COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Sunday, April 4, 2010
Madaxweyne Rayaale Oo Halhaleel Kaga Soo Kicitimay Boorama + Ballamaha Lagu Hungoobay + Hadalhaynta Booqashadaasi
Madaxweyne Rayaale Oo Halhaleel Kaga Soo Kicitimay Boorama + Ballamaha Lagu Hungoobay + Hadalhaynta Booqashadaasi
Borama-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa soo afjaray booqasho uu wiiggii hore ku tegey Boorama iyo magaaladii uu ku dhashay ee Qulujeed. Booqashadan oo markii hore ahayd kaqa qaybgalka aaska Marxuum Maxamed Xasan mataan kana mid ahaa ragga ay iskugu dhawdhawaayeen aqoonyahanada reer Awdal, haddiiba aAnu keligii ahayn, balse markii dambe isu bedeshay xogogaal u noqoshada jawiga siyaasdeed ee maanta reer Awdal hadheeyey, laga soo bilaabo taageerada xisbgiisa UDUB loo hayo ama looga soo horjeedo, dareenada siyaasadeed ee beelaha reer awdal iyo arrimo kale oo aanu cidna u sheegin balse uu indha indhaynayey intii uu joogay Boorama .
Madaxweyne Rayaale ayaa sidoo booqashadiisan Boorama kusoo afjaray kulan gaar ah oo uu la yeeshay madaxdhaqameedyo iyo waxgarad kasoo jeeda beel keliya balse aan la kulmin taageerayashiisa xisbiga UDUB hadday tahay dhallinyaro , haween iyo masuulyiinta xisbigaasi ee gobolkaba iyo madaxdhaqameedyda badi beelaha gobolka Awdal, marka laga reebo kuwa isagu u yeedhay .
Sidoo kale ayaan maxdaqweyne Rayaale wax kulan ah la yeelan hoggaamiye dhaqameedyada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda beesha uu kasoo jeedo ee J/yoonis oo uu saluugsanaa isu imaatinkooda iyo hoggaamiye dhaqameedyada beelaha Maxamed Case oo indhawaaleba xisbiga UDUB aaminsan yahay inay taageero siiyaan xisbiga Kulmiye ee mucaaradka ah .
Markii uu shalay 8.30 su baxnimo ,madaweynaha iyo ciidankiisuba kasoo kolonyaeysteen Boorama ayaa la arkayey tobannaan qof oo isugu jiray siyaasiyiin, odadhaqameedyo, haween iyo shakhsiyaad kale oo weli kusii qulqulaya gurigaasi balse markii ay ku dhawaadeen gurigaasi ogaaday in Rayaale iyo ciidankiisiba meesha ka maqan yihiin, odayaashan, siyaasiyiintan iyo haweenkan oo u ekaa kuwa subaxnimadii shalay uu la ballansanaa madaxweynuhu ama cid kale oo ku dhaw madaxtooyadu u sheegtay inay subaxda u yimaaddaan ayaa markii dambe rumaystay inay ku hungoobeen ballantii loo qaadayna ahayd mid beenowday dareenno kala duwanna kala noqday guriga madaxweynuhu ka ambabaxay .
Haddaba markaad eegto wakhtiga dheer ee afarta maalmood ahayd ee madaxweyne rayaale Boorama ku sugnaa iyo sida halhaleelka ah ee uu ugasoo baxay ayaa cid kastaa garan kartaa in afartaa maalmood ee aaska marxuumkaasi ka dambaysay ee uu Boorama ku sugnaa u madaxweyne Rayaale korodhsaday waayo aragnimo dinaca siyaasadda ah oo ka korodhsaday beelihii sida wadajirka ah u doortay sideed sano ku dhawaad uu madaxtooyada haystay, sidaa darteedna uu ogaaday inaanu u baahnayn maalmo kale oo uu sii joogo Boorama
inkastoo ay Masuuyliinta gobolka Awdal, siyaasiyiinta ka agdhawdhaw madaxtooyada kanasoo jeeda isla gobolka Awdal iyo hogaamiye dhaqameedyada taageerada siin jiray ayaa iyaguna muddadii uu joogay Boorama niyadda ugu dhisayey in wax kastaaba yihiin sidii 2003dii, wax ka xumina aanay jirin dhinaca siyaasadda , hase yeeshee dhinaca kale madaxweyne Rayaale cid ka madax bannaan dhinacyadaasi uu ka helayey xaqaa'iqa siyaasadeed ee ka jira gobolka, sidaa darteedna aanu rumaysanin waxyaalaha ay u sheegayeen saaxibadiisa ku jira maamulka dawladda .
Madaxweyna Rayaale ayaan sidoo kale doorkan sidii looga bartay wakhtiyadii hore faraqabsiin ah haba yaraatee u fidin siyaasiyiijntii iyo madaxdhaqameedyadii u tartami jiray marka uu yimaaddo oo san doorkan sidaaba u badnayn.
Markaan dib ugu noqonno dhinaca dadweynaha iyo shacbiga kala taageersan xisbiyada qaraanka ayaa waxa soo baxaya dhawaaqyo ka duwan kuwii uu maqli jiray madaxweyna Rayaale 2003dii , wakhtigaasoo cid kastoo musharraxnimada kursiga madaxwerne-nimada ka hor timaadda loo arkayey cadow reer Awdal ka hortaagan madaxweyneimada, waxayna dhaqaaqyada qaarkood kasoo baxayaan qaar ka mid ah beelihii ,shakhsiyaadkii iyo dhallinyaradii taageerada badan siisay doorashadii wakhtigaasi kuwaasoo maanta si badheedh ah ugu baaqaya loo hiiliyo xisbiyada mucaaradka .
Qaar ka mid ah dhallinyarada ku jirta xisbiyada mucaaradka ah iyo kuwa an ku jirin oo aan Boorama kula kulmay maalmihii madaxweyne Rayaale joogay Boorama waxna aan ka weydiiyey aragtiyadooda ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Xuseen Xareed (shayga) oo yidhi "Booqashada madaxweyne Rayaale ee Boorama waa mid aan wakhtigeedii dhacay haddannu nahay beesha J/yoonis waan soo haynay xukunka dalka ilaa maalintii la aasaasay , Rayaale 12 sannadood ayuu marna ahaa madaxwekuxigeen maantana waa madaxweyne wax lagu xusuusto oo u dalka ka qabtay ma jirto , annaga iskaba daa cagaf keliya oo aan wadadaa ugusii xaadhxaadhno ciddii noo imanaysa kama haynno, waar ilaahay halaga yaabo beelaha kale ee reer Awdal halagu dayo xilalka dalka ".
Cabdi waraabe kana tirsan dhallinyarad xisbiga Kulmiye ayaa isna yidhi "waxan aaminsanahay inaan Rayaale socdaalkiisu wax faa'iido ah u lahayn dadka ama Boorama, xaqbaa loogu leehay inuu muwaadiniinta aasaskoosda yimaaddo laakiin arrimaha kale ee uu Boorama u joogo maaha kuwa uu guul ka gaadhayo, waxan u malaynayaa inuu dhammaaday wakhtigii dadka been loo sheegi jiray , xukunka Rayaalena cidna maanta loo sheegi maayo, maanta halkan waxba uma yaallaan hadii ay noqoto doorashooyin "
Xasan Xaashi Dharaar kana mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye oo isna ka hadlaya socdaalka madaxweynaha ee Boorama ayaa yidhi "Waxaan u malaynayaa inay booqashadani tahay tiii ugu dam baysay ee Rayaale Boorama ku yimaddo isagoo madaxweyne ah , dhuumasho ayuu kusoo galay oo waa la kala garanwaayey in cid kale meesha timid, waxa la yidhi aasbuu yimid oo waan farxay , waxanse isweydiyey aasaska haduu imanayo muxuu u iman aasaskii Boorama ka dhacay ee lagu aasayey Abwaan Xasan sh.Muumin . sheekh Muuse Goodaad iyo ragii kale ee magaca ku lahaa gobolkan iyo soomaalilandba. dad farakutiris ah ayuu la kulmay oo aan waxba u tarayn. Waxa kale oo laga sheekeeyaa marka maroodigu xanuunsado ama naftiisa uu u baqo wuu guryahoydaa oo degaankiisii ayuu tegaa si uu ugu aaso foolashiisa qaaliga ah , booqashadiisa qulujeedna sidaa uunbay ila tahay."
Guud ahaan hadalada caynkaas ah iyo dhawaaqyada kasoo baxaya qaybaha kala duwan ee bulshada reer Awdal ayaan ahayn kuwa hore reer Awdal looga bartay oo hadday wax dhaliilayaanna si hoos u dhalilli jiray xukuumadda Rayaale .
Si kastaba ha ahaatee lamaodhan karo madaxweyne Rayaale faramadhan ayuu Boorama kalasoo noqday balse wuxu kalasoo noqday weji kale oo siyaasadeed oo aanu hore ugu arki jirin dadkii uu kasoo dhex baxay 12 sano kudhawaad ka hor, waxase la odhan karayaa in madaxweynuhu Boorama kala tegey fikir hadda wixii ka dambeeya laga yaabo inay wax ka bedesho fikirkii uu tan iyo waagaa ka haystay dadweynaha g/Awdal, kaasoo laga yaabo inuu hadda wixii ka dambeeya ka hawlgeli doono hadday tahay waxqabad , hadday tahay siyaasadba, dadkaasoo in ta badan madaxweynaha ku taageeri jiray sida reer Awdal u xukumayaan cadow ay waayo hore lahaan jireen, balse ku heshiiyey Somaliland jiritaankeeda iyo nabadda.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment