Monday, May 3, 2010

GARABKA HAWEENKA EE XISBIGA KULMIYE IYO XAFLADII XALAYTO EE LONDON

GARABKA HAWEENKA EE XISBIGA KULMIYE IYO XAFLADII XALAYTO EE LONDON

Waxa xalayto ka dhacdey bariga magalada London xaflad si heersare ah losoo agaasimay oo ay soo qaban qabiyeen madaxda garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye ee UK,waxa kasoo qaybgalay dhamaan laamaha haweenka ee London iyo gobollada dalkan Ingiriiska.

Waxa ugu horeyn madasha hadalo soo dhaweyn iyo warbixin kasoo jeedisay gudomiyaha Bariga London Khadra Ciise oo aad ugu mahadnaqday dadkan faraha badan iyo sida wanagsan ee aad nooga aqbasheen inaydun kasoo qayb gashaan xafladan.Intaas ka dib waxa hadalkii lagu wareejiyey gudoomiyaha garabka Haweenka ee xisbiga Kulmiye ee dalkan Ingiriiska Qadan Maxamed Cismaan oo hadal aad u dheer kaga warantay doorashada soo socota iyo waxqabadka ay doonayaan inay dalka ku dhaqaan hadii aay doorasha ku guuleystaan,waxa kale oo ay xustay in dumarku ay doorweyn ka qadanayaan isbedelka dalka iyo horumarka dalka intaba,iyadoo hadalkeedii kusoo guraanaday inay u diyaar garoobaan sidii ay doorashada uga qayb qaadan lahaayeen.

Waxa kale oo shirka kasoo qaybgalay oo warbixin dheer kasoo jeediyey gabadha kaliya ee Xildhibaanadaa ee laga soo doorto Boorama kana tirsan xisbiga Kulmiye Marwo Ikraan Xaji Da'uud warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa,iyo wax qabadka ay ku rajo weyn yihiin inay u qabanayaa dalka marka ay xukunka ku guuleystaan,iyadoo sheegtay inay horu mar lataaban karo ka samayn donaan,dhinaca caafimaadka iyo arimaha bulshada.

Waxa iyana hadalo kasoo jeedisay Amran bile kana mid ah gudida fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo haweenkii xaflada kasoo qaybgalay ku boorisay inay xisbiga hiil iyo hooba isla garab istagaan,sidan ay caawa isugu yimadeena ku amaantay.Waxa iyana dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa Yurub Qaalib oo ka mid ah gudida fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo haweenkii u sheegtay in dhawaan doorasho inagu soo fool leedahay oo hadaynu nahay haweenka Kulmiye aynu si weyn uga qaybqaadano,weliba xaga dhaqaalaha.

Haweenka madasha ka hadlay ee kasoo jeeda Xisbiga Kulmiye oo aad u badnaa waxa kale oo ka mid ahaa dadkii meesha ka hadlay Amal Cali,Saynab,Cali,Fadumo Adan,Canab Cali Gaas,Amina Xasan Cismaan,Saynab Ahmed iyo qaarkale oo badan.

Waxa kale oo lagu soo casumay haween kasoo jeeda xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Kulmiye oo ay hogaaminayso Gudoomiyaha haweenka ee dalka isutaga imaaraadka carabta oo dhawaanahanba boqasho ku joogta dalkan Ingiriiska.Marwo Safiya Da;uud

Sikastaba ha ahaatee waxay ahayd xaflad si heersare loo qaabeeyey oo dadka madasha ka hadlay ay dhamaantood ka sinayeen in loo diyaargarooobo doorashada soo socota sikastaba ha uga qayb qateene,

Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@gmail.com

No comments:

Post a Comment