Saturday, June 25, 2011

26 JUUN 1960 IYO TIMACADDE: KANA SIIB KANA SAAR

HANBALYO IYO BOGAADIN MAALINTA XORRIYADDA SOMALILAND

Ilaahay naxariistii Cabdillaahi Suldaan wuxuu gabaygan ka tiriyey beerta xoriyadda ee Hargaysa oo ahayd halkii lagu qabtay xafladii lagu soo dhowaynayey calankii mudada badan loo soo halgamayey ee hiil iyo hooba loo huray ahaana calankii ugu horeeyey ee dhul Soomaaliyeed laga taago, dhulkana lagu soo dhigay calankii gumaystaha Ingris ee inta badan sida xaqdarada ah uga babanayey ciidda Soomaaliland. Waa kan ereyadii taariikhiga ahaa iyo dareenkii daacadda ahaa ee abwaan Timacadde..is dul-tag oo qadar ku naso beyd kasta si aad u dhuuxdo murtida malabka ah ee ku daboolan.

26 JUUN 1960 IYO TIMACADDE: KANA SIIB KANA SAAR

 Anigoo sebi uun ahoo 
 Sita leeb iyo qaansoo 
 Siigaduun isku aasoo 
Sabo reer ka fogaanoon 
 Laygu aaminin soofkiyo 
 Saaca maanta aan joogno 
 Gabaygu waygu sugnaayee 
 Haddii aan Sarsarriigo 
 Ama aan surmaseejo 
Amaba aan sixi waayo 
 Ama aan ka salguuro 
 Amaba laygu saluugo 
 Soomaalida i maqlaysaay 
I su'aala hadhow

 Ilaahaan waxba seegine 
 Subaciisa Quraankiyo 
 Sabbaxooyin ku sheegayow 
 Saciira iyo naciima 
 Rabbiigii kala seerayow 
 Markay suurtu dhawaaqdo e 
 La soo saaro makhluuqa e 
 Shaqiga iyo saciidka 
 Maalintaad kala soocdo 
 Dembigaannu samaynay 
 Rabbigayow naga saamax

 Subciyay oo ka dukeeyaye 
 Ka siddeetan sebaaney 
 Calankaannu sugaynaye 
 Sahankiisa ahaynow 
 Seermaweydo hillaacdayow 
 Sagal maanta darroorayoo 
 Siigadii naga maydhayow 
 Saq dhexaannu ahayne 
 Kii soo saaray cadceeddow 
 Samada kii u ekaaye 
 xiddigaa mid la siiyayow 
 Saaxirkii kala guurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
 An siduu yahay eegno e 
 Kaana siib Kanna saar

 Saahidiinta lslaamka e 
 Subcisaa Jimcayaashiyo 
 Sibyaanta iyo haweenku 
 Calankay Saadinayeenow 
 Cidina kaanay na Siine 
 Saatir noogu yaboohayow 
 Saaxirkii kala guurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
Aan siduu yahay eegno e 
 Kaana siib kanna saar

 Sallaankii istiqaalkow 
 Sedadu kay ku xidhnaydow 
 Sayruukhii Afrikaadow 
 Saaxirkii kala guurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
 An siduu yahay eegno e 
 Kaana siib kanna saar

 San-ku-neefle dhammaantii 
 Khalqiga kii u sinnaayeen 
 Mid saaxiib la ahayne 
 Sangalkii iska diidayow 
 Saaxirkii kala guurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
 Aan siduu yahay eegno e 
 Kaana siib kanna saar

 Soomaloo iscunaysa oo 
 Saqda qaylo dhawaaqdiyo 
 Sulub laysu cabbaystiyo 
 Hadba soof la xabbaadhiyo 
 Saraayaa dami weydey 
 Kii laydhiisu na saaqdayow 
 Kii sadqeeyey qabaa'ile 
 Isu saaray gacmaa ee 
 Saf walaala ka yeelayow 
 Saaxirkii kala guurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
 An siduu yahay eegno e 
 Kaana siib kanna saar

 In sidayda tihiin iyo 
 In kalaanan saxaynine 
 Soomaloo calan taagta 
 Saakay noogu horraysa oo 
 Saddex wiig iyo maalmo 
 Haddaan Soor cuni waayo 
 Safrad laygama yaaboo 
 Sarina mayso naftayda e 
 Saaxirkii kala guurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
 An siduu yahay eegno e 
 Kaana siib kanna saar

 Nimankii na Siraayaye 
 Waaxwaax noo kala saaftaye 
 Solanaayey cadkeenna e 
 Innagoo dhexda suunku 
 Sabarkeenna qarqooray 
 Kii sedkeenna Cunaayaye 
 Sarartiisa ka muuqdaye 
 Surwaalkii ka yaraadaye 
 Daaro loo sibidheeyiyo 
 Sariiraa lagu seexdiyo 
 Kabadh suuf laga buuxshiyo 
 Mid baabuurka safeeyiyo 
 Aayad saarta carruuurtiyo 
 Sagaal boy iyo kuug iyo 
 Weliba seeksa lahaa 
 Kii saabaanka u laabayow 
 Saaxirkii kala gaurraye 
 Sarreeyow ma-nusqaamow 
 An siduu yahay eegno e 
 Kaana siib kanna saar

 Sawjarkaa hubka qaataye 
 Intuu soodhka ku taagey 
 U diyaara salaantiyo 
 Saraakiisha amraysaay 
 Sifihii isticmaarka 
 Ka siyaadiya maanta oo 
 Sibilkiinnan ag joogow 
 Sibirtiisa istaaga oo 
 Nin walbaan sigib beeloo 
 Sarow taaga gacmaa oo 
 Sacabkaysku garaaca oo 
 Nin walbow saddex goor 
 Subxaanow waa mahaddaa dheh

Subxaanow waa mahadaa 
Subxaanow waa mahadaa 
Subxaanow waa mahadaa!


 

No comments:

Post a Comment