Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal
London: Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ee uu ka dhacay shilkii Cali Maarshaal ku geeriyooday oo ururka Somaliland Forum dib-u-dhis ku samayn doono
"Markii Cali Maarshaal dhintay waxaan go'aansaday in aan siyaasadda …" Guddoomiye-xigeenka 2-aad ee KULMIYE
Kullankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland oo ka kale isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, masuuliyiinta Jaalliyada, dhalliyaro iyo haween, kuwaasi oo isaga kala yimi magaalooyinka Bristol, Cardif, Leicter iyo Cardiff ee dalka Ingiriiska. Waxaana ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn iyo mahadcelin isugu jira halkaasi ka soo jeediyay Maxamed Yoonis Cawaale.
Mr. Axmed waxa uu intaa ku daray in afkaartii ugu waaweynaa ee marxuumku aaminsanaa ay ka mid ahaayeen tayaynta maamulka iyo wanaajintiisa, xorriyadda saxaafadda iyo nidaam dheellitiran oo ku salaysan xisaabtan. Sidoo kale waxa uu xusey inuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo naftiisa u hurey sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax ugu qaban lahaa."
Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxaan Cabdilqaadir Faarax oo dhaawac culus ka soo gaadhay shilkii baabuur ee Cali Maarshaal ku geeriyooday, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in lagula soo dardaarmay in aan la qiiroon oo ay tahay maalin aynu aasaasayno urur samafal ah, waxaannu yidhi; "Cali waxaannu si fiican isku baranay xilligii doorashadii madaxtimada ee Somaliland, intii ka dambaysanyna niman isku xisbi ah ayaanu ahayn, waxa uu ahaa isaga iyo Dr. Siciid Axmed Xasan, raggii sababta u ahaa in sanaaduuqdii UDUB laga joojiyay wakhtigii doorashada, wax kalena muu samayn ee qayniinka haloo hoggaamsamo ayuun bay yidhaadeen." "Cali Marshal waxa uu Illaahay ku manaystay dhawr tayoo oo aan bani aadamka inta badan la isku raacin sida akhlaaqda, xishoodka, ixtiraamka, aqoonta, qadarinta, aqoonta, siyaasadda. Muu ahayn ruux isla weyn oo dadka ka u sarreeya iyo ka suuqa joogaba isku si ayuu ula hadli jiray, waliba wuxuu jeclaa dadka caadiga ah, ardayda iyo haweenka."
Mr. Cabdiraxmaan waxa uu xusey inuu ahaa aabbo wanaagsan oo naxariis badan qaraabada iyo dadka jilicsana kaalmayn jiray, waxaannu sheegay in Cali ahaa maskaxda ka dambaysay ee isku soo dubbariday barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, uuna ahaa nin qabyaalada neceb oo rumeysnaa in ay siyaasadu ku badinayso qabyaalad la'aan, sidaa darteedna uu ku kasbaday inuu noqdo qofka ugu taageerada badan xibiga dhexdiisa iyo waliba mid guud oo uu ka haystay shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, uuna noqon lahaa hoggaamiyaha xisbiga ee mustaqbalka.
Safiirka Jamhuuriyadda Ireland u fadhiya Somaliland Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi; "Mujaahid Cali wuxuu ahaa halyay geeridiisu argagixiso innagu wada noqotay oo dadka reer Somaliland oo dhan ayuu ahaa geesi ka baxay. Maanta afar shir oo kale ayaa jiray oo xataa kii UDUB waxaan ka doorbiday aasaaska ururka samafalka ah, waana arrin qaran fikirka siyaasiga ah waa lagula kale duwanaan karaa, laakiinse anigu waxaan ahayn safiir u dhexeeya saddexda xisbi qaran."
Xisbiga siyaasiga ee UCID oo uu hadlay Nuur X Xuseen Cumar Xaashi oo ka tirsan guddida fulinta, ayaa sheegay in Cali Maarshaal ummadda reer Somaliland oo dhan tabayso xisbi ahaana taageersan yihiin ururkan samafalka ah ee loogu magacdaray.
Intaa kadib waxa warbixint dheer oo hadlaysa hadafka iyo sida uu ururkan samofalka ahi u shaqayn doono ka soo jeedisay xaaskii Cali Maarshaal Marwo Yasmin Sekaali, waxayna sheegtay in ururkan fikradda ka danbaysay ahayd maalin iyada Cali oo waddada socda ciyaal shiideen gaadhigoodii, kadib markii ay sitaageen ee weydiiyeena sababta carruurtii u sheegeen inay dhagaxaanta ku wadeen ninka waalan ee gaadhigooda dhinaciisa ku dhuumanayana, sidaa awgeedna ay iyada iyo marxuumku isla garteen inay wax u qabtaan dadka maskaxda wax ka qaba ee ku nool Somaliland.
Khadar waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Cali Marshaal uu ahaa xubin muhiima oo muddo badan ka tirsanaa ururka Somaliland Forum, isla markaana urur ahaan Somaliland Forum ay go'aansadeen in mashruuca ururka ee sannadkan loogu magac-daro marxuumka. Mashruucaas oo laga fullin doono waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, waxaannu noqon doonaa buu yidhi, "ilaa dhawr iyo soddon calaamadood oo shub ah oo laga dhisi doono goobaha loo aqoonsaday in ay halis yihiin, kuwaas oo ay ku qornaan doonaan farriimo digniin ah oo dadka ku baraarujinaya meelaha halista badan ee jidkan." Shirkan oo uu guddoominayay Maxamed Yoonis, waxa kale oo ka hadlay dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaa Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Jamaal Madar, Cali Aadan, Axmed Caddare, Marwo Luul Faarax (Somaliland Forum), Axmed Daahir Cilmi (Gudoomiyaha SSUK),Maxamuud Maxamed Xoore (Camuudo), Prof. Muumin, Xasan Cali Weyd (Bristol), Cali Xiddig (Leicester) iyo xubno kale. Kulankan oo aad inta badan ka dareemaysay dadku siday u tabeen ee uu ugu dheeraa marxuum Cali Maarshaal Allaah ha u naxariistee, ayaa lagu soo gebagabeeyay tabarucaadkii u horreeyay ee ururka dhidibada loogu taagi lahaa; haddaba haddii aad rabto in aad ka qaybqaadato waxaad kale xidhiidhi kartaa. wwwhttp://www.alimarshalltrust.org. |
Jamhuuriya Online |
No comments:
Post a Comment