Saturday, May 29, 2010

Badhasaabka Hargeysa oo Markale Eedaymo Culus u Xambaariyey Komishanka Doorashooyinka

Badhasaabka Hargeysa oo Markale Eedaymo Culus u Xambaariyey Komishanka Doorashooyinka

Jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland oo samaystay urur cusub

"Maanta Komishanku waxay barkan yihiin kaadhadhkii dadweynaha Gobolka Hargeysa tiro u dhiganta 119,191… Waxaannuna u aragnaa mucaaradku inuu hoggaaminayo"

Hargeysa (Jam)- Badhasaabka Gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa'uud, ayaa markale shalay eedaymo culus u xambariyey Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu ku tilmaamay qaar ku shaqaynayaan siyaasadda xisbiyada mucaaradka ah.

Mr. Maxamed Cabdi Daa'uud oo ka hadlayey xaflad lagaga dhawaaqayey urur cusub oo ay bahoobeen jaaliyadda reer Jabuuti ee degan Somaliland oo lagu qabtay huteelka Imperial, waxa uu si kulul ugu eedeeyey Guddiga Doorashooyinka inay si badheedh ah u duudsiyeen xuquuq muwaadiniin tiradoodu ku dhowdahay 120 kun qof oo ka tirsan shacabka ku dhaqan gobolka uu madaxa ka yahay ee Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inay Komishanku ka haystaan kaadhadhkoodii muwaadinnimada iyo codbixinta doorashada.

Ugu horreyn, Badhasaabka oo la hadlayey jaaliyadda reer Djibouti waxa uu yidhi; "Waxaan ku faraxsannahay walaalaheena reer Djibouti ee halkan innala jooga oo dareenkooda cabiray, waxaynu nahay laba dal oo walaalo ah, waxaynu nahay dal keliya oo laba ah, taariikh, dhaqan iyo isir intaba waynu wadaagnaa, runtii dad isku mid ah oo xuduuda uun laba dhinac loogu kala qaybiyey aynu nahay, laba maalmood oo isku xiga ayeynu xorrinimada qaadanay oo kala ah 26-ka June iyo 27-ka June, iyada lafteedu ula-kac ayey ahayd si aynu isaga soo dhowaano Xamar oo qaadatay 1-da July."

Badhasaabka oo daba socday cabasho qaar ka mid ah jaaliyadda Jabuuti ka muujiyeen maalinta doorashada Somaliland dhacayso oo ay sheegeen inay kaga beegan tahay dabbaaldegga maalinta xornimada Jabuuti ee 27-ka June, waxa uu sheegay inay dareenkaasi la qabaan, isla markaana ay tahay arrinta Komishanku u badheedheen.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Maalinta doorashada lagu beegay waa 26-ka June, macnaheedu waxa weeye waxa lagu beegay 27-ka June [Maalinta xornimada Djibouti]. Qarbo-qarbadaa ay na galiyeen walaalaheena Komishanku aad baanu uga xunnahay, may waayin maalin kale, laakiin waa farsamo-xumo xaggooda ka timi inay cidhiidhi galiyaan dadka walaalaheena reer Djibouti ah ee haysta labada dhalashaba oo ay doorashada ku beegeen maalintii ay u dabbaal-deggayeen calankooda. Hore ayey innaga cidhiidhi inoo galiyeen oo 26-ka June ayey innaga liqeen, iyagana [Djibouti] waxay liqayaan 27-ka June, waayo maalintii ay iman lahaayeen qarbo-qarbo ayey galayaan Djibouti-na xuduudkeena ayey xidhanaysaa, waxaanan filayaa inay ula-kac ahayd, waayo dadka reer Djibouti ee Somalilanderka ah waxaan hubaa badidoodu 90% inay xisbiga talada haya ee UDUB ayidsan yihiin, markaa waa ula-kac si ay u lumiyaan codkooda oo ay cidla ah u diraan."

Mr. Maxamed Cabdi Daa'uud waxa uu ku dooday in dadka komishanku xaqooda ka duudsiyey ku koobnayn intaas oo keliya, balse dad fara badan oo degan Gobolka Hargeysa ay si badheedh ah u barkadeen kaadhadhkoodii codaynta.

"Kaligiin cidla la idinma dirin, waxa cidla diray Gobolkan Hargeysa ee aan Badhasaabka ka ahay oo dhan, Somaliland dadkeeda kala badh ayaa gobolkan deggan. Dadka ka codayn lahaa waxay ahaayeen 414,485 qof. Dadkii tiradaa ahaa waxa laga yimi oo maanta kaadhadhkoodii Komishanku barkan yahay oo si ay ku soo qaataan iyo si ku soo doontaanaan garanayn ilaa tiro gaadhaysa saddex daloolow dalool oo u dhiganta 119,191 kaadh ayey cagta hoosteeda galiyeen. Dadkaasi waa dadka dadban ee deggan laga soo bilaabo Sabawanaag, Sallaxley, Balligubadle, Faraweyne, Alleybaday iyo Wajaale iyo kuwa deggan xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Komishankii hore sidaa may yeelin ee markii diiwaangelinta la sameynayey muddadii dheeraadka ahayd waxay u reebeen degaannadaasi sanaaduuq, iminka Komishankani sanaaduuqdoodii intuu soo qaaday ayuu Hargeysa ku soo xareeyey, taasina waa mid ula-kac ah sidaanu annagu u aragno oo dadkaas xaqooda lagu duudsiyayo, markii aannu ku nidhi sanaaduuqda u reeba goobaha xuduuda, waxay yidhaahdeen idinka yeeli mayno, markaa dadkaas maadaama aan Badhasaabkii matelayey ahay xaqoodii waa la duudsiyey, waxaanuna u aragnaa arrintan qalad iyo godob laga galay gobolkan."

"Labada godobood ee kala ah ta Djibouti laga galay iyo tan Gobolka Hargeysa labadaba waxaannu u aragnaa mucaaradku inuu hoggaaminayo, sababta aan u leeyahay waxa weeye ilaa hadda ma jiro xisbi mucaarad ah KULMIYE amma UCID ha ahaadee oo kaadhadhkaa Komishanku canaadka u barkan yahay goobihii laga soo qaaday ka hadlay. Waxay goosteen labada xisbiba in aanay ka hadal, balse ku garab istaagaan. Waxaan waydiinayaa labada xisbi waxa ay siisteen codadkii Hargeysa, Gobollada kale la mid maaha oo Burco, Sanaag, Laascaanood beri hore ayey waxoodii qaateen, si ay ku qaateen Allaahu-aclam oo anigu garan maayo, Hargeysa waxa kaadhadhkeedii halkan dhigay waxa laga yaabaa inay yidhaahdaan awood-darradaada weeye oo adiga ayaa Badhasaab ah, aniguna intaa waan qaylinayey oo nafi iguma jirto cid hoobay iga lihina ma jirto, nin i labeeyey oo arrintaa ka hadlayna ma jiro. Faysal Cali-waraabe waxaan leeyahay waxaad Hargeysa codadkeedii siisatay sheeg ee aad uga aamusan tahay ilaa maanta inuu codkoodu sidaa u khasaaro oo ay noqdaan reer Hargeysa sida Oromo oo kale, waayo dadka reer Somaliland hadday kaadhkoodii waayaan xuquuqda Oromadu leedahay ayey dalka ku yeelanayaan," ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Mr. Daa'uud.

Dhinaca kale, ururka ay samaysteen jaaliyadda Jabuuti ee Somaliland oo ay xafladiisa ka qaybgaleen xubno isku jira rag iyo haweenba, isla markaana samaystay guddi hoggaamisa, ayaa loo sameeyey sidii uu isugu xidhi lahaa dadka reer Jabuuti ee ku nool dalka Somaliland, isla markaana uu Somaliland kala shaqayn doono danaha ka dhexeeya labada dal.

Guddoomiyaha Ururka Muuse Cabdiraxmaan Cali (Deedee) oo ka hadlayey ururkooda, ayaa waxa uu yidhi; "Ururkan oo ay ku bahoobeen jaaliyadda reer Jabuuti ee ku sugan Somaliland oo aannu dhawaan aasaasnay, waxa uu ka shaqaynayaa danaha labada waddan ee walaalaha ah Jabuuti iyo Somaliland, waxaannuna xoogga saaraynaa dhinacada nabadda, iskaashiga ciyaaraha iyo dhaqanka."

Guddoomiyaha ururka Jabuuti waxa uu walaac ka muujiyey waqtiga loo cayimay doorashada Somaliland ee 26-ka June oo uu sheegay inay kaga beegan tahay maalinta dabbaaldegga xorriyadda dalkooda Jabuuti oo ah 27-ka June, sidaa daraadeedna aanay dad badan oo sita dhalashada labada wadan codayn karayn.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Muuse Geedi Geelle, Najiib Maxamed Diiriye iyo Farxiya Maxamuud Cabdillaahi oo dhammaantood ka mid ah xubnaha ururka cusub ee jaaliyadda Jabuuti samaysatay.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment