Saturday, May 1, 2010

Lamaanihii ugu da’da yaraa Somaliland oo isku aroostay Hargeysa

Lamaanihii ugu da'da yaraa Somaliland oo isku aroostay Hargeysa

Lamaahan oo la kala yidhaahdo Shabcaan Maxamed Carab iyo Nimco Cusmaan Feetin oo labadoodaba da'doodu 13 jir tahay, waxa uu habeen hore arooskoodu ka dhacay degaanka tuulada Warta Aadan Abokor oo ka tirsan degmada Sallaxlay oo ilaa 63 Km Koonfur kaga beegan magaalada Hargeysa. "Marka hore way isla tageen (lamaanuhu), ka dibna sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa waxay noqotay in la isu doono," sidaa waxa yidhi Cabdinuur Maxamed Carab oo ay walaalo yihiin carruuskaa da'da yar oo shalay Hargeysa ugu waramay Wargeyska Ogaal. "Labadooda midkoodna xataa 14 jir ma gaadhin, labada qoysna way isku waafaqeen guurkooda," ayuu raaciyay.

Waxa uu sheegay in markii labada dhinac habdhaqan gabadha isu waydiisteen ka dib, ay lamaanahaasi habeen hore ku aqalgaleen guriga qoyska wiilku ka dhashay oo Xoolo-dhaqato ah. "Waxa loo sameeyay aroos, si wanaagsana wuu u qabsoomay," ayuu yidhi Mr. Cabdinuur Maxamed Carab oo ah nin dhalinyaro ah, carruuskaa gabadha guursaday ee ay walaalaha yihiina afar carruur ahi u dhexeeyeen.

Inta la ogyahay, Shabcaan iyo Nimco waa lamaanihii u horeeyay ee da'daa isku guursada ee arooskoodu ka dhaco Somaliland.

Somaliland.Org

No comments:

Post a Comment