Thursday, June 17, 2010

CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII 34naad

CODKAAGA KU CIIL BAX QORMADII 34naad
NACASBAA WIXIISA LAGU LAALUUSHAA

Ahmed Arwo

Ahmed Arwo
 
Waxa la yaab leh sida macangagnimada ah ee Murashixiinta UDUB ay ayaamihii ugu dambeeyey u muujinayaan xishood la'aan iyo ixtiraam darro ay u hayaan muwaadinka iyo sharciga dalka. Waxa ay la hortegeen bulshada Galbeedka Hargeysa inay si badheeedh ah ugu yidhaahdaan...doqon baad tihiin oo waan naqaan in waxaan jrin oo sharci darro ah aydun noogu sacbisaan...Waxay la hor yimaadeen Arabsiyo waa degmo, Geedbalaadh waa degmo iyana waa degmo,,,waa bilow ee waliba qaar kale ayaa ilaa dhowrkan cisho la magacaabi doonaa, kolkaas ayaa lagu duceeeyey oo hantidaadii lagu bixiyey wanqal aadna waad sacbisay...Ma illowday todoba sano ka hor iyo balankii isla kolkii doorashada leydinka rabay ee ahaa Gabiley waa Gobal, Oodweyne waa gobal iyo iyo...haye. Miyeyna ahayn maqli jiray arki jiray
Murashixiintu lamay iman waxaasan qabanay sideedii sano aan hoggaanka haynay waayo waxaan isku-dir, musuq iyo xabsi xaq darro ahayn laguma xusuusan karo. Waliba waxa gobalada Gabiley iyo Awdal u dheer sida ay isagu dayeen inay timaha isagu xidhaan oo colaad aan meesha oolin loo dhexdhigo...ma aha labada gobal mid ku eeg ee Gabiley gudaheeda weynu ka warqabnaa dadkii isku jeeniga ahaa halkay kala marayaan. Awdalna ma fayoobe oo Saylac iyo Boorame kala kaxeeye Waa dhaqan isticmaar iyo  UDUB oon nidaamkaas waxba u soo raacin, waxay murashixiinta UDUB isbaaro dhexdhigeen Magaalo Cad iyo Dilla. Waxay iloobeen inayna ahayn isticmaar ee dalkan iyo dadkani yahay koodii. 
 
Waxaad ogaataa in Gabiiley iyo Oodweyne oo muddo dheer sugaayey gobalnimo halkii sida ay u kala mudan yihiin loo kala hormariyo, ay ka dhigteen in hab laaluush ah oo codkaaga lagu xado ay tiro weli xidhmin oo socota soo magacaabaan. Ogow in dastuurku si cad u muujiyey iyo sharciga degmooyinka iyo gobaladu inay xukuumaddu leedahay soo-jeedin sababaysan oo xadideysan, gobalka iyo degmadu xadkoodu cad yahay, deedna Golaha Wakiilada loo gudbiyo si ay amba u diidaan amba u ansixiyaan.Magacaabidina waa mid afka ah ujeedaduna tahay inaad noqoto xaabada dabka ay ku diirsadaan si shaqsi ahaan ah lagaaga dhigto. Waa khiyaamada ma ku baraa iyo cirka eeg.Waa kursiga igu celi, berrina sidaan doono ayaan yeeli. Hadda waa taqaan oo sideed sano ayuu kursiga ku fadhiyey. Aqoonu kuuguma laaban.  
 
Taas ooy ogyihiin ayey muraashixiinta waayey kalsoonidii dadweynahu ay badheedh ugu tumanayaan. Haddaba muwaadin ma dooran kartaa ragga iyagoo maanta kuu baahan oo codkaaga raba sharciga iyo dastuiurka sida macangagnimada ah ugu tumanayaan. Maxaad ka fileysaa kolkaad ushaada u dhiibto, sow si wacan jac kaaga siinmaayaan, sow intay indhaha kaa xidhaan kugu odhan maayaan, doqonow magacaa be', ma sheekadii ku dhisnayd riwaayadda nacas sidee waxiise loogu laaluushaa ayaad run mooday.....maalintaadii waad garan weyday ee afka laydha ka xidho...Waa jawaab aad filato hadday dabinka ay dhigeen madaxa la geshid.
 
Dib u noqo oo xusuuso balamadii hore, fakir oo xusuuso waxay kuu qabteen. Gobal mahadiyey ma jiro, degmo maqnaanshahooda tebeysaa ma jirto, magaalo isku-dirkooda iyo kala qoqobkooda ka bedbaaday ma jirto.Haddaan Hargeysa iyo galbeedkeed ka dhigto bir-tilmaameed. Ku xusuuso Murashaxa Madax/xigeenka balamadii iyo shirarkii tirada badnaa ee uu Wajaale, Allaabaday, Arabsiyo, Gabiley iyo dhammaan tuulooyinkooda uu kal hore iyo sanadkii ka horeeyey, iyo doorashadii barlamaanka iyo kuwii ka horeeyey uu isagoo ereyo diin ah ku qorxinaayaa uu kor iyo hoos idiinku sheegay, maxaa ka hirgaley. Ku xusuuso ciidankii iyo gaadhiyadii gaashaamnaa ee uu Isbitaalka Hargeysaa ku weerarey.....laba gaadhi gaashaman ayuun baan u diray ee wax badan mey ahayn...waa hadalo lagu xusuustaa. Ku xusuuso colaada idinka iyo walaaladiin reer Awdal ee ka dhashay talo xumidooda iyo go'aan la'aantooda. Imisaa si nacasnimo ah ugu naf waayey Ceel Bardaale kolkay waayeen xukuumad talo iyo go'aan qaadasho leh, imisaa ku baro kacay, imisaa abti iyo seedi iyo sodog is necey. Xusuuso tuulooyinka labaatanka ku dhow ee xaqooda doorasho waayey, iyagoo u jira caasimadda wax labaatan kilo ka yar, kolka ay ku faanayaan waxaan jirin iyo dalkoo dhan ayaanu maamul gaadhsiinay. Nimanka agagaarka caasimadda doorasho ku qaban li'i ma yihiin qaar laga sugaayo xukuumad tamar iyo awood fulineed leh. Waa maya iyo toban jeer maya.
 
Ku xusuuso labada murashax Sacaado Diin iyo beenta ku gadaaman. Xusuuso salaadiinta loo diiday inay cago dhigtaan dalkooda ee jasiiradda afaafkeed laga xidhay. Xusuuso wadhii Soomaliland ka raacday caleemo saarkii Ugaaska Ciise. Si wacan oo fiican oo maamuskeed leh ayaa oday dhaqameedka Soomaliland oo Ciise ka mid yahay arrintan u qabteen ooy cumaamad iyo gogol wacan u fidiyeen Ugaaskooda, waxa se kaga soo baxay ereyo siyaasadeed oo lagu wiiqay jiritaanka Soomaliland taas oo Wasiiradii joogay kari waaayeen inay sameeyeen waxaan ahayn madaxa ooy foorariyaan iyo dhegaha ooy furaystaan. Jawaab se waxaa baxshay bulshada Awdal iyo Salal ee Ciise iyo Samaroonba leh. Waa tilmaam kale oo ku tusaysaa jileeca, daacad darrada iyo karti la' aantooda. Ma yihiin qaar shan sano oo kale aad hoggaanka ku aamin karto? Maya oo boqol jeer maya.
 
Ku xusuuso dhagex dhigii seddexda wershadood ee Berbera. Waa fal adduunka u kow ah in Madaxweyne wershaddo aan jirin dhax-dhigo oo weliba ku booriyo dadweynahu inay u soo shaqo tagaan inta Oktoobar 2007 ka horreysa, waa seddex bilood ka dib dhagax dhigooda. Halkay mareen, weli jawaab murashixiintu ma kaa siiyeen. Ku dar oo xafladda waxa lagu baashaalay cashuurtii yareed ee hooyada Berbera ee milicdu dul joogtu laga soo uruuriyey. Waxa dhacday in xataa mushaharkii shaqaalhaha degmada Berbera meesha lagu bililiqeystay. Bil ka dib waxa la waayey waxshaqaalaha la siiyo. Musharixiinta UDUB  ma yihiin qaar u qalma dib-u-doorasho. Maya, oo maya kun jeer maya.
 
Gabiley, Awdal. Selel, Maroodijeex iyo Saaxil waa la ogyahay dareenkooda soo jeeda iyo wadaninimadooda adag bal se inta UDUBaysani ha gilgishaan oo ha raacaan asaageed. Ha taageeraan guddomiyihii UDUB ee Awdal ee runta ka sheegay kolkuu yidhi "Saaxiibbadii UDUB Waxaan Leeyahay Carrabkiina iyo Calooshiina Iswaafajiya" Guddoomiyihii degmada Boorama ee xisbiga UDUB ee iscasilay ...sii Akhri http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=13872&categ=&expand=&file=view_article.tp .
 
Gabiley UDUB hayska jirto magac xumo iyo inay codkooda mar kale qoomameeyaan. Hore ayuu codkoodu cadow ugu noqday, maanta ha ku ciil baxaan oo ha qaataan dardaarankii ahaa Muumin god laba jeer lagamo wado qaniini..., ha fuliyaan talada bulshoweynta Soomaliland si gaar ah ha u hanuunsanaadaan taladii seddexda bilood loo fadhiyey ee danta beesha Awal loo arkay inay la mid tahay danta Soomaliland ee maamul-wanaag doonka ah, ha qaataan taladii iyo go'aamadii ka soo baxay sii akhri  http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=13863&categ=&expand=&file=view_article.tp
 
Diid baaq qabiil iyo magac lagugu dago...Haddii lagu yidhi Gabileyeey Axmed Yaasiin u hiili oo ka hiili Saylici...sow ma aha inaad Axmed Siilaanyana u hiiliso ood ka hiiliso Daahir...waa fikir iska hor-imanaaya, ee diid oo murashixiinta ku qiimee kuwa UDUB waxay qabteen illeen barnaamaj ma lehee, kuwa Kulmiyena barnaamajka ay la yimaadeen iyo waxii ay maalin iyo habeen xumaan ay ka dirireen sideedii sano ee ushaada lagugu garaacaayey. UDUB waa taariikhda kow xisbi doorasho u taagan oo xukun haya oon lahayn branaamaj, aan lahayn Gole Dhexe, aan lahayn Gole Fulineed...diid oo diid oo maya dhe, maya 5 sano oo saxriirkii ina soo maray ah, maya dastuur ku tumasho, maya xabsi aan maxkamad lahayn, maya miisaaniyad aan xisaab celin lahayn...maya oo kumaakun jeer maya...Haa waa isbedel aan shakhsi ahayn ee nidaam ah, hab iyo dhaqan wanaag ah, ee U CODEE KULMIYEE, ISAGAA KU HABBOON HOGGAAN HIMMILADAADA KU GAADHSIIYA...  
 
Aan idinku dhaafo rajo xumada UDUB iyo huga-iska-tuurka hoggaankooda sida kaftanka ah ee Dhanjiir u sawiray. Waa xaqiiq si xarfad leh loo yidhi, Waan idiin baaqay idiina nasteexeeyey, Allena igu ogyahay inaan wanaag iyo barwaaqo idinla jecelay dhammaantiin reer Soomaliland. Somaliland waa dal wacan oo dadkiisu samir badan yahay, u baahan hoggaan aqoon, caqli iyo daacadnimo ugu ageeda. ILa qaado inaynu codkeena ku ciilbaxno, inaan kuwa talo ka yaqaan inay waxeena inagu laaluushaan ku nidhaahno maya oo maya, mano geyno....MUWAADIN MAANTA AYAAD MINDIDA DAABKEEDA HAYSAA EE HAYSKU QALOOCIN...DIID QAYBI OO XUKUN CODKAAGA KU CIIL BAX...WAA MAALINTA CODKA IYO HOGGAAN WACAN WAA 26 JUUN IYO ADIGOO CODKAAGA SIIYA KULMIYE...
 
Dhanxiir oo ka yaabay dacaayada ololaha doorashada ee UDUB

Waaryaadhaheen qoladan UDUB-ta ee hoonku kaga dhegay mucaaridbaa argagixiso ah iyo KULMIYE ayaa Al-shabaab xidhiidh la wadaaga tallaw yaa yidhaahda 'arrintu yaanay sheegaa ma dhaafto noqone maydin iska aamusi.' Mise taagga olole ayey ka dhex baadhbaadhayaan, Siciid Sulub baa la ogaa wacdarihii ka qabsaday mucaardibaa argagixisee waxaan ka baqaaya haday sii wadaan in UDUB-ta dhiiga lihi fara saarto.

Weger; Adeer; UDUB qoloftii sumcadaa ka dhacday oo cay iyo ammaan midna cod ku heli maysee waxaad ka warantaa wadaadkan Aw Rayaale ee Ceerigaabo iyo ceelka Hargeysa lug ku mari waayey ma bahalaa jooga lagu yidhi mise dhagaxaantii dhallanteeda ahaa ee uu meelaaha dhigdhigay ayuu is yidhi waad ku turaan turoon oo cirkaanad dhagax dhigine iska mar.

Xig: Jaamhuuriya

 
 
 


--
Posted By Samotalis to GARGAAR at 6/17/2010 10:42:00 AM

1 comment:

  1. Hello Everybody,
    My name is Mrs Sharon Sim. I live in Singapore and i am a happy woman today? and i told my self that any lender that rescue my family from our poor situation, i will refer any person that is looking for loan to him, he gave me happiness to me and my family, i was in need of a loan of S$250,000.00 to start my life all over as i am a single mother with 3 kids I met this honest and GOD fearing man loan lender that help me with a loan of S$250,000.00 SG. Dollar, he is a GOD fearing man, if you are in need of loan and you will pay back the loan please contact him tell him that is Mrs Sharon, that refer you to him. contact Dr Purva Pius,via email:(urgentloan22@gmail.com) Thank you.

    BORROWERS APPLICATION DETAILS


    1. Name Of Applicant in Full:……..
    2. Telephone Numbers:……….
    3. Address and Location:…….
    4. Amount in request………..
    5. Repayment Period:………..
    6. Purpose Of Loan………….
    7. country…………………
    8. phone…………………..
    9. occupation………………
    10.age/sex…………………
    11.Monthly Income…………..
    12.Email……………..

    Regards.
    Managements
    Email Kindly Contact: urgentloan22@gmail.com

    ReplyDelete