Wednesday, July 28, 2010

Somaliland: Dareenkii Ka Qaybgalayaasha, Dhoolla-caddayntii Labada Madaxweyne iyo Jawigii Madasha Xil-wareejinta Ee Maanta!

Somaliland: Dareenkii Ka Qaybgalayaasha, Dhoolla-caddayntii Labada Madaxweyne iyo Jawigii Madasha Xil-wareejinta Ee Maanta!
posted by: mursal

Hargeysa(Togaherer.com):- Waxa aad loo adkeeyey guud ahaanba ammaanka Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan Kaamboolka qasriga, waxa la qurxiyey dhismaha xarunta iyo inta ka ag-dhaw, waxa si habsami ah oo habaysan loo wadhay Kuraasi barxadda dhexe ee gudaha dayrka oo dabcan aad loo sii rusheeyey.

Dadka madasha joogay waxay ahaayeen guud ahaan kuwo qiiro-farxad, qosol, dhoolla-caddayn iyo bilicda dharkaba ka siman oo la wadaagay madasha. Waxay dhagaha dadku maqlayeen Muusiga astaanta u ah Heesta Calanka Somaliland oo ay kaga sanqadhinayeen Ciidamada Booliska qaybta Muusikada ee Bamboyda loo yaqaanno oo si hagar la'aan ah ugaga hadliyey qalabkooda. Meel kale maaha ee madashu waa qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ka sokow Musiga Bamboyda waxay dhagahaagu maqlayeen sacab iyo mashxarad dareenka farxadda awgeed ku lammaanaa oo sacabbo aan beryahaa is taaban isu keenay.

Goobo kala dambeeya ayaa Ciidamadu dadka ku joojinayeen, isla markaana lagu baadhayey, qalabka wax sheega iyo gacantaba, baytal-qasiidka Madasha loo qurxiyey ma qarsoona, oo dabcan waxa ka dhacaysa gudaha madaxtooyada Munaasibad ballaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo ay xilka kula wareegayeen Madaxweynaha shaqada ka tagaya ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sidoo kalena lagu dhaarinayay Madaxweynaha la doortay iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Waxaana Xafladdaasi ka soo qaybgalay, labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegay iyo Ku-xigeennadooda ka sokow, Shirguddoonna Golayaasha Baarlamaanka, Golaha Xukuumadda, Guddiga doorashooyinka, Maxkamadda sare, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda Somaliland, Wufuud ka kala socotay waddamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Goob-joogayaal iyo Wakiillo waddamada caalamka ka socoday, aqoonyahaniin, abwaaniin iyo Marti-sharaf kale.

Madaxweynaha shaqada ka tagaya iyo ku-xigeenkiisa Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo si gooni gooni ah u socday ayaa ku soo galay Madaxtooyada Baabuurtooda gaarka ah wakhti saacaddu sagaalkii subaxnimo cagacagaynaysay. Sidoo kale, Madaxweynaha xilka la wareegayay iyo Ku-xigeenkiisa Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo galay wakhti daqiiqado yari ka hadhsanaayeen bilawga Xafladda oo loogu talagalay inay si rasmiya u bilaabanto 10:00-kii subaxnimo, 10:30-kii iyo badhkiina waxa bilaabantay Munaasibaddii oo lagu furay Aayado Quraan ah.

Intaasi ka dib, waxa soo kacay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Maxamed Siciid Xirsi (Oommane), waxaanu halkaasi ku dhaariyey Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo iyagu maanta noqday hoggaanka sharciga ah ee shan sano oo maanta ka bilaabanta hayn doona talada dalka Somaliland.

Dhaarinta ka dib, Madaxweynaha xilka wareejinayey Daahir Rayaale Kaahin, ayaa khudbaddiisii ugu dambaysay halkaasi ka jeediyey, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu maanta wareejinayo, si qalbi furan ah oo niyad-sami ahna ugu soo dhawaynayo Madaxweynaha la doortay. Isaga oo ballan-qaaday inuu daba istaagi doono oo uu la shaqayn doono. Waxaanu M. Rayaale u mahadceliyey Wufuudda munaasibaddaas uga yimi dalalka Jabuuti, Itoobiya, iyo meelo kaleba. Waxa kale oo uu Daahir Rayaale sheegay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ay rumoowday jidkii dheer oo uu sheegay in dimuquraaddiyadda Somaliland u soo martay.

Ugu dambayntii Madaxweynaha la doortay Axmed-Siilaanyo, ayaa isaguna khudbaddiisii ugu horreysay Madaxweynenimada inta loo dhaariyey, madashaasi ka jeediyey, waxaanu sidoo kale u mahadceliyey Madaxda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ee Weftiyada u soo diray ka qaybgalka Xafladda uu xilka kula wareegayey. Waxaanu sheegay inuu sinnaan, caddaalad iyo midnimo ku hoggaamin doono dalka mudda uu xilka hayo. Isla markaana waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Madaxweynaha talada ku wareejiyey iyo ku-xigeenkiisa.

Waxay labada Madaxweyne ee xilka isku wareejiyey iyo ku-xigeennadoodu ka qaateen salaan sharaf Cutubyo Ciidamada qalabka sida ka tirsan, iyaga oo ku dul-taagan roog cas oo la sii goglay. Madaxweynaha xilka wareejiyey Md. Rayaale, waxa uu ku baxay baabuurkiisa gaarka ah illaa gurigiisa gaarka ah ee uu hadda degay, halka Madaxweynaha xilka la wareegayna meel badhtamaha ahayd oo ay salaanta ku qaateen, isla markaana isku macasalaameeyeen labada Oday, ayuu Siilaanyo dib uga noqday isaga oo ku laabtay dhinaca dhismaha xafiisyada iyo guryaha Madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay dalka Somaliland ka dhacdo Xaflad tan oo kale ah oo ay xilka kula kala wareegayaan laba Madaxweyne oo la soo doortay oo is beddalaya. Madaxweynihii ugu horreeyey ee tan iyo markii Somaliland gooni-isu-taageeda lagu dhawaaqay 1991-kii ee shicibku soo doortaa ahaa Daahir Rayaale Kaahin oo siddeed sano xilka hayey, halka Madaxweynihii labaad ee shacabku soo doorteenna yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku guulaystay doorashadii 26 June 2010 Somaliland ka qabsoontay.

Togaherer.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment