Monday, May 31, 2010

War-Saxafadeed: Ka Suxufi Ahaan iyo Ka Aqoonyahan Ahaan Waxaan Taageeradaydii Siiyey Xisbiga KULMIYE Iyo Musharaxiintooda Axmed Siilaanyo Iyo Saylici


War-Saxafadeed: Ka Suxufi Ahaan iyo Ka Aqoonyahan Ahaan Waxaan Taageeradaydii Siiyey Xisbiga KULMIYE Iyo Musharaxiintooda Axmed Siilaanyo Iyo Saylici 


Wariyaha Madaxa Wararka Golisnews.com Anigoo magacaygu yahay Maxamed 
Cabdi Xasan (Diridhaba), waxaan inbadan dad badani aad i weydiiyaan 
mawqif ahaan, siyaasad ahaan, iyo fekrad ahaan waxaan ka qabo dalkii aan
u dhashay, dadkii aan ka dhashay iyo deegaankii aan ka soo jeeday, 
dabcan anigoo ah Suxufi reer Somaliland ah iskuna tiriya dadka u ehelka 
dhaw inaan arko dalkii aan u dhashay oo rajo ahaan iyo mustaqbal ahaanba
kasbada waxay naawilayeen ku dhawaad 50 sannadood xornimadii ay helleen
oo aan weli u muuqan in ay naacawdeedii heleen.
 
Dad badan ayaa waxay moodaan 
in Somaliland ay soo bilaabantay 18 May 1991-kii,30 sannadood ka hor 
xornimadii aynu ka qaadanay gumaystahii Great Britain waxaan huba in 
dhallaan iyo dhalinyaro badani oo maalintii callanka laga taagay Beerta 
Xorriyadda ee caasimadda Hargeysa oo boqol tallaabo wax ka yar u jirta 
gurigii aan Hargeysa ee aan ku dhashay ay naawilayeen in ay maruun 
arkaan qiiraddii iyo dheeftii badnayd ee ay u hureen xornimada 
midhaheeda.
 
Markaan ka imaado Hunguri beelka siyaasadda iyo xafiiltanka 
dilay rajadii shacabkayga aan jecelahay, markaan ka imaado kuwii loo 
haneeyey inay dalka ka saaraan dhibaatadii rafaadka badnayd ee halgankii
50 jirka ahaa ee loo hanweyna inay dalka u horseedaan wuxuu higsanaayey
ayeynu maanta akhristayaal markhaati u nahay halkay dalkeenii iyo 
dadkeenii geeyeen.
 
Waxaa Hubaal ah in dad badan oo reer Somaliland ahi isweydiin 
karaan maxaa ku kelifay Maxamed inuu hormood ka noqdo mawqif aan 
saxaafadda looga baran oo ah taageero badh furan oo aan siinaayo qayb 
siyaasadeed aan qabo inay dalka rajo beelka ka saaraan, dabcan 
Saxaafaddu waa halbawlaha hagta isku xidhka shacabka iyo siyaasadda 
maadama oo ay sidaasi tahay waxaa hubaal ah in saxaafadda ama suxufigu 
uu uga xogogaal badanyahay ciduu bidayo inuu dalka ka saaro 
dhibaatooyinka shacabka caadiga ah.
 
3 sannadood oo aan Hargeysa Joogay ayaan guntiga dhiisha 
iskaga dhigay bal inaan guud ahaan dalkii aan u dhashay xaaladiisa eego,
waxaan soo taabtay inaan salkii dawladnimadu aanu kaba jirin gobolada 
iyo degmooyinka Somaliland 20 sannadood ee Somaliland xornimadeeda ku 
faanaysay waxay dawladnimadu dhaafi wayday caasimadda Hargeysa, waxaanan
daraasad balaadhan oo aan bilaabay 15 July 2006 ku soo gunaanaday in 
qaranimadii Somaliland laga tuuray bohol madaw, oo xita iska dhaaf 
horumar loo horseeda eh ay adkaanayso cidda dhaxasha bedelka Daahir 
Rayaale sidii ay godkaasi uga saari lahayd, waxyaabaha akhristow 
daraasaddaan sameeyey iiga soo baxay ayaan ku soo uruuriyey
 
1. Markaad Caasimadda 5 Km 
dhinaca berri u dhaafto ayaa kuugu danbaynaysa hannaaan socodkii maamul 
ee dawladnimada iyo qaranimada Somaliland
2. Shacabka Somaliland guud ahaanba maba fahamsana waxay xaqa u
lahaayeen oo ay ahayd masuuliyadda koobaad ee xukuumadda in ay shacabka
u bandhigto waxay xuquuq u leeyahiin iyo wax xaq iyaga loogu leeyahay 
dadkuna weli waxay kala saari laayahiin dawladnimadani lagu dhawaaqay 20
sanno ka hor waxay kaga duwantahay tii ay xoolo iyo xoog waxay 
lahaayeen u hureen ee ay Somaliland ugu wan qaleen
 
3. Gebi ahaanba ma jiro 
kaabo dhaqaale oo dalku leeyahay cidda tidhaahda dalku dhaqaale ayuu 
leeyahay been ayuu sheegay, ilo dhaqaaleedka dalku wa shariikado u 
shaqeeya shakhsiyaad gaar ah, tusaale waxaa kuugu filan Dekedda Berbera 
oo lagu qeexo halbawlaha dhaqaalaha Somaliland waxaa kharashka ka soo 
galla lagu soo qaada shandado iyadoo laga soo daabulo khasnadaha 
cashuurta isla markaana toos waxaa loogu geeya Madaxweynaha dalka oo 
isaguna si bilaa xisaab ah ula wareega waxana lacagtaasi oo ah mid nool 
oo kaash ah la dhiga qolka jiifka ee Madaxweynaha.
 
4. Xukuumaddii dadku doortay
ee Daahir Rayaale Madaxweynaha looga dhigay waxay noqotay sida koox 
maafiya ah, tusaale cad waxaan idinka siinaya xubnaha la sheego inay 
wasiiradda u yahiin ma kala war qabaan, isaga laftigiisa oo ah 
Madaxweynahii dalku maba yaqaano xubnaha wasiiradda u ah tusaale ayaan 
idinka sinaya sannadkii 2006-dii Bishii July ayuu Madaxweynahu 
warbaahinta ka sheegay inuu isku shaandhayn ku sameeyey golahiisa 
wasiiradda wuxuu shan jeer oo is xiga magacaabay Wasiiru dawle, iyadoo 
markasta lagu sheegay inuu khalad madbici ahi dhacay balse waxaa la ii 
sheegay in Madaxweynaha loo yeedhiyo ciduu magacaabayo bilaa tashi xita 
isago aan laba kulmin shakhsigaasi ummadda dhan masuul looga dhigayo.
 
5. Wasiiradda Ina Rayaale 
qayb dhan ayaan ogayn siyasadda dalka lagu maamulo una magacaaban magac u
yaal iyo buuxinta jago beeleedka reereed, ta kaaga darran Madaxweynahii
dadku doortay ee awoodda dadka lagu doortay iskumaba haysto inuu yahay 
ninka dalka maamula waxaa dhegta loogu sheega in beeli dooratay.
 
6. Somaliland qaab 
dawladnimo kama jiro, waxaa lagu tuuray dalkii aan jecla bohol dheer oo u
baahan in wakhti loo huro sidii looga saari lahaa, waxaa xukuumaddi 
dadku doortay curyaamisay golayaashii dalka, waxay baabisay garsoorkii 
iyo maxkamadahii oo ay ka dhigtay qaar danta maafiyaysan ee kooxda 
Rayaale magaciisa ku fadhida tallada dalku siday doonaan ka yeelaan.
 
7. Qaabkii golaha wasiiraddu
wuxuu noqday faashil burburay waxaad maanta aragtaan wasiir loo 
magacaabay waxbarashada ama Caafimaadka oo intuu masuuliyadiisii garan 
waayey ka hadlaya waxaan loo dirsan: bal ilaahayban idinku dhaarye 
halkeed ku aragteen wasiir loo xil saaray masuuliyad dhan oo qarranku 
leeyahay oo ah weliba kuwii ugu muhiimsana oo ka hadlaya beelo isla 
markaana caytamaya, waa faashilka aynu maaanta ku hayno xukuumadii aynu 
dooranay
 
Haddaba Maxaa Xal Ah:
 
Soomaalidu waxay tidhaahda 
Baso waa Baso si kastoo loo subko, dad badan ayaa jira oo aan hubo oo 
Maanta xukuumadda iyuo xisbigeeda UDUB taageera oo keliya ku taageera 
shakhsiyaad ay isku ehel iyo agab yahiin, waar maanta dalkeenii meel xun
ayuu maraya, waxaynu u baahanahay dad aynu aamino oo bal dalkii bohol 
ayuu ku dhacaye ka soo saara dabadeed markay ka saaran aynu xisaabta 
kale iskula nimaadno eh.
 
Anigu waxaan ahay Suxufi Waxaan ahay nin jecel dalkiisa iyo 
dadkiisa, waxaan ku qaatay wakhti badan oo aan qof kale ku qaadan, dad 
badan ayaa go´aankooda ku saleeya maxaa dhaqaale, magac iyo maamuus ka 
soo gallaya haddii aad xisbi hebel taageerto, wallaahi ayaanan magac iyo
meeqaam iyo maal midna ka rabin aan ka ahayn in dalkaasi gaadho 
himiladiisa dadka u noolina noqdaan dadka ugu nolol fiican dunida.
 
Muddo dheer ka dib markii 
aan fekeray ee aan fekeray ee aan muddo odoroso, naftayda iyo inta dalka
jecelba la tashaday, waxaan go´aan ku gaadhay inaan taageero dhaq 
dhaqaaqa Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, dad badan ayaa isweydiin kara
Maxaa Diridhaba uu ku doortay Kulmiye
 
Kulmiye aniga iigama duwana UCID labada xisbi waa laba xisbi 
oo mucaarid ah waxaanan huba mid kasta oo qabta tallada dalka Somaliland
inuu horseedi karo horumar ka baaxad badan bohosha aynu maanta ku jiro,
balse qof kastaaba dookh ayuu leeyahay waxaan eegay dadka ku jira 
waxaan odorosay dadka ku jira intay daacad ka tahay inay dalka ka saaran
bohosha uu ku dhacay, waxaan inbadan la sheekaystay oo aan qoday in ay 
fulinayaan barnaamijkaasi isbedel doonka ah.
 
Waxaan noqonaya suxufigii ugu
horeeyey ee si badheedh ah oo cad oo aan mugdi ku jirin ugu yaboohay 
taageeradiisa Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud 
Siilaanyo iyo C/raxmaan Saylici, waxaanan ka codsan lahaa wergeysyada 
iyo warbaahinta kale inay igu soo biiraan oo ay taageeraan xisbiga 
KULMIYE, ceeb maaha dastuurka Somaliland na xaq ayuu inoo siiyey inaynu 
taageerno ciddii aynu u arki karno inay dalka bohosha ka saari karaan
 
Markale ayaan ku celinaya 
Waxaan taageersanahay siyaasadda iyo barnaamijka Xisbiga Kulmiye 
waxaanan qayb ka qaadanaya abaabulka iyo wacyi gelinta shacabka 
Somaliland waxaanan ugu baaqaya dhammaan dadka akhista qoraaladayda lana
socda barnaamijyadayda inay taageeraan una codeeyaan Xisbiga KULMIYE.
 
Taasi macnaheedu maaha 
waxaan ku biiray Kulmiye anigu kuma biirin kulmiye kamana doonayo xil 
iyo magac waxaanan ula simanahay muwaadiniinta kale laakiin waxaan qayb 
ka noqonaya ololahooda doorashada oo aan geed dheer iyo ku gaabanba u 
korayo inay xilka qarranka ugu sareeya hantaan.
 
Mohamed Abdi Hassan 
(diridhaba)
Dubai, UAE

No comments:

Post a Comment