Sunday, September 26, 2010

Hoos U Dhaca Sarifka Dollarka Oo Saamayn Ku Yeeshay Dadka Lacagaha Dibeda Looga Soo Diro

Hoos U Dhaca Sarifka Dollarka Oo Saamayn Ku Yeeshay Dadka Lacagaha Dibeda Looga Soo Diro Iyo Maceeshada Oo Wax Ku Kordha Mooyee Waxba Iska Bedelin

Hargeysa, September 26, 2010 (Haatuf) – Sarifka Dollarka Suuqyada Magaalada Hargeysa ayaa maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaya, kaas oo samaayn ku yeeshay dadka lacagaha dollarka loo soo diro iyo maceeshada quutal daruuriga oo uu iyadana saamayn ku yeeshay.

Hoos u dhacan ku yimid lacagta dollarka ayay dad badani u aanaynayaan in Kaashkii Shiling-ka Somaliland uu aad ugu yaraaday suuqyada ganacsiga ee Hargeysa, taas oo dad badani ay aaminsan yihiin in arintani ay ka timid dhinaca xukuumadda oo qaar ka mid shaqaalaha dawlada mushaharooyinkii ay bilihii tagay ku qaateen dollar, isla markaana Wasiirka cusubi uu sameeyey laba khasnadood oo ay ku kala dhacaan dollarka iyo Shiling Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee si aanu wax uga ogaano qiimaha Maceeshada ee hadda iyo Saamaynta uu suuqa ku yeeshay hoos u dhaca lacagta dollarka Maraykanku ayaa waxa aanu wax ka weydiinay Ganacsade Bakhaar ku haysta suuqa Hargeysa, kaas oo magacsiia la yidhaa Maxamed Iidaan.

Ugu horayn Maxamed Iidaan oo ka waramaya saamaynta hoos u dhaca dollarku uu ku yeeshay wax iibsigii suuqyada iyo maceeshada quutal daruuriga ayaa waxa uu yidhi "Saamayn wuu ku yeeshay oo badeecadii ayaa Somaliland ahaan ku korodhay, xataa dadkii suuqa ee Macaamiisha ayaa yaraaday ee wax iibsanayey, masalan halkii $10-ka uu ka ahaa 65,000Sl/shiling imikana $10-ka waxa uu noqonayaa 59,000Sl/shiling, markaa 6,000 ayaa ka dhex baxday $10-kii dollar, markaa $100 dollar $10 ayaa is dhimay, dadkiina way ka yabaalsan yihiin oo marka ay lacagtii soo sarifaan Khudradii waa ku qaali markaa dadkii way ka cabanayaan".

Mr. Maxamed Iidaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi "Sarifkan dollarka ee hoos u dhacay saamayn ayuu ku yeeshay dadka shacabka ah, balse Anaga ganacsato ahaan wax saamayn ah oo uu nagu yeelanayaa ma jirto oo imika daasadaa caanaha waxa aanu siinaa $13.5 waxa ku kordhay ma jiraan intii sarifku dollarku hoos u dhacay 13.5kii ayuun baanu siinaa, sarifka qofkii dollar ayuu sitaa oo dollar loo soo diraa ama dollar ayuu ku shaqeeyaa dollarkii marka uu sarifo dee $100-ba $10 baa ka go'aya, $100-kii la siin jiray 670,000 imika waxa lagu sarifayaa $100-kii dollar 590,000Sl/shiling".

Sonkor: Kiishka $41.2

Bariiska: Oomaar $29, Maaweel $27, Fartaag $32

Daqiiq: Masar $25.8,  Deero $25.8, Cuman $26.3, Rubi $25.7

Baasta: Maaweel $10.2, Altima ama Uutima $8.5, Basta Makarone Golda $10, Maweel $10.5.

Saliid 20Lt $21.2 "

Sidoo kale waxa aanu isagana dhinaca sarifka wax ka weydiinay Sarifle Maxamed Muxumed Yuusuf, kaas oo isna sarifle ku haysta suuqa magaalada Hargeysa waxaanu yidhi "Dhawr arimoodbaa horta ayaan ku salayn karnaa hoos u dhaca ku yimid dollarka, waa mida koobaade horta marka uu bilaabmo ganacsiga Adhiga Carafadu sida qaalibka ah hoos ayuu u dhacaa, ta kale horta xagii dawladdu waatan Kaashkii aad u xaraysay markaa Bangigii Kaash kama soo baxo, markaa anigu taas ayaan u sababayn karaa, xataa wasaaradaha qaar dad badan oo dollar sita ayaanu u sarifnay oo mushaharkii dollar lagu siiyey, markaa badeecaduna inay la socoto oo ay jabto ayaa fiicnaan lahayd. 

Maanta waxa weeyaan $1-ka dollar 5,900Sl/shiling markii uu u dheeraana waxa uu gaadhay 6,900Sl/shiling ayuu ahaa, Saaka oo kale (shalay) toban meheradood ayaan soo maray oo aan kaash u doontay meherad kaliya ayaan $350 Kaashkoodii aan soo helay qiyaaastina dhawr iyo toban meheradood waan soo maray, markaa kaashkii ayaan jirinba oo kaashkii baa aan soo baxayn ba. Haddii ay sidaa ku sii socoto wuu sii jabayaa oo dadkan dhaqaalahoodu ku xidhan yahay dibeda ayaa waxa soo wajahaya dhibaato dhaqaale.

HAATUF

No comments:

Post a Comment