Monday, September 6, 2010

Wasiirkii hore ee Duulista oo markii ugu horreysay ka hadlay aragtidiisa xukuumadda

Wasiirkii hore ee Duulista oo markii ugu horreysay ka hadlay aragtidiisa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee talada kala wareegtay

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mr. Cali Maxamed Warancadde, ayaa markii u horreysay taageeray in la furo urur-siyaasadeed oo ka qaybgala tartanka doorashada golayaasha degaanka oo xukuummaddii uu ka tirsanaa ee talada dalka lagaga guulaystay si weyn uga soo horjeeday.

Mr. Warancadde waxa uu sheegay in furashada ururro siyaasadeed oo la tartama saddexda xisbi ee jiraa ay dani ugu jirto Somaliland, balse waxa uu ku baaqay in si mug leh looga dooddo ka hor inta aan la furin, waxaannu ugu baaqay wasiirradda Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi oo iyagu bilaabay doodda la xidhiidha furashada ururrada siyaasadda dhawr sanno ka hor.

Wasiirkii hore ee Duulistu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyey telefishanka madaxabannaan ee HCTV, kaasoo uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin aragtidiisa la xidhiidha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo dhisay, doorashooyinka golayaasha qaranka, xisbiga uu ka tirsan yahay ee UDUB iyo arrimo kale.

Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlayey aragtidiisa la xidhiidha in la furo ururro-siyaasadeed oo ka qaybgala doorashada golayaasha degaannada waxa uu yidhi; "Waxaad moodaa dad badani inay iminka danaynayaa inay u arkaan inay dan u tahay somaliland in ururrada la furo, anigu waxaan qabaa in aan saddexda xisbi ee maanta jiraa aanay laftoodu cunaha iskaga duubin oo aanay odhan taayada mooyee mid kaloo soconaysaa ma jirto, laakiin la eego, qoladan ku degdegaysa ee laga yaabo in aanay waxyaabaha ka iman kara ka fiirsana tooda noqon, balse arrintaas laga furo wadahadal oo dadka aqoonyahanka iyo axsaabtu ka doodaan, waayo mar walba innaga waxa inoo waxtar ah maaha inuu xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID uun jiraan, laakiin waxa inoo dan ah waxa dadkeenuna isku aaminayo, dimuqraadiyadeenana korinaya."

Waxaannu isweydiiyey sababta labada Wasiir ee Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha xukuumadda Siilaanyo oo ahaa labadii siyaasi ee bilaabay doodda furashada ururo-siyaasadeed ay kaga maarmeen damacoodii

"Waxa jiray rag odayaal ah [Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi] oo arrinta ururrada dhib badan iyo halgan dheer u soo galay oo lagu xidhay, laakiin beryahan hadalkoodii maan maqal inay ka hadheen iyo in kale, dee waxay kaga samreena maan garan, markaa laftooda in wax la waydiiyo iyagaaba bilaabaye haddii ay u arkeen in wixii ay ku kaceen aannu wanaagsanayn inay ummadda u sheegaan oo ay yidhaahdaan waar wixii aannu dalka hore ugu kicinay ee labadaa oday ee saaxiibaday bilaabeen, haddii uu wanaagsan yahayna ay iyagu qayb wayn ka qaataan bal hadda wannaaga ay ku arkeen in la furo ururrada," ayuu yidhi Warancadde.

Wasiirkii hore ee Duulista waxa kaloo uu ka hadlay aragtida uu ka qabo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaannu tilmaamay dhaliisha dhismaheeda, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Dhismaha xukuumadda anigu dhaliisha keliya ee aan u soo jeedinayaa waxa weeye, hadday dawladda cusub ku adkaysan lahayd shan iyo tobankii wasaaradood ee la soo jeediyey, waxaan qabaa inay nin walba quus-goyn u noqon lahayd, oo ay noqon lahayd waa shan iyo toban, Somaliland-na ma qaado ee cidda uu Madaxweynuhu u garto ee isagaa masuuliyaddaas leh ee uu soo magacaabo in lagu wada kalsoonaado, laakiin aniga oo og duruufta ninka madaxweynaha ah ee la doortay ha noqdo Madaxweynahan iminka ama Madaxweynihii hore'e culayska bulshadeenu ku leedahay, halkaa ka timi in la yar durkiyey mis-cirirtii, waa meesha anigu aragtidayda aan is leeyahay damac badan ayaa ka iman kara, waayo haddii shan iyo tobankii mid ama laba lagu kordhiyo waxa soo baxaysa arrintii qabiilka oo markaasaa la iswaydiinayaa oo waa ayo ninka lagu daray? Waa reer hebel."

Mar uu ka hadlayey doorashooyinka golayaasha degaannka iyo Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo dhammaantood isgaadhay, waxa uu sheegay in muddo sannad gudihii lagu qabto doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada, isla markaana qaabka Golaha Guurtidu lagu soo dooranayo laga wadahadlo, loona saaro guddi ka kooban aqoonyahan iyo siyaasiyiin.

Mr. Warancadde waxa uu shaaca ka qaaday in dib-u-habayn lagu samayn doono xisbiga uu ka tirsan yahay ee UDUB ee lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada dalka, isagoo sheegay in muddo saddex bilood gudahood ah golaha dhexe lagu soo dooran doono, isla markaana shirweynihii xisbiga dhawaan la qabto marka uu dalka dib ugu soo laabto guddoomiyaha xisbigaas oo ah Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Jamhuuriya

No comments:

Post a Comment