Sunday, July 31, 2011

War Deg Deg ah:Golaha Wakiilada oo ansixiyey Xeerka Furashada Ururada Siyaasada

War Deg Deg ah:Golaha Wakiilada oo ansixiyey Xeerka Furashada Ururada Siyaasada

Fadhigii Saaka ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagu ansxiyey xeerka Furashada Ururda Siyaasada.

Fadhigan oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Ciro kana soo xaadireen 49 Mudane ayaa waxa u codeeyey Ansixinta Xeerkan 29 Mudane waxa diiday 4 mudane 15 Xildhibaana Way ka aamuseen Gudoomiyuhna Muu codayn, Sidaasaanu kua ansaxay Xeerku.

Ka hor intii aan codka la qaadin Ayaa madasha waxa ka dareeray 15 Xildhibaan oo ah kuwa lagu sheegay in ay ka aamuseen ansixinta Xeerka , Mudanayaasha ayaa ku kala qaybsanaa Aragtida ah sida codka loo qaadayo iyada oo xildhibaanada Qaarkood doonayeen in xeerka qodob qodob loogu codeeyo halka kuwa kalena ay wateen in si duuduub ah loogu codeeyo, iyada oo aakhirkii si duuduub ah lagu meel mariyey Xeerka Furashada Ururada Siyaasada.

No comments:

Post a Comment