Wednesday, June 16, 2010

“Saaxiibbadii UDUB Waxaan Leeyahay Carrabkiina iyo Calooshiina Iswaafajiya” Guddoomiyihii degmada Boorama ee xisbiga UDUB ee iscasilay

"Saaxiibbadii UDUB Waxaan Leeyahay Carrabkiina iyo Calooshiina Iswaafajiya" Guddoomiyihii degmada Boorama ee xisbiga UDUB ee iscasilay

Boorama (Jam)- Guddoomiyihii degmada Boorama ee xisbul-xaakimka UDUB ee dhowaan xilka iska casilay Mr. Maxamed Aadan Suldaan, ayaa markii ugu horreysay tafaasiil ka bixiyey asbaabihii ku kellifay inuu iska casilo xilkii iyo xubinnimadii UDUB, isla markaana ku biiro xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Qoraal kooban oo Mr. Suldaan ku soo bandhigay dhawr arrimood oo sabab ahaa iscasilaaddiisii uu fagaaraha kaga dhawaaqay iyo dhaliilo kulul oo uu xambaariyey xisbiga uu ka digorogtay ee UDUB oo uu shalay soo gaadhsiiyey xafiiska Jamhuuriya ee magaalada Boorama, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

"Muddadii aan shaqada UDUB hayay waxaan geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay in aan cod u soo hooyo xisbiga, taasoo aannu kala jeclayn UDUB-taan ka imi ma lahayn ajende siyaasadeed oo dhaafsan maxwaynahaa reer Boorama ah, hoggaanka sare ee xisbiga in cod loo ururiyo iyo inaan loo ururin.

Run ahaantii su'aalaha ugu badnaa ee ay iwaydiinayeen reer Boorama waxay ahaayeen; guddoomiye, mee barnaamijkii qornaa ee siyaasaseed ee xisbiga su'aashaasi taageerayaashu waxay nagu noqotay goob damqasho. Markaan su'aashaa madaxda sare ee UDUB waydiinana waxay noogu jawaabi jireen weli waa la qorayaa barnaamijkii siyaasadeed, runtiina ilaa maanta oo ololihii gebagebo yahayna waa la qorayaa.

Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee aan UDUB ku arkay muddadii aan shaqada hayey waxa ka mid ah; waxaan ku arkay dad aan ku tilmaami karo jilayaal xarfaan ku ah hanashada dhegaha iyo maskaxda masuuliyiinta sare ee madaxtooyada Somaliland looga taliyo, waxaanay masuul kastoo xisbiga ah ka bixiyaan hadba sawirka dani ugu jirto, taasoo ay ku camalfalaan iyagoon ka fiirsan, dhab ahaanna hab-dhaqankaasi waa ka maanta UDUB ka lumiyay codadki ugu badnaa ee dalka, isla markaana sababay in madaxda UDUB ka khajilaan fagaare walba oo ay isa soo taagaan.

Runtii UDUB waxaan uga tegay shaqsiyaad ujeeddadooda siyaasadeed ahayd madaxwaynaha ayaannu isku reernahay.

Ugu dambayn, waxaan la dardaarmayaa saaxiibbadaydii xisbiga UDUB ee Sabtidii khayriyada Boorama ka hadlay, waxaanan leeyahay saaxiibbayaal socdaalkayga waynu isku ogayn, waxaanan jeclaan lahaa inaad carrabkiina iyo calooshiina iswaafajisaan, naftuna waxay jeceshahay siisaan, ragna hadduu kala tego yooyootanku waa ku ceeb," ayuu yidhi Maxamed Aadan Suldaan.



Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment