Wednesday, June 8, 2011

G/Tallo Bixinta Oo Ku Baaqay Furista Ururada Siyaasadda, Soo Bandhigay Ra’yi Ururintii Ay Qaadeen

G/Tallo Bixinta Oo Ku Baaqay Furista Ururada Siyaasadda, Soo Bandhigay Ra'yi Ururintii Ay Qaadeen

Guddigu waxa kale oo ay ku tallo bixiyeen in la qabyo tiro shuruucda doorashooyinka, ururada siyaasada iyo xisbiyada.

War-murtiyeed Guddigu ku bayaamiyeen go'aankooda wuxuu u qornaa sidan:-

"Guddida ka soo tala bixinta furasahda Ururada Siyaadu waxaay Saxaafada u soo gudbinaynaa Warbixin kooban oo hordhac ah oo la xidhiidha Hawshii la noo xilsaartey oo ku saleysan tilmaamtii ku suntaneyd warqadii tirsigeedu ahaa JSL/M/MG/O8/399/03011 kuna taariikheysneyd, 14.03.011 qodobadan soo socdana xambaarsanayd:
1. (Cilmi Baadhis) Doodo iyo Rayi,ururin) la xidhiidha rabitaanka bulshada ee ururada siyaasada
2. Kasoo talo bixin baahida sharci ee ku geedaaman Ururada Siyaasada iyo Adkeynta hanaanka Dimiquraadiga ee ka hirgalay Jamhuuriyada Somaliland.
3. Daraasad ku saabsan Duruufaha Siyaasadeed Dhaqaale iyo Nabadgalyo ee saameynta ku yeelan kara Ururada Siyaasada.
Haddaba Gudidu waxay gudashada xilkaa u martay Talaabooyinkan soo socda:
A. Guddidu waxay isku martay Gobolada waaweyn ee Somaliland ee kala ah
Awadal, Maroodi_jeex. Saaxil. Togdheer. Sool. Sanaag. Iyadoo markaa Doodo u qabatey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Hogaamiye Dhaqameedyada, Culimaa udiinka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada, Jaamacadaha, iyo Guddiyo horumarineed, Iyadoo Guddidu u qabatey dadkaa doodo lagu waydiinayo rayigooda lagana buuxiyey Foom ay kaga jawaabayaan (Haa) iyo (Maya) (Midnaba) iyo sababaynta in Ururada Siyaasiga ah la furo.

Foomamkaas aan dadka ka buuxiney oo halbowle u ahaa talo bixintayada waxaanu tiriney maanta oo ay Taariikhdu tahay 07/06/11 intii horena way noo xidhnaayeen si aanu uuga badbaadno kutiri kuteenka.

B. Waxaa kale oo guddidu dhageysatay qoraaladii afar Sharciyaqaan oo ay u dirtay iney tallo iyo taxliil sharci soo siiyaan Guddida.
C. Waxaa kale oo Guddidu warbixin la xidhiidha Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabada, ka dhageysatay Haayadaha kala ah.

1. Koomishanka Doorashooyinka Qaranka
2. Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo
3. Dallada Sonsaf

Haddaba Markii la tiriyey Cododkii laga soo ururiyey Muwaadiniinta Somaliland oo tiradoodu dhantahay 1769 oo qof. Waxay u kala baxdey sidan:

Gobolka           Haa    Maya    Midna   Total
1: MaroodiJeex 190     302       11        503
2: Togdheer     157     132         0        289
3: Saaxil           91       94         5        190
4: Sanaag        208      66          2        276
5: Sool            185      39          9        233
6: Awdal          171     104         3        278
Total:             1002     737       30      1769

Halkaas waxaa ka muuqda in bulshada rabitaankeedu ubatay in Ururada Siyaasada la furo sida ka muuqada shaxada sare.
Haddaba markay guddigu yeelatay doodo dheer iyo falanqeyn ku saabsan Duruufaha la xidhiidha Sharciyada ,Geedi socodka Dimuqraadiyada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Nabadgalyada Somaliland waxay ku tallo bixineysaa:
1. In la qabyo tiro Sharuucda iyo Xeerarka Ururada Siyaasada, Xisbiyada, Doorashooyinka.
2. Dhisida Guddi Joogto ah oo qaabilsan Diwaangalinta Ururada Siyaasiga iyo ku ilaalinta Dimuqraadiyada Xisbiyada Gudahooda.
3. In lagu talo galo Kharashyadii ku bixi lahaa Furashada Ururada iyo Doorashooyinka
4. In wakhti 18 Bilood gudahood ah lagu hirgaliyo diwaangalinta Ururada iyo Qabsoomida Doorashada Deegaanka.
5. In la sameeyo Xeerkii Xisbiyada Qaranka (Political Part Act)

Gabogabo

ka dib markii aanu dhagaysanay talooyinka sharciyaqaano xeel-dheer u leh shuruucda dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, dareenka iyo doonista qaybaha kala duwan ee bulshada JSL, isla markaana dhunay sababaynta ay ku jaan gooyeen doonistooda, sidoo kalena darisnay saamayn ay arintani ku yeelan karto qodobadan soosocda:
? Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka
? Kobcinta hanaanka Demcracy-ga
? Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta
? Fidinta Maamulka
? Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay
? Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka
Waxay talada Gudidu soo jeedinaysaa ku sooo ururtay in lafuro Ururada Siyaasad doorashada golaha deegaan ee usoo horeysa, Golaha deegaanka ee maanta joogana waxa aanu ku talinaynaa in la kala diro lana magacaabo maayeero ku meel-gaadh ah.

Allaa Mahd leh

Mgacyada Gudida Saxeexa

Suleiman Ali Korea ——————————
Mahamed A/lahi Du'ale: ——————————
Barkhad Jama Hirsi: ——————————-
Suldan Axmed Daahir Muuse —————————
Xildh. Mahamoud Hirsi Farah —————————-
Maxamed Muuse Abees —————————–
Canab Cumar Ileeye —————————–
C/lahi Siciid Dheere ——————————
Xasan Xuseen Codyare ——————————–
Pro. Xusen Xasan Guleed ——————————–
Dr. Maxamed Cismaan Fadal ————————–
Amina C/lahi Axmed ——————————
Khadar Nour Aw Cabdi ——————————
Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi ———————————-
Jama Maxamoud Cigaal ———————————-
Sheikh Almis Sheikh Yaxye ———————————-"



No comments:

Post a Comment