Somaliland iyo UNDP | |||||||
Somaliland ayaa joojisay shir uga socday magaalada Hargeysa hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP. Joojinta shirka UNDP ayaa waxaa sal u ah kadib markii la isku khilaafay qorshaha barnaamijka UNDP uu ka wado Somaliland.
Wasiirka Qorsheynta ee Somaliland Axmed Xaashi ayaa BBC u sheegay inay go'aansadeen inay joojiyaan shir maanta uga furmi lahaa UNDP magaalada Hargeysa, kadib sida uu sheegay markii ay ku socon waayeen qorshihii ay ku heshiiyeen oo ahaa in aan la isku darin hawlaha Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in aanay aqbali doonin inay ka hawlgalaan Somaliland ilaa ay wax ka beddelayaan qorshahooda, oo sida uu sheegay ay u hogaansamaan waxa Somaliland ay dooneyso. Hey'adda UNDP ayaa waxa ay gacan siisaa mashruucyo dhawr ah, sida maxkamadaha, booliiska iyo dib u dhiska. |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Wednesday, April 7, 2010
Somaliland ayaa joojisay shir uga socday magaalada Hargeysa hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment