Thursday, September 23, 2010

TACSI GEERIDA MARXUUM DHAMAC CAABI CAWAD

TACSI GEERIDA MARXUUM DHAMAC CAABI CAWAD

Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u diryaa Reer Cawad Bahdoon iyo tafeertooda daafaha dunida ku kala nool geerida naxdinta leh ee ku timid Dhamac Caabi Cawad oo Taar. 23/09/2010 lagu aasay magaalada Hargeysa.Waxaan sidoo kale tacsideynayaa xaaska marxuumka, ubad ito tafiirtiisa, ehel , asxaab, qaraabada, xigto iyo xigaal meel kasta ooy joogaanba, waxaan leeyahay samir iyo iimaan. 

Oday Dhamac oo muddo dheer bukay, waxuu ahaa nin samir badan oon kolna ka caban xanuunka ragaadsaday, nin cibaado badan oon tusbax iyo tasbiix laga waayin, salaada ilaa yareentii oogi jiray. Oday naxariis badan oo dadka xidhiidhiya, nabad jecel oo ka hawlgala arrimaha nabadeynta iyo daminta khilaafadka bulsho. Waxuu ahaa nin ganacsi waa hore bilaabay oo meherado ku lahaa muddo dheer Hargeysa iyo Xarshin. Dhamac waxuu ahaa oday lagu yaqaanay odaynimo uu kaga hawl galo Gobalka Maroodi-Jeex iyo Gobalka Soomalida ee Itoobiya. 

Illaahay ha siiyo marxuum Dhamac Caabi Cawad naxariistiisa, hana ka yeelo kuwa uu ku manaysto Janatul Fardows, qabriga ha u nuuro, oo howga dhigo beer ka tirsan janada. Waxaan ka codsanayaa inta taqaan, iyo inta akhrisata tacsidanba inay u ducayso. Dhammaanna waxaan idin leeyahay samir iyo iimaan.      



Ahmed Arwo
Hargeysa
409 6421
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com


No comments:

Post a Comment