Monday, May 31, 2010

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa soo saaray liisa ay ku qoranyihiin affar wasiirul-dawle oo cusub

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa soo saaray liisa ay ku qoranyihiin affar wasiirul-dawle oo cusub, kuwaasoo ka mid noqday raxan masuulliyiin ah oo madaxweyne Rayaale magacaabay bilihii u danbeeyey.

Magacaabista masuulliyiintan cusub, ayaa u muqata mid uu madaxweyne Rayaale taageero kaga raadinayo reeraha ay xubnahani ka soo jeedaan, sida looga bartayna markasta oo doorashaduu soo dhawaato waxa uu magacaabaa masuulliyiin cusub oo tiro badan, kuwaasoo la odhan karo inay yihiin xubno yimaada xilliyada ugu danbeeya ee ololayaasha doorashooyinka.

hadaba, wasr-saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenkiisa gaarka ah, ayaa u dhignaa sidan: "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray Degreetooyin uu ku magacaabay, dhawr Wasiiru-dawle oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Madaxweynuhu, isagoo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelinaya ahmiyadda weyn ee Wasaaradaha soo socdaa u  leeyihiin dhismaha Qaranka, waxa uu magacaabay Wasiiru-dawlayaashan hoos ku qoran:

1.Mudane, Shucayb Maxamed Muuse Bookh waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka.

2.Mudane, Maxamuud Warsame Geedi Jaamac, waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha.

3.Mudane, Axmed Xasan Goolle, waxa loo magacaabay in uu noqdo Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4.Mudane, Axmed Jaambiir Kaahin, oo hore u ahaan jiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa loo magacaabay in uu ahaado La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynuhu, isagoo tix-gelinaya aqoonta iyo hufnaanta ay leeyihiin Wasiiradaasi uu magacaabay, waxa uu ku amray in ay sida ugu dhakhsha badan ula wareegaan xilkaasi cusub ee loo magacaabay."

Berberanews.com/office
Hargeysa

No comments:

Post a Comment