Monday, September 13, 2010

Eng. Sabce Oo Ka Waramay Inuu Muddo Sanad Ah Meel Ku Hayey Caano Geel...

Eng. Sabce Oo Ka Waramay Inuu Muddo Sanad Ah Meel Ku Hayey Caano Geel, Sheegayna Inaan Wax Isbedel Ahi Ku Dhicin


Hargeysa September 13, 2010 (Haatuf) - Eng. Maxamed Axmed Cilmi (Sabce) oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa ka waramay inuu tijaabo ka qaaday sida caanaha Geelu isu bedeli karaan ama sida ay noqdaan marka in muddo ah meel lagu hayo, isagoo faahfaahin ka bixinaya waxa uu sheegay inuu muddo sanad ah isagu uu caagad ku shubay Caano Geel, islamarkaana uu dhigay oo ku xafiday meel gurigiisa ka mid ah, halkaas oo uu ugu talo galay.

Eng Sabce, waxa uu intaas ku daray in Ramadaantan baxday Ramadaanteedii kal hore uu caano Geel ku kaydiyey caagad kuwa biyaha ah (Moyo Saxo), islamarkaana uu hada ka soo qaaday, isagoo aan wax talaagad ah ku ridin qaboojisa, ayaa waxa uu intaasi ku daray in markii uu caagadii caanuhu ku jireen furka ka furay kadib caanihii eegay isaga oo ka filayay subag ama dux inay yeeshaan ama ay xumaadeen-ba, balse u tilmaamay inuu arkay caanihii sanadka yaalay oo siddoodii uu ku dhigay ah oo aan wax isbedel ahina ku dhicin.


Eng. Maxamed Axmed Sabce, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay soo booqday xarunta wargeyska Haatuf, isaga oo sidda caagadii caanaha uu ku shubay sanad ka hor, ayaa sidoo kale dhandhamiyey dad badana u bandhigay inay dhandhamiyaan caanahaasi, balse dhamaan isku raacay in aan wax isbedel ahi ku dhicin Caanahaasi.

Eng. Sabca oo arintaasi ka waramaya sababta caanaha Geella ku kalifay inuu muddo sanad ah meel ku ilaaliyo, waxa uu yidhi "Sida Ilaahay {SWT) Qur'aanka inoogu sheegay "Miyaanay eegayn ama u fiirsanayn abuurta Geella" . Sida imika aynu ka warqabno Geella waa hantideena, waa kaynu ku dhaadano weeye. Aduunweynhuna maanta wuu qirayaa caanaha geela iyo hilibka geelu faa'iidada ay u leeyihiin Bani'aadamka.

Hadaba waxa igu kalifay caanahan inaan meel dhigo waxa weeye waxaan islahaa bal aad eegtid habka ay isu bedalaan oo subag ayaan ka dhex eegayay in subag ay noqdaan, waxaan arkay in subagiina u leeyahay caanihiina ay sidoodii yihiin, wax dhadhan ah oo iska bedalayna sanadkaa aanay jirin, waxaan filayaa haddii sanad kalena sii yaalaan inay la mid noqon doonaan oo waliba ay ka sii wanaagsanaan doonaan"


Waxa uu intaa ku daray "Waxaan ku kaydiyay, Talaagad kumaan ridin ee waxaan ku kaydiyay iyagoo sidoodaas ah ayaan dhigay meel qabow oo hadh leh oo sibidh leh dhigay oo gurigayga ah sidii baanay u yaaleen, waxaan dhigay Ramadaantan baxday Ramadaanteedii kal hore aqalkana reerkaygu joogay oo ilaalinayay si aan loo taaban lamana furin caagada ay ku jireen. caanahan xataa daboolka caagadu muu dilaacin ee sidii aan ugu xidhay furka ayay ahaayeen"

Eng Sabce,  waxa uu fariin u diray dadka aqoonta u leh geela inay aad uga sheekeeyaan ama ka faaloodaan geele iyo caanihiisa, hilibkiisa faa'iidada u leeyahay "

Waxanu intaa raaciyay "Hadaba waxaan jecelahay in raga geella yaqaana ee aqoonta u lihi ay ka sii sheekeeyaan, bal caanahan geela hada idinka (Haatuf) waxaan idiinku keenay bal qofkii doona inaad dhadhan-siisaan oo halaga faaloodo Caanaha geela iyo mucjisadiisa ee Ilaahay (swt) Qur'aankiisa Kariimka ah inoogu sheegay" Sidaas ayuu yidhi Eng Maxamed Axmed Cilmi (Sabce).

Dhinaca kale Geela oo ka mid ah mubaashiga bulshada Soomaalidu dhaqdaan ee kaalin muhiim ah kaga jira dhaqashada Geella iyo nolosha dadyowga Soomaalida ku dhaqan geeska Africa, islamarkaana gabayo iyo Suugaan farabadan laga tiriyay faa'iidada caanaha geela iyo hilibkiisa u leeyahay bani'aadamka iyo waliba wakhtiyada abaaruhu dhacaan kaalinta lagaga baxo.

Alle ha u naxariistee Cumar Ustareeliye gabay geela ka hadlayay u tiriyay, waxa ka mid ahaa tuducan: (Kolka ay abaaruhu dhacaan dhimatay geeley, Raga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geel).


Alle ha u naxariisto Cabdalle Maxamed Sag-sagaag fanaan weyn ahaa hees uu qaaday waxa ka mid ahaa (Geela marku dararan yahay laba nin duugtaaye).

Sidoo kale nin la odhan jiray Faarax Laan-jeer oo isaguna gabaya ahaa ayaa ka tiriyey gabay u ku sheegay heerka uu geelu ka taagnaa dadka Soomaalida waxa ka mid ahaa tuducyadan "Xinkii Dheeha lagu gawracay ayaan xiisadii hadhine

Xulafooyinkii horeba way kala xabaadheene, Xiitooy ma soo hoysan karo oday xagaystaye, haddii laygu xidho geelu Sow xubin rageed maaha} tuducyada gabayadaa ku jiray ayaa nuxur ahaan muujinaya sida uu Soomaalida ugu weyn yahay geelu.

No comments:

Post a Comment