Qodobo laga soo saaray habka Guurka iyo doonista Hablaha Somaliland
Culimada, Wax-garadka, Cuqaasha iyo Maamulka Degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa dhawaanahan ku hawlanaa hawl-gallo la xidhiidha habka Guurka iyo Aroosyada, si loo waafajiyo shareecada Islaamka. Tallaabooyinkan oo lagu gorfaynayay habkii loo xaddidi lahaa Hantida laga qaado Wiilka guursanaya, isla markaana ku baxda Aroosyada aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka, ayaa la filayaa in toddobaadada soo socda laga soo saaro qodobo khuseeya arrimahaas.
Guddoomiyaha Degmada Wajaale Qawrax Muuse Xuseen oo uu Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka wax kaga waydiiyay, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha, isla markaana sheegay in dhawaan lagu baahin doono nidaamkaas guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waraysigaas uu Wargeyska Ogaal la yeeshay Mr. Qawrax, ayaa wuxuu u dhacay sidan;
S: Guddoomiye, maxaad nooga sheegi kartaa hawl-gallo la xidhiidha hababka Guurka oo maamul ahaan iyo Culimada degmadu la sheegay in aad ka waddaan halkaa?
J: Haa, way jirtaa arrintaasi, waananu ku jirnaa. In muddo ah oo toddobaad ah ayaanu ku jirnayna, waxaanay la xidhiidha Guurka iyo waafajinta shareecada iyo dhaqanka. Sidoo kale, waxay la xidhiidhaa dhaqan-xumooyinka qaarkood dalka saameeyay. Markaa qodobada Shuruudahan waanu soo saari doonaa Insha Allah, balse wali maanu dhamaystirin.
S: Markaa guddoomiye, maxaad nooga sheegi kartaa habka aad u doonaysaan in aad u isu-waafajisaan Guurka iyo Shareecada?
J: Dee, kollay waa arrimo toosan oo Diinta iyo Dhaqankaba waafaqsan. Tusaale ahaan, waxan fasahaadka ah iyo Aroosyada dhaqanka ka baxsan, kuwa qayrul-caqliga ah iyo aroosyada kale ee lagu xidhayo Lacagta hantida faraha badan. Waxyaalahaas oo dhan bay ka turjumaysaa. Markaa markaanu is-waafajino arrimahan, ayaanu ka Warbaahinta la hadli doonaa.
S: Guddoomiye, ma jirtaa kulamo aad la yeelateen Guddiyada xaafadaha ama cid metesha dadweynaha ku nool degmada Wajaale? Rejo intee le'egse ayaad ku qabtaan inay hirgeli doonto?
J: Wallaahi, aad iyo aad baanu ugu rejo waynahay inay hirgeli doonto. Arrintanina waa arrin caam ah, waanay jiraan cid aanu kala kulanay dadka ku dhaqan Degmada Wajaale, waananu u bandhignay waxgaradka, Cuqaasha, Culimada iyo dadka masuuliyiinta ah ee kale ee Deegaanka. Iyaga ayaana ka talinaya oo naaqishaysa. Markaa anagu maamul ahaan wixii go'aan ah ee ay gaadhaan ee dhaqan ahaan ay saxaan, ayaanu Insha Allah ku rejo-waynahay fulintiisa.
S: Go'aamada ka soo baxa habka aad u fulinaysaan waa caynkee, midda kale ma noqonayaan Amar ay waajib tahay in la fuliyo?
J: Insha Allahu haa, Xukuumadda iyo Wasaaradahana waanu ogaysiinaynaa, waananu fulin doonaa. Wixii nagala gudboon ayaananu yeeli doonaa. Waxaana isla qaadanaya ciddaa aan soo sheegay.
S: Qodobadan aad soo saaraysaan ma ku jiraan mid si gaar ah u taabanaya habka doonista Gabadha ama kharashka Guurka oo suurtogelinaysa in qof waliba awoodi karo guur?
J: Haa, khasab arrimaha aanu wadno waxa kow ka ah qodobkaas. Xitaa waxa qodobada aanu soo saari doono ku jirta Caddadka Lacagta la bixinayo marka gabadha loo fadhiisanayo ama la doonayo. Waxaanuse jecel nahay in markaanu isla wada ansixino aanu baahino.
S: Guddoomiye, fikirkani sidee ayuu u bilaabmay, yaase keenay?
J: Fikirkan waxa keentay dhibaatada iyo arrimahan oo qof kastaba meeshiisa ku taabtay, taas ayuun bay ka dhalatay, runtiina dad saaxiibul-caqli ahina arrintii way hagaajiyeen oo Culimo iyo wax-garadba leh. Markaa waxaanu jecel nahay in aanu fulino.
S: Qorshaha ma idiinku jirtaa haddii ay degmada Wajaale ka dhaqan-gasho arrintani, in loo soo gudbiyo deegaamada kale ee Somaliland?
J: Haa, waa khasab waananu ku rejo-waynahay oo waanu wadnaa arrintaa.
S: Tusaale ahaan, haddiiba ay idinka hor yimaadaan caqabado ama ay timaaddo cid diidda inay u hoggaansanto go'aamadan, maxaa idiinka qorshaysan?
J: Kollay way jiraan waxyaabo nooga qorshaysan iyo cid aanu ka kaashan karno. Waxaa weeye, shareecada ayaa ugu wayn wax walba, dad Islaam ah ayaynu nahay. markaa mar haddaynu dad Islaam ah nahay, qodobkuna uu waafaqsan yahay shareecada, waa khasab fulintiisu, sharcigana dalkana wuu waafaqsan yahay. Sidaa darteed, Insha Allah kuma rejo waynin in ay caqabado naga hor yimaaddaan, sida aanu ka arkayno shucuurta umadda. laakiin, haddiise ay dhacdo inay cidi naga hor timaaddo, wax yar bay noqonaysaa. Haddiise ay jirto cid ka hor timaaddaa, waa cid ka hor imanaysa fulinta shareecada.
Xigasho: WARGEYSKA OGAAL
No comments:
Post a Comment