Thursday, November 25, 2010

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika oo Ka Wada Hadlay Qodobo Dhawr Ah

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiirka Ingiriiska U Qaabilsan Afrika oo Ka Wada Hadlay Qodobo Dhawr Ah

London (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hoggaaminayay ee socdaalka ku joogay magaalada London, ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Horumarinta Afrika u qaabilsan Britain Henry Bellingham, waxaanay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada Ingiriiska ee Somaliland ee dhinacyada kala duwan ee Dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo siyaasadaba.

Madaxweynuhu wuxuu Wasiirkaasi uga xog waramay xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la leedahay wadamada dariska, sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo caawa soo saaray Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah weftigaasi.

Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-"Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), oo booqasho ku jooga dalka boqortooyada Ingiriiiska, ayaa saaka Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingriiska kula kulmay Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabislan dalka Boqortooyada Ingiriiska Md. Henry Bellingham iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada.
Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan Britain Md Axmed Cumar Sangoore.
Madaxweynuhu wuxu uga xog waramay dedaalka Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto dhisme qaran oo ku taagan Dimuquraadiyad, cadaalad, Maamul wanaag, iyo horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay.

Wasiirka arrimaha Afrika ee Ingiriiska Md Bellingham, ayaa Somaliland ku amaanay dimuqraadiyada ka hanaqaaday iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon lahayd beesha caalamka. Waxa kale oo uu ka xog waraystay Madaxwaynaha iyo waftigiisa xidhiidhka Somaliland la leedahay waddamada deriska. Kulankan waxay labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodeen sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Barwaaqo sooranka ee Commentwealth, arrimaha Nabadgalyada, kor u qaadida mucaawimada dawladda Ingiriisku siiso Somaliland, iyo sidii dowladda Ingiriisku gacan uga geysan lahayd doorashooyinka Somaliland ee Baarlamaanka iyo Deegaanka.Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa kulanka ka dib waxay warbixin dheeraada oo la xidhiidha arrimaha nabadgalyada, budhcad badeeda iyo siyaasada mandaqada siiyeen hawlwadeenada wasaarada arrimaha dibada ee Ingiriiska.
Weftiga Madaxwaynuhu waxay isla galabta booqasho ku tageen Aqalka odoyaasha ee Barlamaanka (House of Lords), halkaas oo warbixin ay kula qaateen Weftiga Madaxwaynaha iyo Lord St. Johns of Bletso."

Somaliland.Org
Hargeysa

No comments:

Post a Comment