Thursday, May 27, 2010

TACSI: MARXUUM SULDAAN SULUB NUUR WARSAME

TACSI: MARXUUM SULDAAN SULUB NUUR WARSAME
Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan  tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan beesha Marxuum Suldaan Sulub Nuur Warsame.ee Gobalka Marodijeex, Galbeedka Kilinka Shanaad iyo Jabuuti.
   
Alle ha u naxariistee Marxuum  SuldanSulub Nur Warsame. waxuu ku dhintay magaalda Hargeysa maata oo khamiis ah 27/05/2010.
Marxuum  Suldaan Sulub Nuur Warsame. Suldaan da' weyn muddo dheerna oday hogaamiye beeleed ah ka ahaa Kilinka Shanaad ilaa Gobalka Maroodi-jeex 
  
Marxuum  Suldaan Sulub Nuur Warsame.,cimrigiisu waxuu la dheeraday diin jaceyl iyo cibaado badan. Waxuu ahaa oday nabad doon ah, aftahan iyo xaakim aan ereygiisa la gabban. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.

Ahmed Arwo
Cardiff UK

No comments:

Post a Comment