Thursday, July 8, 2010

Maamulkii Udub ee Somaliland Ma Maxkamadbaa Lasoo Taagi?

Maamulkii Udub ee Somaliland Ma Maxkamadbaa Lasoo Taagi?
 
 
HARGEYSA – Maamulkii Dahir Rayale Kahin wuxuu taariikhda Somaliland iyo ta reer Awdalba noqday midkii ugu musmaasuqa iyo hanti boobka iyo isku dirka bulshada badnaa. Waxyaalaha uu maamulkaasi ku dhaqaaqay halkan laguma soo koobi karo afkana lama soo marin karo.
 
Dahir Rayale iyo Afadiisa Huda waxay faro galin ku hayeen arimaha gudaha ee qoysaska Somaliland inta ay siyaasadii ka yimaadeen – waxay u diideen dhalinyartii inay dhistaan Garoonka Biroole ee magaalada Borame; Dadkii lagu laayey Ceerbardaale Dahir Rayale kama hadlin. Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacadiin wuxuu siistay dhalasho Jabuuti si uu u dhoofi karo maanta marka maamulka laga qaado.
 
Wuxuu samaystay maamul hooseedyo shacabka u basaasa una curyaamiya si ayna madaxa marnaba ula kicin. Hadaba maamulkaa waxa dhibta ugu wayn ku hayey Dahir Rayale iyo Badhasaabkii Gobolka Awdal – Maxamud Cabdilahi Cige oo la sheegay inuu dhinaca Itoobiya u cararay.
 
Iyadoo dhinaca gobolada kale ee dalka dhibaatadan oo kale ay ka jirtay – hadana kaliya waxaan halkan ku falanqaynaynaa Awdal. Maamulka Axmed Siiraanyo iyo Cabdiraxman Saylici waxa la gudboon inay talaabo wax ku ool ah ka qaadaan sidii ay maamulkaa xaaraanta ahaa ee Dahir Rayale sharciga la tiigsadaan – baadhitaana ku sameeyaan hantida ay boobeen inta ay dhan tahay. Sidoo kale xukuumadaha dalka Somaliland ku wareegsan waa in ka codsadaan inay lacagtaa ay dhaceen lagu soow areejiyo shacabka Somalilanad. Inkastoo Jabuuti la sheegay in wasiirkii maaliyada ee Rayale u diiday dhawr Milyan oo ay u hayeen. Waana talaabo sax ah oo xukuumada Jabuuti qaadatay.
 
Maamulka Rayale aad ayuu ugu xididaystay Awdal sidaasi darteed doorashadii way ku shubteen iyagoo tirada shacabkana hoos u dhigay si ay dadka uga jeediyaan guusha runta ah oo ah in maanta Somaliland ay mar labaad xor tahay.
 
Sanaadiiqda waxa maamulayey maamul dhawr iyo toban sano soo jiray oo ku caan baxay musuqmaasuq iyo wax is dhaafdhaafin. Markaa natiijada Awdal kasoo baxday ma'aha mid sax 100% la odhan karo – faraska iyo gagadaba waa la hayaa -doorashooyin badani way hadheen.
 
Jawaabtuna waa horta in maamulka Rayale maxkamad lasoo taagaa oo la cadeeyaa inay danbi galeen iyo in kale si maamul danbe u samayn waxay dhib gaysteen. Waana digniin ku socota maamulka cusub.
 
Saylicipress.net

No comments:

Post a Comment