Friday, March 26, 2010

SU’AAL FURAN TOLOW XISBIGA UDUB QOF KALIYA OO DAMIIR IYO DAREEN WADANIYADEED LIHI LA KU JIRAA????W/Q:ALI KAYSE KABADHE

SU'AAL FURAN TOLOW XISBIGA UDUB QOF KALIYA OO DAMIIR IYO DAREEN WADANIYADEED LIHI LA KU JIRAA????W/Q:ALI KAYSE KABADHE


Waxaan Salamayaa Inta Dareenka Iyo damiirka Somaliland-nimo leh, Inta U damqata Somaliland Inta ka soo Horjeeda Musuqmaasaqa Hanti Boobka Horumar La'aanta Biyo La'aanta Caafimaad La'aanta Waddo La'aant Doorasho La'aanta  Citiraaf La'aanta Dhaqaalo La'aanta Waxbarasho La'aanta Shaqo La'aanta Dastuur Jabinta iyo  Ku Tartanka Boobista Hantida Ummada.
Waxaa Salaantayda Ka Reeban Kuwo Intaa Aan Soo Sheegay Ku Sifoobay Ama Intaas Oo Dib U Dhac Ah Geyaysiiyey Shacabka Somaliland, Iyaga Oo Raacanaya Danahooda Gaarka Ah, Waxaa Salaantayda Ka Reeban Kooxda Ama Ururka  Aan U Bixiyay Macaan Jecel.Macaan Jecel Waxaa La Yidhaahaa Bahal Yaroo Xayawaanka  Dhulka Ku Nool Kamida Oo Had Iyo Jeer Meel Kasta Oo Wax Macaani Ku Dhacaan Ama Ku Qubtaan Ku Soo  Urura.

Intaa Kadib Haddii Aan Gudo Gallo Qoraalkan Kooban Ee Aan Ciwaanka Ugu Dhigay Tolow Qof Damiir Iyo Dareen Wadaniyadeed Lihi Maku Jiraa  Xusbiga UDUB?
Marka Hore Waxaan Ka Cudur Daaranayaa In Aan Kooxdaas Riyaale Madaxa U Yahay  Xusbi Ugu Yeedho, Sababtoo Ah Xiligan La Joogo UDUB Wixii La Odhan Jiray  Xusbi Ahaan Umma Jirto Laakiin Wuxuu U Jiraa  Si Magaca Yaal Ah (pronoun).  Sababaha Aan Xusbi Loogu Yeedhi Karin Waxaa Ka Mida.

1-Xusbiga Waxaa Lagu Gartaa Marka Uu Gole Dhexe Iyo Gole Fulineed Leeyahay  UDUB Gole Dhexe  Iyo Mid fuleneed Midna Malaha.

2- UDUB Waxay U Qaybsan Tahay Laba Qaybood Oo Kala Ah Isbedel Doonka UDUB Iyo UDUB Macaan Jecel
Markaa Labada Kooxood Mid Ka Mida Xusbiga Magaciisii Hore Looguma Yeedhi Karo.

3-Sidda Muuqata Waxaa Jiray Riyaale Oo Ka Soo Baxay Xusbigii UDUB Macaan-Jecel La Odhan Jiray Laakiin Hada  Cid Gaara Ama Maamul Xusbi Oo Laysku Raacsan Yahay Oo UDUB Loogu Yeedhi Kara Ma jirto.

Hadaba Aan Idin Tuso Dadka Aan Leeyahay Tolow  Dalka Iyo Dadka Lexejeclo Maka Haysaa?Aniga Oo Isku Deyaya In Aan Qof Qof Idiinku Soo Gudbiyo Waa Udubta Macaan Jecesha Ahe.
Waxaynu Ku Bilaamaynaa Madaxwaynaha  Riyaale Oo Kooxdan Macaan Jecesha U Ah Hormuud, Inaga oo Ka eegayna  Taariikhdiisa Somalilander Nimo Iyo Weliba Wax Qabadkiisa Madaxwayne Nimo.

Madaxwayne Riyaale Waa Masuulka Ugu Sareeya Somaliland Waana Masuulkii Ugu Horeeyey Ee Xilka Madaxtinimo Shacabku u Doorteen, Inta Aynaan U Gelin Doorashada Riyaale Aan Ku Horayno Riyaale Waa Kuma?

  • Riyaale Waa Shaqsi Ka Mid Ahaa   Xukuumadii SIYAAD BARRE Ee Xalaashatay Dhiiga Iyo Dhaqaalaha Iyo Weliba Dhulka Shacabka Somaliland ba.
  • Riyaale Waa  Derejadiii  Loo Yaqaaanay (National Secret Service) NSS,  Shaqadiisuna Ahayd Soo Dhego Dhegaynta.
  • Riyaale Wuxuu Ahaa  Dadkii Markii Mujaahidiintii S.N.M Dalka Qabsatay  Qaxay Ama Cararay Isaga Oo  Markaa  Ogaa Wixii Uu Geystay, Isla Mar Ahaan Taana Ku Fekerayay Haddii Uu Gacanta Mujaahidiinta Galo In Ay Dili Donan Taasina Waa Tii Keliiftey In Uu  Firxado Illaa Laascaanood.
  • Riyaale Markii  Uu Socday Shirkii Magaalada Burco Ee Beelaha Somaliland Wuxuu Warqad Usoo Qortay Labada Mujaahid Ee Kala Ah  Muj. Cabdiraxmaan Laba Tole Iyo Mujaahid Maxamed Kaahin, Waxaanu Codsigiisa Ku Dalbaday In La Samaxayo Iyo In La Dilayo? Labada Mujaahid Iyoga Oo Eegaya  Isa Saamixida Beelaha Somaliland Iyo In La Abuuro Kalsooni Dhex Marta Beelaha Somaliland Waxay  Yidhaaheen Waa Lagu Saamaxay Ee Iska Soo Noqo.
  • Riyaale  Intaa Kadib Wuxuu Noqday Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Markii Uu Muddo Yar Xilka HayeyWuxuu Gobolkii Noqday Mid  Arradan Dhinac Kasta Musuqsaamuq Iyo Hanti Boob Ayuu Bilaabay Shacabka Reer Awdal Ayaa Markiiba Ku Kacay  Kadibna Xilkii Ayuu Sidaa Ku Waayey Riyaale.
  • Riyaale Wuxuu Noqday Xiligaa Ka dib Wakiil Qaad Oo U Jooga Gobolka Awdal   Qaadkii La odhan Jiray 571. Intaa Kadibna Riyaale Oo Murxuumkii Cigaal U Yeedhay Wuxuu Noqday Madaxwane Kuxigeen.

Intaasi Waa Rayaale Iyo Taariikhdiisa Intii Aanu Madaxwaynaha Noqon, Hadaba Intii Uu Madaxwanaha Ahaa Ayaynu Eegaynaa Imikana, Riyaale Wuxuu Madaxwayne Noqday Kadib Markii Alle How Naxariistee Murxuum Cigaal Dhintay,  Doorashadii Danbe Ee Riyaale Dib Loogu Doortay Laba Xaaladood Ba Waa Lagu Macnayn Karaa,Ta Koowaad  Waxay Ahayd  Aqoon La'aan aan Dadku Aqoon Ka  Haysan ,Ta Labaadna Waxay Ahayd In Shacabka Iyo Gobolka Uu Ka Soo Jeedo Iyo Dhamanba Beelaha Somaliland La Tuso In Somaliland La Wada Leeyahay Oo Qof Welba La Dooran Karo Isna Uu Wax Dooran Karo. Taasi Waxay U Sahashay In uu Madaxwayne Noqdo.
Hadaba Madaxwaynaha Oo Ah  Shaqsiga Ugu Sareeya  Somaliland Illaa Imika  Waxaynu Iswayniinaynaa Ma Leeyahay  Wadaniyad Mise Kursiga Uun Ayuu Ku Fadhiyaa?
Jawaabtu Waxay Tahay  Riyaale Iyo Inta La Socota Qof Keliya Oo Wadaniyad Leh Kuma Jiro, Hadaba Aan Idiin Qodobeeyo Sababaha Aanu Riyaale  Lexejeclo Dalkan Iyo Dadkan Uga Qabin.

Calaamadaha Muwaadinimo La'aanta Ee Riyaale,

1-Haddii Riyaale Somaliland  Lexejeclo Ka Qabo  Ciidankeena Qaranka Ee Dhaxanta Iyo Roobka Iyo Milicdaba Ugu Badheedhey  Difaaca Dalka,  Maanta Oo Uu Todoba Sano  Ku fadhiyo Kursiga Bilaa Derejo May Noqdeen Haddii Uu Muwaadin Yahay  Sababta   Bulshada Somaliland Ayaan U Deynayaa?

2-Haddi Riyaale Muwaadin Xalaal Ah Yahay Hargeysa Waa Caasimadii Somaliland Waana Bilaa Biyo   Waana Xaruntii Dowlada, Afarta Waaxood Ee Hargeysa Maalinba Mid Ayaa La Waraabiyaa Biyo Dhaamis Ayaa Ka Socda  Haddii Aad Muwaadin Tahay Ka Jawaab Sababta?

3-Somaliland Waa Dal aan Caalmka Citiraaf Ka Haysan Sidoo Kalena  Dagaal Ugu Jirta Siddii Ay U Helli Lahayd, Wadada Keliya Ee Lagu Helli Karaa Waxay Ahayd In Indhaha Caalamka La Soo Jiito Doorasho La qabto Dalka La Furfuro, Riyaale  In Somaliland La Ctiraafo Wuxuu Ka door Biday Innuu Kursiga Ku Fadhiyo, Su'aashu Waxay Tahay Madaxwaynuhu In uu Kursiga Ku Fadhiyo  Oo Somaliland Baabado Iyo In Uu Doorasho Qabto Oo Somaliland Horumar Gaadho Keebuu Jecel Yahay?

4-Haddii Uu Riyaale  Dareen Wadaniyadeed Leeyahay Muu Noqdeen Mid Cadowga Somaliland Saaxiib La Ahaada Sida  Ina Cumar Geelle, Su'aashu Waxay Tahay Ina Cumar Geelle  Somaliland Iyo Madaxbanaanideeda Midna Ma Maqli Karo  Hadaba Bal Siddee Ayaa Madaxwaynaheenu Ulla Saaxiibay?

5-Sidda Aad La Wada Socotaan Madaxwayanaha Iyo Kooxdiisu Waxay Ku Hawlanaayeen Sanadkii  U Danbeeyey Illaa Hada Sidii Ay Beelaha Somaliland Isaga Hor Keeni Lahayeen, Haddii aad EegtoWixii Ka dhacay Gabilay Ee Xukuumadu Waxba Ka Qaban Wayday, Illaa Dilkii Foosha Xumaa Ee Ka dhacay Wadada Isku Xidha Gabilay Iyo Boorame, Dhinac Kale Saraakiishii Ciidanka Oo La  Laynayo Sidoo Kalena  Dililkaas Sarakiisha Riyaale Lug Ku Leeyahay, Caalamka Laguma Arag Madaxwayne Ciidankiisii Laynaya Colaadna Abuuraya?!

6- Waxaad La Socotaan In Madaxwaynuhu Haysto Pasport Jaboutian Ah,  In Madaxwayne Dal Dhan Xukumaa Uu Dal Kale Oo Weliba Cadowgiisa Ah Passpor Waydiisto Waxay Noqonaysaa Madaxwaynihii Ugu Horeeyey Ee Sidaa Yeella, Waxayna Muujinaysaa In Dalka Uu Madaxwaynah ka Yahay Uu Ka Doorbiday Passport Jaboutian Ka Ah.

7-Madaxwaynuhu Wuxuu  U Xidhay Xoolihii Somaliland Nin Carab ah,  Madaxwaynuhu Shacabkii Somaliland  Iyo Bulshadii Somaliland Iyo Dadkii Doortayba Mar Kalena Uu Codka Ka Doonayey Wuxuu Ka Doorbiday (Percentage) Ka Ninka Carabka Ah Uu Ka Helayo,  Calaamadani Waxay Ina Tusaysaa Ama Idiin Macnaynaysaa Kelmada Aan Kor Ku Xusay Ee Macaan Jecel Iyo Sida Madaxwaynuhu Shilimada Uga Jecel Dalka Iyo Dadkaba.

8- Madaxwaynuhu Wuxuu Magacaabay 49 Wasiir Iyo Wasiir Ku Xigeeno,Ulla Jeedada Wasiiradan Faraha Badani Maha In Wax Dalka Loogu Qabto Ujeedada Keliya Ee Uu Ka Leeyahay Waa In Ay  Laba Xaaladood U Adeegaan. (1) In Ay Dhaqaale Ururiyan Jeebka Riyaalena Ku Soo Shubaan(2) Iyo In  Wasiir Waliba Reerkooda U Jawaabo, Marka Qof    Beeshiisa Kamid Ahi Riyaale Dhaliilo In Uu Jawabka Bixiya Taasina Waa Sumada Iyo Sowraca La Yidhaaho (divide And Role) Iyo Weliba Isku Dir Oo Ka Faa'iidayso.

9-Madaxwaynuhu Wuxuu Ka Xishoon Waayey 2% Kii Gobolada Bariga La Yidhi Halagu Hore Mariyo,Gaar Ahaan Gobolka Sool  Illaa Iyo Maantana Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Dhigtay Lama Hayo  Oo Aan Ahayn In Ay Jeebkiisa Gaarka Ah Ku Dhacday.

10-Xukuumada Madaxwayne Riyaale  Toddoba Sano Ayay Xilka Haysay Illaa Iyo Maanta Shacaka Somaliland Gudo Iyo Debad  Meel uu  Xalada Dalka Kala Socdo Malaha Sida TV, RADIO, Waxaa Hubaal Ah Haddii Madaxwaynuhu Yahay Mid Dalka Iyo Dadka U Daacad Ah In Uu Suuro Gelin Lahaa  Labadaba Oo Shacabka Somaliland Na Kaga Raysan Lahaayeen Dhegaysiga Idaacadaha  Ku Caan Baxay Nacaybka Somaliland. Dowladeenu Ma  Radio Ama TV Ayay Awoodi Waydey Mise Inta Ku Baxaysa Ayaanay Quudhayn?

11- Riyaale Wuxuu Sameeyey Koox Ama Group Mushar Ku Qaata In Hargeysa Oo Caasimada Somaliland Ah Dadka Laga Sheegto  Kooxdaasina Iyaga Oo Awaamiirta Riyaale Fulinaya Yidhaahaan Hargeysa Anaga Ayaa Leh Reer Hebel Ama Hebel Ha Nooga Baxaan. Waa Calaamadda Isku Dir Adna Ka Faa'iid.

12-Dowladeenu Sanadkii Kastab Waxay Yidhaahan Beri Ayaanu Bedelaynaa Lacagta Giinbaarka Ahee Burco Laga Isticimaalo, Illaa Maantana Waad Arkaysaan Oo Lama Bedelin. Taas Waxaa Ka daran Boorama Oo Ah Magaaladii Madaxwaynuhu Ka Soo Jeeday Waxaa Laga Isticimaalaa Faranka Jabouti Iyo Birta Ethiopia Tolow Iygana Madaxwaynuhu Goorma Ayuu Bedelayaa?

Intaa Iyo In Kale Oo Badan Oo Aan La Soo Koobi Karini Waa Madaxwayanaha Oo Keliya, Marka Madaxwaynihii Ugu Sareeyey Xukuumada Uu Sidaa Yahay Maxaad Ka Filan Kartaan Wasiirka Isagu Magaacay  Waxaan Filayaa In Wixii Aad Wasiirkiisa Ka Fishaana Ay Ka soo Darnan Doonto. Waxaynu Qaybta Danbe Ku Soo Qaadan Doonaa Wasiiradiisa Iyo Wax Qabadkooda.

Cali Kayse Kabadhe
The Netherlands
Calikayse@live.com

No comments:

Post a Comment