Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Oo Furfuray Calanka Kulmiye Oo Laga Taagay Guri Kasoo Horjeeda Madaxtooyada Hargeysa June 1, 2010 (Haatuf) -Calanka Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shalay duhurkii laga hortaagay Guriga ka soo horjeeda Afaafka hore ee laga galo xarunta Madaxtooyadda Somaliland ee hore loo odhan jiray Ex kULMIYE Hotel, taasoo xummad kulul ku noqotay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB, islamarkaana xiisad ka dhex abuuray qoyska guriga degan ee leh iyo Taliyaha ciidanka Ilaalada madaxtooyada. Saacadu waxay ahayd 12; 40 markii gurigan ku beegan wajahada madaxtooyada oo ay leeyihiin Ilma Maxamed Ducaale (Ilma KULMIYE) mar kaliya lagu arkay calanka xisbiga KULMIYE oo ka dul bababanaya, kaasoo soo jiitay in badan oo ka mid ahaa dadweynihii waddada marayay oo ku soo baydhay, ka dib markii uu dareen gaara ku dhaliyey, hadaba weriyayaal ka tirsan wargeyska Haatuf oo marayay jidka wadada wadnaha ah oo kala dhexmara Guriga calamada Kulmiye laga taagay iyo dhismaha madaxtooyada, ayaa la kulmay iyadoo xaalada goobtaasi ay xaasaasiyada kicisay, ka dib markii Taliyaha Ilaalada Madaxtooyadu Abokor Sulub amar ku bxiyey in laga furo calamada.. Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda Abokor Sulub oo wata dhawr askari, ayaa tegay guriga calanka KULMIYE laga hortaagay, islamarkaana amar ku siiyey qaar ka mid ah dhallinyarada qoyska guriga degan oo ah kuwa mulkiyadiisa leh, inay furfuraan calamada. Hase ahaatee , dhallinyaradaas ayaa ku gacan-saydhay amarka taliyaha, kuna adkaystay inaanay ka furayn calanka ay guriga sudheen, maadaama uu yahay gurigoodii, xorna u yihiin inay taageeraan saddexda xisbi kay doonaan, taasoo ay ku doodeen dimuqraadiyada iyo distoorka Somaliland-ba u dammaanad qaadeen inay fikirkooda iyo cidda ay taageerayaanba xor u yihiin. Waxay wararku intaas ku darayaamn, in nin ;lagu magacaabo Axmed Yey oo ka mid ah Staff-ka madaxweyne Rayaale uu u yimid nin ka mid ah qoyska guriga degan, ku yidhi madaxweynaha ayaa kuu yeedhaya, islamarkaana uu u sheegay in madaxweynuhu lacagta ay u baahan yihiin uu bixinayo, balse aanay meesha cid ka kiraynin dabadeena la sheegay in uu diiday, ka dib waxa la soo diray taliyaha madaxtooyada ilaalada madaxtooyada Abokor Sulub oo qoyska guriga leh ku yidhi, calamada kulmiye ka fura madaxweynuhu lacag intaad doontaan ayuu idiin ogol yahay ee cid ha ka kiraynina, ka dib waxa la sheegay inay ka diideen arrinkaas xorna u yihiin gurigooda cida ay ka kiraynayaan. Intaa ka dib waxa la sheegay in Abokor Sulub taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyadu inta uu salaan soo qaaday uu isagu gacmihiisa ku soo furay ilaa shan calan oo Kulmiye ah oo dhismahaasi ka dul taagnaa, isaga oo waliba u dalbaday ciidanka bilayska si loo xidho qoyska degan guriga, ayaa saddex gaadhi oo booliis ah, islamarkaana ay la socdaan taliye Saqadhi iyo C/llaahi Fadal xalay yimaadeen goobtaasi, balse cabaar ka dib ka noqdeen ka dib markii dadka jiiraanka ahi sheegeen inaan rabshadi ka dhicin meesha arrinta calankana aan la buunbuunin ee ay caadi yihiin wax walba. Dhinaca kale Xasan Maxamed Ducaale oo ka mid ah mulkiilayaasha dhismaha oo xalay khadka Telephone-ka aanu wax kaga weydiinay arrinkaas ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sida ay wax u dhaceen, balse waxa uu hadal kooban ku yidhi "guriga anaga ayaa leh, xorna waanu u nahay, balse amarkii ciidanka madaxtooyada. waan la fuliyey calamadii Kulmiyena waa laga furay oo dawladaa furtay, anagu amarkii waanu qaadanay wax rabshad ahna maanu samayn" Ilaa xalay waxa kaamboolka gurigaasi ku sugnaa kooxo ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada oo halkaas gaadh ka hayay. |
COMPREHENSIVE, INSTANTLY UPDATED INTERNATIONAL NEWS PORTAL WITH DEEP ANALYSIS OF ALL SOMALI RELATED AFFAIRS, SPECIAL ATTENTION GIVEN TO SOMALILAND NEWS.
Tuesday, June 1, 2010
Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Oo Furfuray Calanka Kulmiye
__._,_.___
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment