Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Marodijeex ee Xaaji Cali Bootaan Cabdi ka soo jeeday.
Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi oon saaxiibtinimada aabahay aan ku xusuusto, waxa noo dheer xididnimo iyo abtinimo. Marxuum Xaaji Cali waxa maanta oo sabti ah 02/10/2010 lagu aasay xabaalaha Masalaha ee Hargeysa.
Marxuum Xaaji Cali Bootaan Cabdi, cimrigiisu waxuu la dheeraday diin jaceyl iyo cibaado badan. Waxuu ahaa oday nabad doon ah, af-gaaban oon tasbiixda ka daalin iyo nin ganacsigu ka mashquulin camiraadda masaajidda. Waxaana laga dareemay sida maanta looga soo qayb galay aaskiisa, oo masjidka weyn ee Al-Huda inta la buuxiyey waliba debedda lagu tugaday, iyo khalqiga iskaga yimid daafaha magaalada oo min Madaxweyne ilaa dhalinyaro loo galbiyey ilaa iyo halka qabrigiisu ahaa oo ah MASALAHA, kuufurta Garoonka Dayuuradaha ee Hargeysa.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
Ahmed Arwo
Hargeysa 409 64 21
--
Posted By Samotalis to SAMOTALIS at 10/02/2010 09:19:00 PM
No comments:
Post a Comment