Wednesday, October 13, 2010

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil ayaa manta gurigiisa lagu dhex toogtay

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil ayaa manta gurigiisa lagu dhex toogtay mid ka mid ah Askartiisa gaar ka ah



Mid ka mid ah ilaalada Wasiirkii hore ee Maaliyadaa Xuseen Cali Ducaale Cawil ayaa manta barqadii ku dhex toogtay Guriga Cawil mid ka mid ah isla ilaaladiisa, kaasoo rasaas qudha kaga jaray.

Ilaa hada lama garanayo sababta Rasmiga ah ee ay isku dileen labada nine e ka tirsanaa ilaalada wasiirkii hore, hase yeeshee waxa la sheegay inaay isku af-dhaafeen lacag la sheegay in midkood loo dhiibay oo ah Gunadii ay ka qaadan jireen Wasaaradda Maaliyadda.

Ninka Dilka geystay oo lagu Naanayso Weyso ayaa la sheegay inuu baxsaday kadib markii uu Dilka fuliyay, waxaana baadi doonaya Ciidamadda Booliiska iyo Eheladooda maadaama sida la sheegay labada nin e e isdilay ay isku reer yihiin.

Source:Waheen

No comments:

Post a Comment