Thursday, June 24, 2010

CODKAAGA KU CIIL BAX...DHAMMAAD IYO DARDAARAN

CODKAAGA KU CIIL BAX...DHAMMAAD IYO DARDAARAN
Ahmed Arwo

Waxay ahayd shan sano iyo dheeraad kolkii taxanaha CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON aan bilaabay. Waxay ahyd digniin muhiim ah oo ay ahayd in la hubsado si loo helo barlamaan tayo ah oo meel mariya masiirka ummadda, la xisaabtama xukuumadda. Waxa dhacday in reero loo soo xulay laguna doortay. Waxa dhacday in colkii UDUB halkay xukuumadda ka toosin lahaayeen noqdeen qaar gar iyo gardaraba ku raaca, oo ilooba muhimka ay leedaha la xisaabtanku.

Taasi waxay dhaxalsiisay in golaha Wakiiladu noqdo gole doodo keliya ooyna waxba ka soo bixin, xukuumaddina waxay noqotay gardarro garab og. Waxa soo raacay in xilka ay qabteen mas'uuliin Wasiiro leh, Aagaasimayaal leh, Madax boolis leh, Madax Ciidan leh oo iyana loola dhaqmo si ay u adeegaan xukuumadda ooy marar badan baal maraa xilka loo dhaarshay, iyagoo mas'uuliyaddii qaranku ku soo uruurtay difaaca xaq-darro ee Madaxweyne Riyaale. Awooddii oo dhammi waxay ku uruurtay gacanta Riyaale. Isagoon weli dibinta furin ayey kolka farto dhaqaaqdo wasiiradu kor u boodaan oo midba kan kale ka horarsadaa raaligelin aan weli waxay tahay ayna dhab u fahmin.

Dalku waxuu noqday guri qof leeyahay, qabnigii ummaddu sidoo kale. Haddaba kolka xaal halkaas maray ayaan bilaabay taxan kale oo ugu baaqay intii Codkoodu Cadow Ku Noqday inay guntadaan oo waxaan bilaabay CODKAAGA KU CIIL BAX...kaas oon halkan ku soo afmeeraayo manta.

Uma baahnid xusuus fog, oo waxa kaaga filan duruufaha iyo dhacdooyinka ayaamhan taagan. Maxay arkeen tiirarka UDUB ee ka daadanaa markabka sii degaaya. Waa astaan iyo saadaal wacan oo waa dhammaadkii mugda muddada dheer inagu habsaday Insha Allah. 

CAWRALEEY CAGO

Ku xusuuso ..Dhiilkeyga wax yar ayaa dhimman ee koodu wuu madhanyahay..macnahu waa codkaaga waxaan ku iibsanayaa lacagaada. Waxaan kugu karbaashayaa ushaada, waxaan kaa dhigi nin haraaddan oo ceelkiisa aan keli dhaansanaayo, waxaan haystaa rag gacamaha aan u caseeyey aan cid kale aqoon anigi mooyee. Mey noqon oo colkii uu gacamaha u caseeyey intii dareen ku sii hadhay wey garatay inuu markabku degaayo. Waxay la noqotay ka boodoo illeyn naftu orod ayey kugu aamintaa ee yaan laguuga dul iman. Waa Wasiiro cararaaya, waa Xildhibaano Wakiilo oo cararaaya, Waa Xildhibaano Degaan oo cararaaya, Waa tiirarkii xisbiga UDUB oo dhalin leh, oo haween leh, oo waayeel leh, waa salaadiin iyo cuqaal.  

Horaan u idhi Yaa ku hadhay UDUB. Maan filayn in ilaa maalinta doorashada UDUB soo dindimi doonto waxaan filaayey in ay leedhay rag iyo dumar ku adag oo tiro badan, wey jiraan weyse yaryihiin oo waa tan weli soo yaaceysa.

Xusuuso xukuumadda 55ka dhaaftay, xusuuso tayadooda, xusuuso qoraal la,aanta shirkooda, xusuuso ciidanka iyo booliska derejo ka maqantay, mushahar aan helin, xusuuso lacagta qiima jibtay oo dib u noqo oo eeg inta uu joogay koobka shaahu kolkuu xilka la wareegay iyo intuu manta maraayo, xusuuso Sool iyo Sanaag bari iyo inta lacag loo uruuriyey iyo halkay martay.Xusuuso biriij keliya ee Hargeysa lacagtii laga uruuriyey ciyaalo iskuulka ilaa tujaarta iyo halkay martay.

Diid UDUB OO KU DIID ARRIMAHAN:

  1. DIID DAACAD LA'AANTA
  2. DIID DAYACA
  3. DIID DALASIGA
  4. DIID DULAYSIGA
  5. DIID DULMIGA
  6. DIID DAROJO L'AANTA
  7. DIID DIBUSOCDNIMADA
  8. DIID DIRAA DIREYNTA
  9. DIID DIIFTA
  10. DIID DUURJOOGTA LA GUMAADAY
  11. DIID DARIIQ LA'AANTA
  12. DIID DARYEEL LA'AANTA
  13. DIID DAMQASHO LA'AANTA
  14. DIID XAALKA DEKEDDA BERBERA
  15. DIID BALAN BEEN AH
  16. DIID LAALUUSH IYO LA-XISAABTAN LA'AAN

Waa ayaan xornimo mid taariikhi ah oo ah ayaantii gumeysigii caddaa ka huleelay dalkeena, waa sharaf kale oo loo huwiyey ayaantaas 26 Juun 2010 waa maalinta masiirka ummadda aad u gurman karto, aad badbaadin karto, aad intaas oo diidmo mudan ee dusha ku qoran aad ka xorreyn karto dalka, Waa mustaqbalkii ummadda, waa adigoo u hura codkaaga, oo ku ciil baxa codkaaga. Sii KULMIYE oo noqo ruux ku dhiirada isbedelka dhabta ah. Ha khasaarin oo ha siin cid aan soo baxayn iyo meel aan jirin. Ha ka seexan oo yaan aamuskaagu inagu keenin UDUB. Ha noqon nin gacantiisa isku gawraca. Isagu gee awoodaada inaad hesho cod buuxa oo isbedel dhalin kara.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,

Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah

 

 

Ahmed Arwo

 

samotalis@gmail.com

 

JOIN SAMOTALIS Page AT:

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589

http://samotalis.blogspot.com/

 

1 comment:

  1. Hello Everybody,
    My name is Mrs Sharon Sim. I live in Singapore and i am a happy woman today? and i told my self that any lender that rescue my family from our poor situation, i will refer any person that is looking for loan to him, he gave me happiness to me and my family, i was in need of a loan of S$250,000.00 to start my life all over as i am a single mother with 3 kids I met this honest and GOD fearing man loan lender that help me with a loan of S$250,000.00 SG. Dollar, he is a GOD fearing man, if you are in need of loan and you will pay back the loan please contact him tell him that is Mrs Sharon, that refer you to him. contact Dr Purva Pius,via email:(urgentloan22@gmail.com) Thank you.

    BORROWERS APPLICATION DETAILS


    1. Name Of Applicant in Full:……..
    2. Telephone Numbers:……….
    3. Address and Location:…….
    4. Amount in request………..
    5. Repayment Period:………..
    6. Purpose Of Loan………….
    7. country…………………
    8. phone…………………..
    9. occupation………………
    10.age/sex…………………
    11.Monthly Income…………..
    12.Email……………..

    Regards.
    Managements
    Email Kindly Contact: urgentloan22@gmail.com

    ReplyDelete