faroole iyo kuxigeenkiisa ayaa loogaga dhawaaqay isku-shaandheynta lagu sameeyay gollaha Wasiiradda.

Wasiirkii Caafimaadka Bashiir Cali biixi ayaa lagu badalay Dr. Cali C/laahi Warsame. Wasiirkii Qorsheynta Faarax Aadan Dhalac ayaa lagu badalay Dr. Daa'uud Maxamed Cumar.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in isku-shaandheyntan ay ka danbeysay kadib qiimeyn ay ku sameeyeen dowladiisa oo uu sheegay inay soo baxday baahi loo qabo in wasaaraddaha qaarkood isbedelka lagu sameeyo.

VOA

No comments:

Post a Comment