Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u diryaa reer Gaaxnuug Xaji Cabdillahi geerida ku timid inaabtigay Maxamed Xasan Gaaxnuug oo ku geeriyooday 30 Ramadan oo khamiis ah 9/09/2010 magaalada Riyaad ee Sacuudiga. Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa isagoo geeriyooday maalin barakaysan inuu naxariistiisa ku manaysto janatul fardows, xaas, ehel, walaalo iyo waalidba, qaraabo, xigto iyo xigaal iyo asxaaba meel kasta ooy joogaanba inuu waafajiyo ducada marxuumaka iyo samir.
Marxuum Maxamed waxuu ahaa nin dhalinyarro ah oo hawlgalay isagoo aad u yar, cibaado badan, hadal gaaban oo qalbi furan. Nin ummaddu ka nabad gashay oo waxtar mooyee aan cidna waxyeelo kula kicin.
Ahmed Hassan Arwo
Hargeysa +2522 4096421
samotalis@gmail.com
--
No comments:
Post a Comment