COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Saturday, April 3, 2010
Burco waxay ku Hambalyeyneysaa Xisbiga , Xafladda dhulka loogu xarriqey UDUB ee Kaah Hotel shaley, Jimcihii
Burco waxay si Xiiso leh ula socotey habqankii Wasiirrada sharku ay isu daba yaacayeen sidii ay u wiiqi lahaayeen , Qabatinka xafladdaas oo beel weyn oo ay sida fiinta uga ciyeen ku soo biirtey Kulmiye, kadib markii ay ka soo hayaantey UDUB iyo ujeeddadeeda qariban!!
Waxa Bulshada taageerta Xisbiga Kulmiye ee Gobollada bari ay aad indhaha ugu hayeen , sida uu Maamulka xisbigu ka yeelo tanna . Waxa aad noo Farax gelisay sida ragannimada leh ee aad u fahamteen ku deyda Caal-waaga ah ee Jananka Booliska loo soo marey. Waxaannu leenahay Hambalyo, waxaanu codsaneynaa in aan Tanaasul dambe loo sameyn Maamulkan aan xilkaska ahayn!!
Goleyaasha Bulshada iyo mobayllada gcantuba waxay bulshadu isku hambalyeyneysaa, cududda sii fideysa ee Xisbiga, oo kentay muraaro-dillaaca wasiirradii sharka, maraduna kaga dhacdey , Janankii Booliska ee amarka aan Dastuuriga ahayn bixiyey!! Wax badan ayaanu dhegeysanay tadhac-badhacda UDUBE, Maanta in ay dhegeysato KULMIYE wey ku qasban tahay!! Xafladdani waxay u quus goysey rajo ay Udub ka qabto Doorasho ay ku Guuleysato, Diiwangelintuna , qabtii ina xasan Rakuub ayey ku tahay oo kuma shuban karto, Keliya aynu ka ilaalinno inay si toos ah ama si dadban ay u wiiqdo qabashada Doorsho, kuwaas oo ka iman kara:
a. Gal-Dacwadeedka Madheera ee la rayideeyey oo la qalloociyo.
b. Mushkiladda Bardaale oo aan si rasmi ah loo xallilin, Go0bolladaasi doorsho xor ahi sidey uga dhacdaa waa mid adag.
c. Boqor la sheegey in uu baki u dhashey oo in sylc lagu Caleemo saaro la doonayo, Bulshada Gobolkuna Piff ka tidhi.
d. Colaada ay BBCda kaga dhawaaqeen isimada Sool iyo Sanaag-bari oo ay Puntland Doolarrada Budhcaddu Maraakiibta kaga qaaddo Badda ugu adeegsato ku rusheynta odey dhaqameedyada Gobolladaas oo aanay dhibeynin Cidda ay xaabada uga dhigayaan dabkan ay Puntland ka shideyso Gobolladaasi.
e. Miisaniyaddan qaranka ee Bishii Afraad ee Sannadka maqan, Mushkilad nololeed ayaa ka iman karta , xasillooni darro Dalka u horseedi karta haddii aan wax laga qaban imika.
f. Lacagta $7.5 neefkiiba lagaga qaadey Maxjarka ee aan ilaaa imika soo gaadhin khasnadda qaranka oo laga waayo Miisaniyaddana, Maamulka oo Budhcad loo arko ayaa ka dhalan karta, klsoonida Bulshadana halkaasi ku waaya, kacdoonna keeni karta.
Udub, waxan oo dhan qabyadooda wey ogeyde, waxay dib ugu dhigtey ee ay isu soo wda gaadhsiisey, si ay Doorashada ugu shiiddo bal inay miduun la hesho oo y halkaa ku joojiso, wax dhici karayana maaha oo kaaha is-bddelka shucaaciisu Duunka wada gaadhey, Baabaco kuma qarin karto, Dawladdanu iyada oo aan waxba ahyn ayey Tie xidhateye, Ta kiulmiye, iyada oo wax hagaajineysa, inay Bijaamo hawleed u gashato dib u dhiska Dalka ayaa looga fadhiyaa, Xoogga aqooneed ee Dihin ee Guyaha jiifana adeegsata, ee Dhallinta Dalka Hablo iyo innamoba.
Allaa Mahad leh, Kulmiyena waa u guul tani.
Dr. Cali C. muxumed,
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment