Axmed Siilaanyo iyo Taliyaha Booliska Somaliland oo Siyaabo kala Duwan Uga Hadlay Sharcinimada Taageerayaal Maanta ku soo Biiraya KULMIYE Nuxurka qoraalo -Xukuumadda oo si weyn uga sastay tirada iyo baaxadda taageerayaal ku biiraya KULMIYE oo hoos u liicinaya rajadii UDUB -Wasiirro ay dayacan tahay shaqadii ay qaranka u hayeen oo Taliyaha Booliska u Adeegsatay inuu Horjoogsado Xaflad KULMIYE galinka dambe ee Maanta Qabsanayo -Mid ka mid ah hudheellada Hargeysa oo laga mamnuucay martigelinta xafladaha siyaasadda Hargeysa (Jam)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Jeneral Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa soo saaray shalay amar uu mid ka mid ah hudheellada magaalada Hargeysa kaga mamnuucay martigelinta kulamada siyaasiga ah ee ay qabsadaan axsaabta qaranka. Jeneral Saqadhi ayaa qoraal wargelin ah shalay u gudbiyey maamulka hudheelka KAAH ee ku yaal bariga caasimadda Hargeysa, isla markaana ku amray in lagu qaban karin hawlo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed hudheelkaas ooh ore u oggolaaday martigelinta xaflad xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE u qorsheeyey inuu Jimcaha maanta u qabto taageerayaal cusub oo ku biiraya. Inkasta oo aannu taliyaha bileysku qoraalkiisa ku caddayn sababaha uu hudheelka KAAH uga mamnuucay qabashada kulamada xisbiiyada iyo asbaabaha uu xafladda KULMIYE ugu beegay. Haseyeeshee, sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen tallaabadan ayaa ka damabeysay culays Taliye Saqadhi Dubbad kaga yimi koox ka tirsan wasiirrada awoodda badan ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo labadii maalmood ee u dambeeyey dedaal adag ugu jiray sidii ay u baajin lahaayeen munaasibad xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE u qorsheeyey inuu gelinka dambe ee maanta u sameeyo taageerayaal ku biiraya oo ay isku beel yihiin wasiirada ka dagaallamaya inay xibsi mucaarad la saftaan. Qoraalka Taliyaha Guud ee ciidanka boolisku sida gaarka ah hudheelkaas KAAH uga xaaraantimeeyey shirarka siyaasadeed oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu u qornaan sidan: "Ku: Mulkiilaha Hotel-ka KAAH, Hargeysa Og: Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Hargeysa Og: Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Hargeysa Og: Guddoomiyaha xisbiga UCID, Hargeysa Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Hargeysa Ujeeddo: WARGELIN Waxa lagugu wargelinayaa in aan wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah lagu qaban karin hoteelkaaga, maadaama aan la gaadhin waqtigeedii, adiguna aanad u haysan wax ruqsad lagaga hadlo hoteelkaaga. Sidaa darteed, waxa lagu farayaa in aanad urur amma xisbiga siyaasadeed u oggolaan hoteelkaaga nabadgelyada awgeed." Dhinaca kale, hoggaamiyeyaasha taageerayaasha wasiirradu saska ka qaadeen digo-rogashadooda, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in aanay sinaba uga laaban doonin ku biiristooda KULMIYE, isla markaana ku hanjabay inay xoog isticmaali doonaan haddii ciidammada ammaanku isku dayaan inay ka horjoogsadaan xafladda ay gelinka dambe ee Jimcaha maanta ku qabsadanayaan hudheelka KAAH ee taliyaha bilaysku xayiraadda ka saaray martigelinta shirarka siyaasiga ah. Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa 29 March 2010 mulkiilaha hudheelka KAAH u gudbiyey qoraal uu kaga dalbaday inuu u diyaariyo hool uu ku qabsado xaflad loo samaynayo taageerayaal cusub oo ku biiraya, codsigaas oo la sheegay in maamulka hudheelku ku aqbalay martigelinta kulanka xiisadda ka abuurantay, mulkiilaha iyo masuuliyiinta xisbiguna kala qaateen kharashkii kirada hoolka iyo casuumadda. Qoraalka KULMIYE maamulka hudheelka KAAH kaga codsaday qabsashada xafladda taageerayaashooda cusub o uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Maamulka Xarunta Guud ee KULMIYE ee xisbiga Mr. Maxamed Cabdillaahi Xarbi oo isagana nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay waxa u u qornaa sidan; "Ku: Maamulka Hotelka KAAH, Hargeysa Ujeeddo: Codsi Diyaarin xaflad Waxaannu si xishmad iyo qadarinba leh idiinka codsanayaa in aad noo diyaarisaan hoolkiina weyn ee xafladaha, halkaas oo xisbigu ku qabsan doono xaflad ballaadhan oo ay ka soo qaybgalayaan Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Mxamed Siilaanyo, masuuliyiinta kale ee xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga maalinta Jimcaha galabnimada saacaduna tahay 3:30 galabnimo. Wixii macluumaad ah ee la xidhiidha xafladdaas waxaad kala xidhiidhaysaan Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye." Tallaabadan aan ujeeddeedu caddayn ee Taliye Saqadhi qaaday, ayaa ka dambeysay cadaadis ka dhashay, kadib markii Wasiirrada Maaliyadda, Duulista, Hawlaha Guud iyo saraakiil sare oo xukuumadda ka tirsan ku guuldarraysteen inay mulkiilaha hudheelka KAAHIN ku qanciyaan inuu joojiyo xafladda KULMIYE ugu qaban lahaa taageerayaal beeshooda ee ku biiraya xisbigaas oo ay u arkaan guuldarro siyaasadeed oo u soo hoyatay xukuumadda xisbiga UDUB ee ay ka tirsan yihiin. Wasiirrada Maaliyadda, Duulista iyo Hawlaha Guud Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Siciid Sulub Maxamed oo ay wehelinayaan masuuliyin kale oo beeshooda ah oo shaqadii ay qaranka u hayeen dayacan tahay, ayaa gelinkii hore ee shalay hudheelka Rayaan ee magaalda Hargeysa isugu yimi kulan degdeg ah oo ay kaga arrinsanayeen sidii loo fashilin lahaa xafladda KULMIYE ku soo dhoweynayo taageerayaasha cusub ee u soo xerogalay, kuwaas oo la sheegay inay yihiin cudud xoog leh iyo taageero ballaadhan oo uu waayey xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB. Wasiirka maaliyada oo aan ilaa hadda diyaarin miisaaniyadii qaranka, wasiirka duulista oo madaarkii Hargeysa ee shaqadiisa ahayd xaniban yahay oo wax diyaarad ahi aanay soo fadhiisan iyo wasiirka hawlaha guud oo wasaaradiisii fadhiid noqotay, ayaa Taliyaha bileyska ka fushaday amarka uu hudheelka KAAH xayiraadda kaga saaray martigelinta kulanka xisbiga KULMIYE ku qaabilayo taageerayaashiisa cusub, waxa dhaqdhaqaaqyada ay arrintaas kaga hortagayaan si weyn looga dareemayey goobaha lagu kulmo ee siyaasadaha dalka lagu falanqeeyo, gaar ahaan hudheellada waaweyn ee caasimadda oo ay isaga kala dabqaadayeen iyagoo olole xooggan ugu jiray sidii ay maamulayaasha hudheellada kale uga dhaadhicin lahaayeen in aan loo soo rarin xafaldda KULMIYE ee boolisku ka horjoogsadeen KAAH Hotel. Geesta kale; xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo arrintan isla shalay kulan degdeg ah ka yeeshay, ayaa isku raacay in aanay joojin xafladda ay ku qabsanayaan hudheelka KAAH ee boolisku ka mamnuucay. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si aannu tallaabadan iyo waxa uga meel yaal, ayaa caddeeyey in aanay sinaba uga noqonayn go'aanka ay munaasibaddaas ku qabsanayaan. Axmed-Siilaanyo oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Go'aanka aannu qaadanay waxa weeye hudheelka waannu kiraysanaya, kharashkiina waannu bixinay, waxaanuna doonayaa in aannu xaflad ku qabsano, hudheelkanna waxa weeye waxba kama duwana hudheellada kale ee xafladaha lagu qabsado oo waa taas aynu meel walba ka maqlayno xafladaha la qabanayo, faduul iyo aflegaado ayaanuna u aragnaa in la yidhaahdo hudheelkii aannu kiraysanay wax xaflad ah kuma qabsan kartaan, waxana cad in taliyaha boolisku sas ka qabo taageerayaasha ballaadhan ee xisbiga, shirkayagiina waannu ku qabsnaynaa, wax nabadgelyo-darro ah oo ka dhacayaana ma jirto oo annagaa ilaalinta nabadgelyada cid walba ka jecel, taliyaha booliskuna inuu cid gaar ah taageero ma aha oo boolisku waa u dhex, waana ayaan-darro inuu arrimahaas oo kale ku kaco, qoraalkaasina wax alaale wax uu na yeelayaa ma jirto oo taageero ballaadhan ayaannu ku helnay dadka oo dhanna berri [maanta] way imanayaan hudheelka, wax qorshahayagii iska beddelayna ma jiro." Guddoomiyaha KULMIYE oo la weydiiyey in markii qoraalka joojinta loo keenay kadib ay la xidhiidheen taliyaha bilayska waxa uu ku jawaabay; "Taliyaha waannu la xidhiidhnay oo warqad rasmi ah ayaannu ugu jawaabnay, waxaanuna u sheegnay in xisbi ahaan aanaan ka laabanayn go'aanka shirka aannu ku qabanayno hudheelka, nabadda cid naga jecelna ma jirto." Muxuu Md. Waabeeye ka yidhi; arrintan Md. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo isna ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada oo Jamhuuriya u warramay, ayaa go'aanka taliyaha boolisku kaga horjoogsanayo xafladdaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan sinaba loo aqbali doonin, waxaanu taageerayaasha xisbiga ugu baaqay inay si fiican uga soo qaybgalaan xafladda galinka dambe ee maanta ka dhici doonta hudheelka KAAH oo ku yaal bariga magaalada Hargeysa. Guddoomiye-ku-xigeenka wacyigelinta iyo warbaahinta KULMIYE iyo cidda uu ku eedaynayo inay ka dambeeyaan go'aanka xisbigooda loogu diidayo shirka maanta Guddoomiye-ku-xigeenka guddida wacyigelinta iyo warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Eng. Maxamed Axmed oo xalay warbaahinta u warramay, ayaa sheegay in xafladda maanta ay ku soo bandhigi doonaan taageerada xisbiga KULMIYE ka haysto beesha degta degaannada bariga Hargeysa, Galbeedka Burco iyo Oodweyne (Habar-hoonis), taasi oo ay ka qaybgali doonaan boqolaal ka mid ah taageereyaasha xisbigaasi oo ay ku jiraan in ka badan 600 oo Arday oo wax ka barta Jaamacadda Hargeysa. "Waxa tallaabadan KULMIYE loogu diiday inaanu ku qabsano mid ka mid ah Huteelada caasimada xaflad waxa ka dambeeya Wasiirada Beesha Habar yoonis, oo ka soo horjeeda taageerada badan ee loo hayo xisbiga KULMIYE iyo sida loo nacay xisbigooda UDUB. Arrintani waa mid gef ku ah shuruucda dalka iyadoo la wada ogyahay in xisbiga UDUB uu olale ballaadhan ka wado gobolada dalka oo ay xiligan ka wadaan Gobolka Awdal oo ay fagaareyaal ka hadlayaan,"ayuu yidhi Eng. Maxamed Jaamac. Taliyaha booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo isagana Jamhuuriya xalay la xidhiidhay si wax looga weydiiyo qoraalka guddoomiyaha KULMIYE sheegay inay u gudbiyeen iyo sababta ay xisbiga KULMIYE uga horjoogsadeen xafladda maanta u qorshaysan inuu ku qabsado hudheelka KAAH ee magaalada Hargeysa, ayaa ku jawaabay; "Saddexda xisbiba looma oggola inay xaflado ku qabsadaan hudheellada iyo bannaanada kaleba, sababtoo ah lama gaadhin waqtigii ololaha, waxaanuna leenahay suga inta la gaadhayo bilowga ololaha," ayuu yidhi Taliye Saqadhi. |
Jamhuuriya Online |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Friday, April 2, 2010
Axmed Siilaanyo iyo Taliyaha Booliska Somaliland oo Siyaabo kala Duwan Uga Hadlay Sharcinimada Taageerayaal Maanta ku soo Biiraya KULMIYE
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment