Wednesday, June 22, 2011

Ururkii Nabadiidka Ahaa ee SSC oo Kala yaacay iyo Madaxdoodii oo Ku Soo Qulqulaya Shirka Ka ka bilaabmaya Widhwidh .

Ururkii Nabadiidka Ahaa ee SSC oo Kala yaacay iyo Madaxdoodii oo Ku Soo Qulqulaya Shirka Ka ka bilaabmaya Widhwidh .

Waxaa Magaalada Widhwidh Soo gaadhay Madax aad u tiro badan oo ka tirsanaa ururkii Nabad diidka ahaa ee SSC oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Ururkaasi Cabdirisaaq Gacamay iyo Madaxa Dhaqaalaha u qaabilsanaa Cismaan Xaaji Cali iyo Sadex sarkaal oo kale oo uu ku jiro Maxamed Case oo ahaa raga ugu cad cad ururkaasi.

Saraakiishan iyo Ciidanka ay wataan ayaa la sheegayaa in ay ka yimaadeen dhinacaa iyo xadka Somaliland la leedahay Puntland oo waayadaaba ay si qarsoodi ah ay u joogeen.

Xubnahan ayaa doonaya in ay ka qayb galaan shirkan ama gogoshan uu fidiyey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siirnyo taas oo uu ku doonayo in uu nabad waarta kaga aslaaxiyo gobolka Sool oo waayadan dambe nabad gelyadiisu foolxumayd .

Masuuliyiintan ka tirsan Ururka SCC ayaanay ogayn badiyaa dadkii taageeri jiray kuwaas oo si qarsoodi ah ay u soo mareen Magaalda Buuhoodle kadibna ay uga soo gudbeen Widhwidh.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale hore u sii joogay Madax dhaqameedyo ka socda Gobolka Sool iyo sidoo kale gobolada Dalka oo dhan sidoo kale waxaa ku sugan saraakiil hore uga timid ururkaasi oo uu ka mid yahay Col Kayse Cabdi Yuusuf oo dhawaan yimid dalka Somaliland sheegayna in uu sahan u yahay beesha uu ka soo jeedo iyo madax ka socodta Dowlada Somaliland ee fidisay Gogoshan.

Madax dhaqameedka ka soo jeeda gobolka Sool ayaa dhamaan beesha ay madaxda u yihiin u sheegay in ay shirkan ka soo qayb galaan taas oo ay sabab uga dhigeen in uu aayihiin iyo mustqabalkii gobolka Sool ku xidhan yahay.

Wixii warar ah ee ka soo kortdha kala soco
Warqabadka Togaherer.

No comments:

Post a Comment