Monday, December 6, 2010

Ma Ogtahay In Sigaarka Lagu Daro Marka La Samaynaayo Walaxda La Yidhaahdo Ammoniak.....Taas Oo Keenta In Qofku Sigaarka Qabatimo Oo Uu Joojin Kari Waayo.

Ma Ogtahay In Sigaarka Lagu Daro Marka La Samaynaayo Walaxda La Yidhaahdo Ammoniak.....Taas Oo Keenta In Qofku Sigaarka Qabatimo Oo Uu Joojin Kari Waayo. 

Denmark (Copenhagen): Ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, Waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka, Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka iyo Tufta. sidaas awgeed waxa fiican in qof kastaa wax ka ogaado wax yaalaha laga qoro caafimaad-ka. 

Sherkeda la yidhaahdo Skandinavisk Tobakskompagni iyo sherkedo kale oo reer galbeed ah oo sheegay in ay ku daraan sigaarka walax dadka jeclaysiisa cabitaanka sigaarka ama keenta in uu qofku qabatimo sigaarka.

Sherkeda sigaarka samaysa ee la yidhaahdo Skandinavisk Tobakskompagni ayaa hadda qiratay in ay sigaarka ku darto walaxda "ammoniak" oo sahasha in nikotinka sigaarka ku jiraa uu si deg-deg ah jidhka ugu faafo, taas oo keenta in qofka sigaarka cabaa ay ku adkaato in uu sigaarka joojiyo. Sherkedani waxa ay intii hadda ka horraysay ku doodaysay in aanay sigaarka ku darin wax xidhiidh la leh walaxda ammoniak, hase yeeshee maareeyaha sherkeda ayaa hadda qiray in walaxdaas sigaarka lagu daro.
Waxaa hadda sherkadaas Skandinavisk Tobakskompagni lagu soo oogi doonaa dacwad la xidhiidha walxdan ay sigaarka ku darto ee dadka sigaarka jeclaysiinaysa, waxaana dacwadan ku soo oogaya nin maalintii 40 xabbo oo sigaar ah cabba oo u dhashay dalka Denmark.

By: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com 

No comments:

Post a Comment