Saturday, May 29, 2010

Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad

Warqad furan oo ku socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad

Mudane madaxweyne anaga oo ah 74 qof oo kamid ah dadwyanaha reer Somliland ee degen magaalada Hargaysa, kuwaas oo isugu jira rag, dumar, waayeel, dad jilicsan, aqoon yahano iyo kuwo kaleba. Waxaannu Mudane Madaxwayne halkan si qadarin leh kuugu soo gudbinaynaa cabashadayada oo u dhigan sidan.

• Mudane madaxwayne waxaanu tirsanaynaa dulmi wayn oo ay naga gashay dawladda Hoose ee Hargaysa iyo kuwo ku taageersan dulmigaa, waxaa lanagu sameeyay dhac iyo boob iyadoo la noogu daray aflagaado iyo cago-juglayn iyada oo lana leeyahay xoog ma haysaan.

• Mudane Madaxwayne waxa jirta in dawlada Hoose ee Hargaysa baahisay in ay dadwaynuhu maal gashadaan suuqa Gobanimo, waxaanay u tilmaameen in guddi ay u magacawday loo dhiibo dhaqaalaha lagu dhisayo guryaha ganacsi ee lagu dhisayo suuqaas.

• Qof kasta oo naga mid ah waxa uu dhiibay lacag dhisaysa hal qol amma laba qol, kadibna waxa bilaabantay qaybintii wejiga 1-aad, waxaa naga mid ah qaar ku jiray qaybinta wejiga 1-aad oo ay ka go'een qolalku.

• Mar labaad waxa haddana bilaabantay in la dhiso fayska labaad oo lacagtiina la ururiyay oo dad kale laga ururiyay iyada oo ay joogaan qoladii hore ee ay qolalku ka go'een kuwaas oo la yidhi waxaannu idinka qayb gelinaynaa wejiga labaad,

• Haddana waxa la qaybiyay guryihii la dhisay fayskii labaad iyada oo dad badan oo kii hore ku hungoobay kan dambana laga qadiyay kadib markii la musuqmaasuqay.ugu dambayntii waxa la bilaabay wejigii sadexaad ee dhismaha iyada oo la yidhi waxa la siinayaa dadkii ay guryuhu ka go'een wejigii 1-aad iyo 2-aad.

• Haddaba, waxa dhacday indawlada Hoose aanay sadexdii fays ee dhismahaa midna waxba naga siinin lacagtii lagu dhisay guryahana ay biyadu iska qaadatay oo ay dad kale guryihii dib uga iibisay kuwaas oo ay dawlada hoose kiraysay isla markaana ay iyadu ka qaadato kiradda, anagana aan lacagtayadii lanoo soo celin, guryana aan lana siinin.

• Arintani waxay keentay anagoo sharciga , nidaamka iyo kala dambaynta dhawrayna in aanu dacwad u gudbinay Maxkamadda Gobolka Hargaysa, kadibna Maxkamadda aanu isla galay dawladda Hoose ee Hargaysa oo ay difaacayaan xeer ilaalinta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somliland iyada oo doodeedu ku salaynaysa dawladda hoose gududii ayaa lunsatay lacagta ee u doonta, halka ay doodayaduna ahayd maadaamaa ay Dawlada Hoose hore noogu amaraty in saanu Gudida lacagta u dhiibno, guryihii lagu dhisay lacagtayaduna ay dhisan yihiin oo ay dawlada Hoose sheeganayso lahaan shaheeda iyada oo aanay jirin wax lacag ah oo ka gashay, laakiin lacagtayada lagu dhisay waa in guryihii lana siiyaa amma dawlada hoose ee Hargaysi noo celiso lacagtayadii.

• Maxkamadda Gobolka Hargaysa waxa noogu xukuntay Dawladda Hoose ee Hargaysa lacagtayadii oo cadadkeedu dhan yahay $123,330 (boqol iyo saddex iyo labaatan kun iyo saddex boqol iyo soddon dollar)¸sida ku cad xukunka MGH/DML/117/04 ee ku taariikhaysan 01-10-2005, ka dib markii aannu Maxkamada ka hor cadaynay lacagta aanu u sheeganaynay una soo gudbinay cadaymihii lacag qabashada iyo dukumentiyo kale oo la xidhiidha oo ay ku jiraan heshiisyadda gudida ay sheegayaan iyo Dawlada Hoose wada galeen kaas oo ay wada saxeexeen laba dhinacba, kadib waxay racfaan u qaateen Maxkamadaha saddexda derejo, waxaana ka soo baxay xukummada Maxkamadaha racfaanka:-

a) MJH/DML/117/04 ee 01/10/2005 oo ay Maxkamadda Gobolka Hargaysi xukuntay.

b) MRH/D=MRL/18/06 ee ku taariikhaysnaa 06/05/2006 oo Maxkamadda Racfaanka Hargaysa ah.

c) MS/67/06 ee ku taariikhaysnaa 11/09/2007 ee Maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland.

d) MS/69/06 ee ku taariikhaysnaa 15/12/2007 oo ay ku saxeexanyihiin 9-ka garsoore ee Maxkamadda sare, lagagana diiday Dawladda Hoose ee Hargaysa dib-u-eegista.

Dhammaan xukummadaas oo lacagtayadii la noogu xukumay, isla markaana noqday dhaqan gal, kadib waxannu bilownay in aannu furano dacwad fulin ah oo lambarkeedu yahay MDH/DFL/27/09, waxaanay Maxkamadda Gobolka Hargaysa siisay Dawladda Hoose ee Hargaysa digniin 15-maalmood ah in ay ku soo bixiso lacagta lagu xukumay ee ay ka soo baxeen xukummada dhaqan galka noqday ee 4-ta ah, kadib mudadii sharcigu u ogolaa wax is hortaag kumay keenin maxkamada iyagoo ka santaagaya isuna haysta in ay sharciga ka sareeyaan, wanaanay haddan yidhaahdeen dib-u-eegis ayaanu qaadanaynaa laakiin gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland waxa uu soo saaray qoraal uu ku cadeeyay in dacwadaasi ay ka dhamaatay maxkamadaha dhamaantood ilaa dib-u-eegis. Sida ku cad qoraalka Gudoomiyaha ee MS/GMS/G-9/105/09 oo ku taariikhaysan 18/04/2009. waxa kalee oo intaasi dheer in dawlada Hoose oo ay difaacayso xeer ilaalinta guud ay is-hortaag ku samaysay waxannay wax aan sharciga ku fadhiyin ku sameeyeen dacwadii fulinta ahayd, saddexda Maxkamadood ee Maxkamada gobolka Hargeysa, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa iyo Maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saareen saddexda qaraar ee ay kaga diideen kuwaas oo ay sumadoodu kala tahay:-

1. MGH/DFL/27/09 ee 10/05/2009 ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

2. MRH/QMRJ/66/09 ee 17/06/2009 ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa.

3. MS/93/09 ee 27/03/2010 ee Maxkamadda Sare Somaliland.

Xukumadaas iyo qaraaradaas dhamaystay saddexda darajo maxkamadeed ee tiradoodu tahay todobada waxa soo saaray 20 garsoore oo badankoodu ku sugan yihiin Maxkamadaha saddexda darajo, qaarna dhinteen kuwana shaqadda ka tageen mudadaas dheer ee dacwadu ka socotay Maxkamadda.

Dhammaan xukumadaas iyo qaraaradaas way diiday Dawlada Hoose innay u hogaansanto oo ma ogola Dawlada Hoose in ay iska bixiso lacagta lagu xukumay ee guryihii lagu dhisay naguna dhacday kuwaas oo ay ilaa maanta kiradooda qaatato Dawladda Hoose iyada oo aanay jirin wax lacag ah oo ay dhismaha guryahaas ku bixiyeen.

Mudane madaxweyne Daahir Riyaale, dulmiga lanagu hayey mudadaas wax sharciga khilaafsan oo aannu ku kacnay ma jirto, waxannu muujinay samir iyada oo aannu goosanay in hantidayada naga maqan Dawladda Hoose aannu u marno dariiq sharciyeed oo aannu ku kala baxno garsoorka./

Mudane Madaxweyne, waxa ammaan mudan garsoorayaasha saddexda maxkamadood ee gobolka, Racfaanka iyo maxkamadda sare ee dacwadan ka soo garsoortay ee markii dariiqa sharci iyo cadaalada ku qotoma ka soo saartay dacwadan waxa kaliya ee hadhsana ay tahay fulinta xukumadan dhaqan galka noqday, sidaa darted, Mudane madaxweyne, waxaannu si qadarin leh kaga codsanaynaa inaad muwaadiniintan dulman ugu hiiliso sharciga kuna amarto dawlada hoose ee hargeysa:-

1. Innay bixiso lacagta lanoogu xukumay ee lagu dhasay guryahay ay kirada ka qaadato iyo kharashyadii dacwadaha ee ka dhashay kuwaas oo ay maxkamaduhu noo qaraariyeen.

2. Haddii ay diido bixinta lacagta iyo kharashyada in dawladu nagu wareejiso lahaanshaha guryahay suuqa Gobonimo ee Dawladda Hoose kirada ka qaadato kuwaas oo lagu dhisay lacagtayaddii.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment