Sunday, May 30, 2010

YAA KU HADHAY UDUB? CODKAAGA KU CIIL BAX..qormadii 28


YAA KU HADHAY UDUB?

CODKAAGA KU CIIL BAX..qormadii 28

Ahmed Arwo
Waxa ayaamahan dhegaha iyo indhaha Soomaliland buuxiyey wararka tilmaamaaya sida looga hayaamay xisbi-xaakimka oo u muuqda mid ku fashilay hoggaankii uu muddada dheer hayey. Waxa ayaan darro ah in kolka hawlwadeenadii xisbigu ay irridaha boobeen in Wasiiro aan la dooran meelna aan ka soo gelin nidaamka dalka u yaal inay xisbi sheegtaan ay yihiin kuwa sidii Cali geeli ba'ay baroorta iyo boodhka isku daray, fadhi iyo jog diiday,hawshii qaranka ay u hayeena faraha ka qaaday. Waxa qaarkood miciinsadeen cabaadkii laga maqli jiray keli-taliyaasha xukunkooda qoraxdu ka sii dhacayso eek u hadaaqa" AMA LEY DOORAY AMBA DALKA LA WAA". Waxaa se bushaara ah in nin kasta oo taas ku baqay in isaga la waayey dalkuna jiro.

Waxaynu ogeen raggii Udub dhidibka u taagay ee Madaxweynaha kursiga labada dhinac u qabtay inay saaxadda ka maqan yihiin. Kow dhe waa Prof. Gees oo sida cad u qoray inuu isagu sharciga u jabiyey Daahir oo uu kolkii Madax. Cigaal geeriyooday Alle ha u naxariistee uu Konfur Afrika kala soo hadlay Qaybe iyo Cabdiqaadir Jirde si qodobka dastuurka ee Madaxweyne doorasho ku yimid oo geeriyooday loo qaato, lagana saaro meesha qodobka sharciga ah ee lagu dhaqmaayo intaan doorasho dhicin. Kaas oo ka dhigayey in 45 Cisho Guddoomiyaha Guurtigu hayo, deedna ay xildhibaanada Barlamanku isu soo sharaxaan, kii ku guulaystana uu Madaxweyne noqdo. Weynu ognahay sida foosha xun ee loo eryey Mudane Gees. Ayaamahan waxa isna si cad u tilmaamay inaan UDUB waxba u oolin Mudane Cabdiqaadir JIrde, Ummaddana ku booriyey inay xisbiga Kulmiye u codeeyaan isagoo ku tilmaamay xisbiga ugu nidaam wacan, aadna uga dayriyey nidaam darrada UDUB oon lahayn Gole Dhexe iyo Mid Fulineed toona.
Waxa ka horeeyey raggii doorashadii hore guntiga gaabsaday oo noqonaaya liis dheer bal se aan ka xasuusto Ismaaciil Aadan, Cabdilaahi Derewal, Muuse Inji, Abiib Timacadde, Fu'aad Adan Cadde, Waqaf, Cali Asad, Gaboose, Salaymaam Aadan. Xataa waxa muuqata in Xaajigii xukunka ilaashan jiray oo arko halka ay kafaddu u dheeliday, waa Xaaji Cabdikarime uu ayaamahan  sheegaayo UDUB in haddii xilka laga helo ay si nabad ah ku wareejiso.

Waxa iyana ka maqan intii niyad wanaaga ku raacday een weli baran ballanka UDUB, intii lahayd dalka ha la dhaqaajiyo oo Madaxweynah ha la barbar galo. Waxa culkan ka hormood ah Maxamed Xaashi Cilmi, Marwo Edna Aadan, NGOyada dalka, dhalinta Jaamacadaha, iyo ururada qurbajooga een u kala hadhin taageerada Madaxweynaha. Xusuuso soodhoweyntii kolkii ugu horreysay ee uu dalkan Ingiriis soo cago dhigtay. Taa dabadeed midba midda ay ka dambeyso ayey sii shiikheysay ilaa la waayey goob Madaxweyne joogo oo jaaliyad lagu casuumo. Waa barasho horteed hay nicin, manta se la baray oo la arag waxqabadka xukuumada, maamule-xumada iyo cadaalad darrada, ay weheliso musuqmaasuqa dalka ragaadiyey.
 Waxa ka huleelay koox culus muddaba la daalaa dhacaysay sidii ay xisbiga u badbaadin lahaayeen. Waxa Cabdilaahi Derwal la kacay garab mug weyn oo xildhibaano degaan iyo qaar barlamaaan leh, qaar Gole Fulineed iyo ku Dhexe leh, qaar Guurti leh.

Waxa iyana shir jaraaiid qabtay dhowr nin oo xilal waaweyn xisbiga u hayey. Dhammaan waxay dureen sharciyadda xisbinimada oo runtii ay ahayd in hadday sidaasi jirto in la kala diro waayo waxaa meel ka dhac ay ku tahay dastuurka dalka in xisbi aan lahayn maamule dhexe ha noqoto Gole Fulineed iyo Gole DHexe laga aqbalo inay yeeshaan musharx Madaxweyne. Waa se Soomaliland oo wey samir badantay, wey dulqaad weyntay. Waa ha socotee yeynaan carqaladeen xiliga doorashada. "Codkeena ayeynu ku diidi ee ha socoto"..Waa hadalka aan ka hayo in badan oon la xidhiidhay inay arrintan dastuuriga u fiirsadaan. Afeeftay bal se talada aqlibiyadda ayaa leh, anna qaatay oo waa ha socoto oo aan Codkeena ku Ciil Baxno.

Burco (Jam)- Mustafe Maxamuud Cali oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inuu iska casilay xubninadii xisbigaas oo uu sheegay inuu qarka u saran yahay burbur siyaasadeed, isla markaana u xuubsiibtay xulafaysi kooxeed dhexdiisa ku hirdamaya.
Masuulkani waxa uu sheegay in xisbiga UDUB uu talada ka qaato cidda aan nasteex u ahayn, isaga oo xusay in uu qoraalo badan u gudbiyay, balse aannu ka helin jawaab waafiya,

Kana waa Guddoomiyihii Xidhiidhka gobollada xisbiga UDUB Md. Siciid Jaamac (Ilka-weyne) oo isna maanta yidhi Cawralaay Cago!.

rajayn maayo doorashada madaxtooyadda inaanu sidii berigii hore guul ka gaadhi doono inaanu sii daadegno mooye, xisbigana waxa iska wata rag shalay soo wada galay oo xaaladiisa aan waxba kala socon."
Mudanahan oo shirjaraa'id maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi...
"Waxaan maanta oo taariikdu tahay 05.May.2010 aan iska casilay xilkii aan muddo todbada sanno ah ka hayay xisbiga UDUB, aniga iyo garabkaygii aan watay ee marii hore ka yimi xisbiga UCID, oo qaarkood iga sii horeeyeen oo iskaga tegeen markii waxba loo qaban waayay.
xisbiga UDUB ma shaqaynayo oo wuxuu ku shaqaynayaa muhmal, waxaanu weyney kala-danbayntii iyo nidaamkii xisbigu ku shaqayn jiray,shaqo ma hayno, golle dhexe ma jiro, gudidii fullintu ka ma jirto, Guddoomiye-waxeedyo ayaanu ahayn oo wax shaqo ah ma hayno dad kale ayaa shaqadayadii qabta, talladii xisbuguna waxay gacantoodu ku jirtaa kuwo dhawaan soo galay xisbiga.."
 Yaa hadhay? Waa xisbi oo dindinkoodu dhammaan mayo, ee waa kuwan beelihii tiirka u ahaa iyo madaxdii Boorame iyana ay yidhaahdeen nalaguma haleeyo. Ku dar reer Dila iyo damaashaad oo kolkay sida lexaadka leh u taageereen Kulmiye xabsiga loo taxaabay Taliyihii Boliskii ee Degmada lana yidhi maxaad u joojin weyday. Mey garan in aan la joojin Karin mawjad dad ah.
Waa Salal iyo Awdal oo yidhi dalka anagaa leh anaga ayuuna hiil naga sugayaa. Ninkasta oo ku xiga Allaa kaa xiga. Waxqabad iyo kartibaa madax lagu qiimeeyaa. Annagaa hormood u ah isbedelka dalku u baahan yahay.
Waa marwooyinkii Boorame oo sacab furan iyo gacan codeysa ku soo dhoweeyey Kulmiye.- Borama, 30 kii May-  Munaasabad lagu qabtayb Hotel Rays ee magaalada Borama, habeenkii sabtidii ee bishan 2 9  keedii, ayaa waxaa soo agaasimay, garabka haweenka isbadalka doonka, ee xisbiga Kulmiye iyo maamulka siyaasadeed ee Beesha HabarCafaan, waxa ayna ugu tala galeen, inay ku soo dhaweeyaan, Garabka Haweenka isbadal doonka Beelwaynta Habarcafaan.  Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay, Marwada Koowaad ee Eng Saylici, iyo xubno kale oo aad u mihiim ah, oo ay ka mid tahay, AMAAL XAJI MIISAAN iyo haween faro badan oo  hormood u ah Beesha HABAR CAFAAN oo ah tan uga tirada badan deggaanka degmada Boorame iyo magaalada caasimada ee iyada ah..

Sawiro: Haweenka Boorame iyo Kulmiye sii aakhri oo guji: http://samotalis.blogspot.com/2010/05/garabka-haweenka-beelweynta-habar.html
Ugu dambeyn Waa xildhibaan Yuusuf Kirix iyo tunweyntii UDUB oo mar keliya oodda jabisay.
Masuuliyiintan xilalka ay UDUB ka hayeen iska casilay oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa oo tira badnaa, waxa hormuud u ahaa Xildhibaan Yuusuf Kirix oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, Xoghayihii Difaaca iyo nabadgalyada Xisbiga UDUB cabdillaahi Maxamed Jaamac (Carray),Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga arrimaha bulshada UDUB Axmed Cismaan Aw Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga dhaqaaha Xisbiga UDUB Xasan Abiib Maxamed, Farxaan Daa'uud oo ahaa xubin golaha dhexe ee UDUB ka tirsan iyo xubno kale oo fara badan oo isugu jira kuwo golaha dhexe ee UDUB Xubno ka ahaa iyo kuwo wakhtigan xilal ka hayay UDUB.

Waxay yidhaahdeen:  "Xisbigayagii UDUB, Xisbigii uu ahaa maaha, Xisbigii wuu isbeddalay, meel uu ku socdana ma garanayno. mawaxaad aragteen koox kooxdaadii ah, oo garammadaadii ku ciyaaraysa oo aanad haddana dadka kubbadda kuu ciyaaraya aanad midh ka garanaynin. Xisbigii UDUB sidaas ayuu noqday oo dadka maanta wata qof annagayagaasi UDUB ahi ka garan mayno. markaa Xisbigii UDUB sidii Riwaayaddii aw Bustaale ee ay ku jirtay Sheekhi wuu hagaasay, hagaasay, sii hagaasay, dabadeedna wuu madhay weeye, oo UDUB Wuu hagaasay, hagaasay oo inuu kidinka ka baxo ayuunbaa u hadhay." Sidaa ayuu yidhi Mr. Carray, waxaanu isaga oo ku dhawaaqaya is-casilaaddiisa yidhi;

"Xilkii aan UDUB ka hayay ee xoghayaha nabadgalyada iyo difaaca intaan hayay dambigii aan ku galay Illaahay hayga saamaxo, inta dambena laga bilaabo maanta oo ay bisha May 29 tahay, waan iska casilay. UDUB-na kamaanaan bixin ee dhexdeeda ayaannu ku dagaallamaynaa. Waxaannu noqon gaadhay sidii Saddaam Xuseen oo Ciraaq dabaabaad iyo Hub khatar ah ayay haysatay, markii isbahaysigu soo galay meel ay mareen ciidamadii khatarta ahaa iyo Dabaabaadkii Ciraaq waa lawaayay, wuxuunbaynu aragnay Saddaam oo god lag soo saaray oo aan la garanayn oo ilkihiisa toosh lagu hayo oo la leeyahay Saddaam ma yaha mise waa nin kale,imaka marbaa la odhan gaadhay waar ninkani Carray ma yahay inta toosh afka nalagaga qabto. Inta maanta UDUB hor ordaysana waxaan u sheegayaa inay Sidaa Saddaam inta god laga soo saaro la arki doono iyada oo Toosh afka lagaga hayo...."
Xildhibaan Yuusuf Kirix, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Golihii dhexe ee ugu horreeyey ee Xisbiga UDUB yeesho, ka dibna ka mid noqday mudanayaashii Golaha deegaanka ugu tartamay UDUB ee guulaystay, waxaanu sheegay inuu maanta laga bilaabo iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee UDUB. "Laga bilaabo maanta waxaan iska casilay xubinnimadii golaha dhexe ee Xisbiga UDUB oo aan aasaasayaashii seeska u dhigay ka mid ahaa. ka dib markii hore iyo dib midna u socon-waayay, siyaasaddiisina noqotay mid ka duwan tii Xisbigaas aanu u ku dhisnay." ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Kirin.

Faalo kale ku darimaayo oo Tunweynta UDUB ayaa dhammeeyey.Iyagaa tilmaan buuxda ka baxshay maamul-xumada iyo waxqabad la'aanta. Su'aasha ah yaa ku hadhayna aan u dhaafo dadweynaha, oo kolka ay inta aan halkan ku xusay iyo kuwa kale eenan magacaabin ay maankooda la kaashadaana gran kara cida ku hadhay iyo miisaankooda.  
CODKAAGA KU CIIL BAX. Oo u codee isbedelka dhabta ah, ha khasaarin hana la seexan ee ka dhig mid aad ku hubsato xisbiga Kulmiye.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:

Ahmed Arwo
JOIN SAMOTALIS Group
JOIN SAMOTALIS Page AT:

No comments:

Post a Comment