Maanta waxa si xamaasad iyo qiiroba leh loogu soo dhaweeyey Xaflad ballaadhan oo Mudanka Mujtamacu ka soo qayb galey, Saxaafadda qaybaheeda kala Duwanina wacdaro ka dhigayeen, Xubnihii ugu muhiimsanaa UDUB, Waqtigii Madaxweyne Cigaal iyo Riyaleba, oo qaarkood Musharrixiintii isu taagi-jirey jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ee Xisbiga Gudihiisa ahaayeen, markii siyaasadda Xisbigaasi la afduubeyna iskaga dhaqaaqey!! Waxa iyana jirta in Gobolka OOdweyne gebi ahaanba , ay ka socdaan diyaar garowga , xaflad weyn oo Bulshada Gobolkaasu ay ku qabaneyso Magaalo-Madaxdan Gobolka oo laga sugayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Mudane Axmed-Siilaanyo , iyada oo Bulshada Gobolku go'aansatey in ay ku soo biirto Xisbiga Kulmiye!! Sunaamigan Siyaasadeed ee Bishan oo la cayimi doono waqtiga Doorasho Awdal ilaa oodweyne is haysta, Waa "kaadhkii Casaa" oo Bulshadu Maamulkan hadhiwaaga ku noqdey ay iskaga reebeyso, iyada oo ku hungowdey, qarannimadii ay u igmadeen in ay uga midho dhaliyaan. Waxaan hore u idhi "Kulmiye" waa xisbi Akaademiga Siyaasadda Dawliga ah Sal ku leh, Aqoontii Dalkuna rag iyo Dumarba Miisaankeedii hagayaan siyaasaddiisa. Waa Xisbi aan Somaliland cid ka maqani jirin, Waa xisbigii shicibka oo wax aan dan u ahayn Dadka iyo Dalka midna aan waqti lagu lumin. Waqti aynu Markaasi uun cagaha ku joogsanney ayaa la yidhi, siddeetan cod ayaa lagaaga heley iyada oo ay ummaddu ogeyd Degmada Gacan libaax ee Hargeysa oo keliya inta cod ee Xeelad Udub lagaga kansaliyey 'Waxaan waraaqaha Codeynta swaxeexin , Guddoomiyihii Degmada ee Guddiga doorashooyinka oo Maamulku dhar saacadood ka hor waqtigii codeyntu xidhmeysey laga kexeeyey xafiika!! Kulmiye isaga oo yaqiinsan , Dadkiisa iyo Dalkiisa midna in aanu qaadi karin hirdan iyo qas arrintan ka dhasha ayuu ka doorbidey in xsillooni ay ku dhaafaan. Wax kolba ay darbi la jidhaanba, xaraashaan Hanti qaran, waxa aynu maraynaa maanta in Bishii shanaad ee Sannadka oo kaabiga aynu u saaran nahay, Dalku Bilaa miisaaniyad yahay!! Madaxweyne Riyaale , Korneylka aan weligii goob dhaqaale ka shaqeyn uu ugu dhiibey Maaliyadda , sow ka dhammee may ahayn? Dee wuu ugu shubey!! Halkan waxaan cambaareyn iyo dhalliil aan shiid hadhka ka dhigayaa Golaha Wasarada ee Ciidda ka batey , lana moodo in ay Gudii Hanuunineed yihiin ee aanay wasaraba ahayn. Mas'uuliintani mafhuumka ay wasiirnimada ka qabaan waa mid naxdin leh!! Wasiirnimada aan lahayn Siyaasad qaran iyo Qorshe-qarameed Horumarineed oo Muddeysan, Shuruuc Dhaqaale Muujineed iyo Miisaaniyaddii sida ay dhex fadhiyaan yaabkeeda ayey leedahay, imikana soo dhaafteyba oo imtixaankii Damiirka ayey ku jiraane, miyaanay kuba hadhin innaba qof-qof in yar oo Digigaxasho ah loogu tegi karo ?!! Goleyaasha Sharci-Dejintu sidey u ansixiyeen Xero-Geeshan Wasiirrada, waa in badhis lagu sameeyo , Sharciga ciddii dhayalsateyna , isaga lagu abaalmariyo!! Dawladnimadu maaha , Mulki Siyaasigu ku yeesho dadka iyo Dalka ee waa hannaan ummadeed oo dhawris-Siyaasadeed iyo Maamuus lagu mutysto ninkii Gudan kara xilkeeda, ahna Xil-gudashada ka midho dhalinta himilooyinka Bulsho ee ay qaranka ka fileyso in uu u qabto. Nabad ku qadeeya oo ku casheeya aan wax ka hooseeyaa jirin, lguma hayn karo Ummadda ee UDUB halkaas haynagu deyso, waqtigan. Qawaaniintii iyo Shuruucdii Dalkan waa in miiska la soo dulsaaro, inta aan wax kale loo dhaqaaqin, kuwan oo maqan, Doorasho xor ahina ma dhacayso innanana kala bixi kari mayno!! Madaxweyne Riyaale isaga oo dibnaha Dadka akhriyaya, in hddana uu iska dhigo qof aan wax ogeyn maaha. keliya waxa la gudboon imika in uu Haykalka dhisme ee Dawladda wax ka beddelo si ay shuruucdu u shqeyn karto, wanu fahmayaa waxa looga jeedo ,"Haykalka Dhisme"!! Waxaan ugu dambeyn u soo dhaweynayaa si waddaninimo ah , qofkasta oo daadkan Bulsho ee Kulmiye ku soo qulqulaya ku soo biira, xusuusineyna Bulshadana in waxa aynu doorn doonnaa yahay kuwa aynu isugu deysanno in ay ka midho-dhalin karaan hanka iyo himilooyinka aynu lenahyay. Alle ha xafido Somalilamnd iyo Bulshadeeda Karaameysanba. Dr. Cali Cabdi Muxumed |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Tuesday, April 20, 2010
Xisbiyadu Daka ma laha ee Dadka ayaa leh Xisbiyada, Kulmiye waa xisbi akaademy siyaasadeed ee maaha kuwii hanuuninta ka soo aflaxay!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment