Hargeysa: Munaasibadda Xuska iyo Xusuusta 29 sanno ka hor iyo maanta oo kale
Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jimciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal, waxa ka qayb galay hoggaanka saddexda Xisbi Siyaasadeed ee dalka ee KULMIYE, UCID iyo UDUB, Wasiiro, masuuliyiintii SNM, Mujaahidiin iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo xuskaasi ka hadlay ayaa naqdiyay habka loo xuso maalintan oo kale. "Markii aan meesha soo galay, waxaan is idhi dib ma isaga noqotaa, waayo waxa aan mooday meesha markii aan arkay in aanay cidba joogin oo ay UDUB soo qaban qaabisay. Waa fool xumo in maalmaha taariikhiga ah maantoo kale in aynu xusi weyno." Ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Maanta dadka wadankeena jooga ee waalan 50% waa halgamayaashii wadankan u soo halgamay, waayo waxa ay waayeen cid waxa u qabata oo daryeesha. Agoomihii SNM way silcayaan waxba ma haystaan cidna waxba uma qabato. Waana nasiib daro." Waxaanu Faysal si qoto-dheer uga hadlay qiimaha xuskani umadda u leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in la daryeelo agoontii halganka.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo hadal ka jeediyey xuskaas, ayaa xuska munaasibaddan oo uu sheegay in loo baahan yahay in si wayn loo xuso ka dib, waxa uu naqdiyay nidaamkii siyaaasadeed ee garabkii siyaasiga ahaa ee SNM. "Halgankii dheeraa ee aynu soo maray libintiisa waxa iska lahaa Garabkii Mileteri ee ururkii SNM oo naftooda u huray xoraynta dalkooda, waanay ku amaanan yihiin, intii dhimatay waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhaawactay Ilaahay Caafimaad siiyo,laakiin garabkii siyaasiga ahaa wuu ku fashilmay siyaasadii ururkaasi" ayuu yidhi Jaamac, taas oo keentay in lagu qayliyo oo dadweynihii munaasibadda ka qayb-galay ku foodhyaan.
Jaamac waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadalka Guddoomiyaha UCID. "Hadalkaasi ka soo yeedhay Guddoomiyaha UCID waxa aan u arkaa inuu yahay meel ka dhac. Somaliland Boolis malaha iyo Ciidan malaha waa meel ka dhac. Marka uu sidaasi leeyahay ma wuxuu doonayaa inuu cadowgu inoo yimaado. Waxaanu leenahay Somaliland dawlad ayay leedahay, Ciidana way leedahay. Mucaaradku waxay doonayaan inay doorasho nala galaan iyagoo leh dawlada ma jirto. Waa arrin laga xumaado" ayuuu yidhi Jaamac Yaasiin Faarax.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa si adag u difaacay in Guushii laga gaadhay Halgankii dalka dib loogu xoraynayey ay kaalin weyn ku lahaayeen garabkii siyaasada ee SNM, waxaanu waxba ka ma jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee UDUB oo dhaliil u soo jeediyey Siyaasiyiintii Ururkii SNM. Waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, "Halkan waxa aynu ka maqlaynay dhaliilo fara badan oo loo soo jeedinayo SNM. Waxaan idiin sheegayaa Ururkii SNM muu ahayn wakhtigii lala dagaalamayey nidaamkii Siyaad Barre ee Keligii Taliyaha ahaa ee shacabka Somaliland xasuuqayey, ee Dulmiga, dhaca iyo cadaalada darada ku hayey, ururka kaliya ee jira waxa jiray ururo kale oo jabhad ahaa, laakiin SNM waxa uu noqday Ururkii kaliya ee ku guulaysta inay dalka gacanta ku dhigaan isla markaana riday nidaamkii Siyaad Barre mana geyo dhaleecayn aan sal lahayn.", Waxanu intaasi raaciyey Guddoomiye Siillaanyo "Dadka dhaliilaha u soo jeedinaya waxa aan u sheegayaa in aanay ka warqabin SNM, waxaan leeyahay SNM, iyada oo aan dalka la soo gelin shirkii u dambeeyey ee lagu qabtay Balli-gubadle ee SNM iskugu timi iyaga ayaa ku tashaday, iyaga oo wada jooga inay SNM dalka Hayso. Talo iyo go'aan ayey ahayd in marka ay laba sano hayso ay ku wareejiso shacab weynaha Somaliland ,waanay ku wareejisay."
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aasasayaashii SNM oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyay ujeedooyinkii loo aasaasay SNM, waxaanu sheegay in ay saldhig u ahaayeen tacaddiyo, caddaalad-darro iyo dhibaatooyin kale oo lagula kacay Shacabka.
Waxa kale oo dadkii halkaa ka hadlay iyana ka mid ahaa Wasiir-ku-Xigeenka Wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise (Talaabo), Prof. C/salaan Yaasiin oo isna ka mid ahaa Aqoonyahankii dhidibada u taagay SNM iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda maalintani u leedahay dalka iyo dadkaba.
Dhinaca kale, waxaan isna munaasibaddaas ka qayb-gelin guddoomiyaha Ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo aan laga war qabin sababta keentay baaqashadiisaas.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment