XUS IYO XUSUUS SANADGUURADII KOWAAD EE HOGAANKA MADAXWEYNE AXMED SIILANYO
XUS IYO XUSUUS SANADGUURADII KOWAAD EE HOGAANKA MADAXWEYNE AXMED SIILANYO
By Ahmed Arwo
Waxa la gaadhay xus iyo xusuus. Waxa buuxsamay sanad intii shacbiweynaha Somaliland ay si buuxda ay xilka ugu dhiibeen Madaxweyne Axmed Maxamed. Waxa xusuus mudan farxadii iyo reynreyntii dadweynaha u heelanaa isbedelka, anna waxay ii ahayd mid gaar ah. Halgan dheer oo samir iyo dhabaradeeg lahaa ayaa guusha lagu hantay. Waa halgan gunta ku hayey himmiladii SNM iyo gobannimo la soo noqodkii qaranka. Waa mid loo dhintay, loo caydhoobay loona dhaawacmay. Waa halgan ujeedo cad leh welina socda. Waa dariiq dheer oo qayb weyn la soo mooday. Xilka Shacbigu u dhiibay sida deeqsinimada ah Madaxweyne Axmed waa birtilmaameed taariikhi ah oo ifiiminaysa dariiqa dheer ee halganka loo soo maray. Waxa laga soo baxay marxalad adag oo tijaabo ahayd. Tijaabo dimuquraadiyadda iyo horeusocod leh, dib u noqosho iyo kellitalis leh . Waxa loo soo baxay ban balaadhan oon qarsoodi lahayn.
Madx Siilanyo iyo Madx Konfur Sudan
Somaliland waxay cagta saartay dariiqii dimuquraadiyadda xilka qarsoodi laáan, dagaal la'aan, cadaalad iyo sinaan loogu tartamaayey. Waa la rooray oo la gucleeyey, waa la hadlay, oo la geeraaray, waa la shiray oo la showray, tab iyo xeelad sharciyeysan ayaa la dheelay, deedna waxa timid dharaartii shacbigu goáanka lahaa. Waa 26 Juune 2010…qof iyo codkiis, qof iyo garashadiis, qof iyo damiirkiis. Alle mahadii codku waxuu u batay dhankaan rabay iyo bartaan jeclaa. Meel waliba waa KULMIYE…ma iloobi karo degmadaan u dhashay iyo hooygayga waa degmada maalinta guusha magaca la wadaagta…DEGMADA 26KA JUUN EE HARGEYSA. Waxa laga codeeyey 97 sanduuq…mid walba KULMIYE waxuu ku laban labmaayey xisbiga UDUB…GOOB KELIYA XISBI AAN KULMIYE AHYNI KUMA GUULAYSAN. CODKOODU WAA KULMIYE BAS.
Bishii la sugaayey xil wareejintu waxay ahyd mid damaashad iyo dabaaldegga ay weheliso dhismihii xukuumadda iyo u diyaargarowgii kalaguurka. Si wacan oo qiimo leh ayaa xukuumaddii hore xilka ku wareejisay iyadoo si sharaf ah iyo maamuus loola kala wareegay Madaxtooyda.Waxa la helay xukuumad ogol la xisaabtan, wada-tashi iyo wadajirna ku goáan qaadata. Xukuumad cagta saartay dariiq u jeesta ka midho-dhalinta himilada shacbiga.
Waxa loo baqoolay xaqiijinta bulshada. Wax badan waa la qabtay, wax intaas ka badana waa la qaban karaayey, wax badanina wey ina sugayaan, qalad waxa loo yahay aadmi oo wuu dhacay, ma se aha mid la ag dhigi karo waxqabadka la hantay sanadkan. Waxqabadka lagama waayo qalad. Waxa la yidhaahdaa qalad waa ina daan weyne ee ma laga faa'ideystay. Qaladka waxa qayb weyn ka ah nidaamkii ragaadsanaa ee la dhaxlay, dhaqaale xumo ay wehelisay musuq iyo furaha la dhiibay oo khasnadiisu madhantay. Waa xafiisyo qalabka yaalaa caaraystay, siigo iyo habaas dul yaalo, guryo dunsan, meel fayoobi waa teelteel. Dariiq iska daa, biyo yaraan, daaro duugoobay oon daaqad iyo albaab lahayn oo iskuul ku sheegyo ah. Ku daa..dal dayacsan oo la ooyaaya waxqabad laáan, dal kii lahaa dayacay, la siistay wax afka gala iyo dhandhan maaleed. Waa xusuus si aynu u qiimayno waxqabadka manta, ma se aha mid saamaxaysa in xukuumadda cusubi ka gaabiso hawsheeda oo kol walba tii hore farta lagu fiiqdo. Wey wareejisay ooy boqooshay, maantana waxa xisaabtu tahay maxaa la qabtay iyo maxaa isbedelay?
Amiirka Kuwait iyo Madaxweyne Silanyo
Haddaba aan eegno waxqabadka xukuumadda.
Waxa marag ma doon ah inay sanadku ahaa mid guulo waaweyn la gaadhay. Guulo diblomaasi iyo arrimaha debedda kow ka dhe, Waxbarasho iyo bilaashaynta dugsiyada hoose dhe, jidadka iyo biriijyada dhe, halkee laga helaa mushahar boqolkiiba boqol kordha…askar iyo shaqaalaba ilaa xildhibaan..( Waxaan taas la qabin La-taliyaasha oo halkoodu lagu iloobay!)..Waxaan u soo qaaday iyadoo saaxiibadey aay dhowr jeer arrintan igu qabsadeen iyagoo leh… "dee La-taliyaashu kumaa jiraane maxaad inoo hafreysaa !!!."
Dhinaca kale nabadeentii Ciilbardaale iyo Kalshaale maxaa loo dhigaa, soo dhoweyntii Jabuuti, Itoobiya iyo Konforta Suudaan, tii Khaliijka ee Imaaradka iyo tii isku fuuqsatay ee Kuwait, iyana ku biiri durdurka furmay ee caalamku isaga gooshaaye daafaha Somaliland iyagoo wada taageero diblomaasi iyo mid dhaqaaleba. Ingris cagtaba kama qaato sowkan Wasiir Henry Bilngham maantuuna ka dhoofay, Yurub, Maraykan, Shiine ilaa Malaysia soo noqnoqtee ma naqaba u da'ay…haa waxa caalamku garaystay hab-maamul wanaaga xukuumadda iyo hano-qaadka dimuquraadiyada.Ma aragtay garoomada Berbera iyo Hargeysa kolka ay dayuuraddu kula cago dhigto sida loo bedelay, beeraha iyo kuraasta raaxada, ma gashay musqulihii aynu ogayn kal hore xaalkooda….Dhismayaasha muraayadda u ah tayada xukuumadda ma dhugatay…ka bilow qasriga Madaxtooyada, Wasaaradaha badankooda oo kow ka tahay Difaaca, Gudaha iyo Waxbarashada…ma maraty jidadka is-barbar socda ee buurtii dhagaxa iyo godku baabuurta cimrigooda soo gaabshay sida loo galay…waa waqooyiga Hargeysa…
Was.Debedda ee UK iyo Madaxweynaha
Ku dar dareenka dadweynaha ee toosay. Sowtan la dhaqaaqay ee loo jeestay dhismaha qaranka. Jidadka laga bilaabay isku xidhka magaalooyinka dalka. Waa Hargeysa ku xidh Burco..waa jid soo dhoweyn doona laba magaalo oo iyagoo 120 mile isu jira haddana cilaaq iyo kaftan kala fogeeyo, kolka socodku noqdo saacad iyo badh…dhaqaalaha kor u kacaaya waxa ka daran isdhexgalka iyo danwadaaga ka dhalan kara. Kaftan badan ayaa biinoobi doona…Dhanka bari u bax oo cidhibta saar isku xidhka Burco iyo Caynaba..waxa iyana dadweynahu ka hawl galeen dariiqa xeebta ee waqooyiga Hargeysa iyo dowga cad. Waxa labada dal qorsheeyeen isku xidhka Jabuuti iyo Hargeysa. Laamiyada magaalooyinka Berbera, Burco iyo Boorame oo la jaanqaaday kuwa Hargeysa ee dib loo cusbooneysiiyey. Daawo bilicda Biriijkii labaad ee Hargeysa, kuna taxtaxaash dhammeystirka jidkii Dila..mashaariic gaabis ahaa oo laga gun gaadhay.
Mowduucan ka bixi kari mayo ee aan soo kobo, oon idinku dhaafo inteena tafaasiil rabtaa inaydun akhridaan ood gujisaan linkyada hoose een ku soo guuriyey. Waxay isagu jiraan qoraalo, sawiro iyo videos. Akhris wacan, daawasho iyo dhegeysi.
Aan dib u jaleeco carqaladaha qof ahaan iyo qaran ahaanba sanadkan iyo marwalba ina horjooga. Qof ahaan wax badan oon rabay iimey suurtoobin, nolashaa sidaas ah. Dhaqan iyo caado aan la dhafayn bal se u baahan in laga gudbo ayaa wax badan inaga xidhaysa albaabo badan oon wax ku qaban lahayn. Xukun qaybsiga beeleysani waa xakame waxqabadka ka soo horjeeda, haddana ma aha mid qaladkiisa cid gaari leedahay..Waayo bulshada oo dhan gudo iyo qurbaba intooda badani waxay u fakirtaa Beesha maxaa xukuumadda ugu jira….haa wey habboontay waana waajib in lagu dhammaado bulsho ahaan…ma se aha in miisaan leysu qaato oo rodol rodol iyo wiqiyad leysla gaadho. Waxaan qabaa in carqaladda kowaad ahayd taas. Waa isla carqaladda KULMIYE la dhutiyey, waa isla iyada tan xukuumadda isagu keentay rag u baahan inay muddo is-bartaan. Halka dunidu ka dhisto xukuumad soo wada shaqaysay,istaqaan oo halhaleel u hawl geli karta. Waa mid ka dhalatay doonista bulshada kafadda la dabo taagan cidday xilka u dhiibeen oon siinayn fursad. Iyadaa keentay in xukuumaddu balaadhato oo koobistii meesha ka baxdo. Iyadaa keentay sarifka wasaaradihii hore loo balaadhiyey.
Bulshow weynu badhaadhnay, weynu guuleysanay, noloshu se waa geedi joogta ah, waa socod iyo shaqo, waa hawl iyo waxqabad. Ha socoto ee isbarbar qabta, is taageera, qaladka si miyir ah oo sharciyeysan u tilmaama, wey dhowday maalintii daafaha dumida calankeenu ka bidhbidhi lahaa, mantaba waxa weli ka muuqda Juba calankeenii oo u dhexeeya kan dalka UK iyo Sweden…wey dhowday ee duco iyo niyad san..Insha Allah.
Mid kale iyo codsi. Maanta Alle mahadii ayeynu joognaa ee Soomalida abaarta ba'ani hayso ee dad iyo duunyo dhammaanaysa, itaalkeena haba yaraadee waxaa habboon in wax loo qabto. Waa inaynu qurbe iyo gudaba iska uruurinaa dhaqaale aynu magaca Soomaliland ugu gargaarno. Waa waajib xukuumad iyo shacbiba ina saran, waana mid walaalnimo iyo dadnimaba. Waan ogahay in qof qof loo baxsho bal se waxa ku wacan in abaabul laga galo.
Bulshooy qabiil maxaynu ka yeelnaa, ina qaybi, oo tamar iyo tayadii xukuumadda wiiq oo wareen, xisbiyada soo dhexgel oo dheeli, ururadana waaba u abbo. Qalad la arko oo dhammaan la ogyahay oo haddana aan la hagaajinayn…waa qabiil ee dhalinyaro iyo waayeel aan la dagaalno. Qabiilku yaanu dhaafin isgarashada iyo qaraabo salaanka iyo samofalka. Yaanu noqon mid siyaasadda lagu saleeyo, goáanka xukuumadda lagu qaato, dhaqaalaha iyo qabniga lagu qaybsado, xisbiyada iyo ururada ha laga dhowro. Marxalad cusub iyo tartan xisbiyo ayaa bilabmay ee heynaga muuqato horumar iyo horusocod, yaan dib loo noqon.
Guji linkyadan oo ka bogo waxqabdkii sanadka ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed.
M/Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo lagu Kordhiyay Wasaarada Caafimaadka
WAXQABADKII XUKUUMADDA JANUARY-MARCH 2011 Q. SADEXAAD
HTTP://SAMOTALIS.BLOGSPOT.COM/2010/11/BOQOL-CISHO-BOQOL-WAX-QABAD-IYO.HTML
'BOQOL CISHO, BOQOL WAX QABAD IYO DHEERAAD'
Dardargelinta Cashuur bixinta.
Booqashadii Madaxweyne Siilaanyo ee Jabuuti..Daawasho wacan..VIDEO
Hanbalyo Madaxweynaha, xukuumadda, Kulmiye iyo shacbiweynaha Somaliland sanadguurada hogaanka Kulmiye talada dalka hayey. Munaasabaddan aan iyana dhammaan idinku hanbalyeeyo barakada bisha ramadaan ee ayaamahu ka hadhsan yihiin. Ramaadaan Mubaarak. Dhinaca kale aan u baaqo UCID inay dhowraan sharciyada xisbiga iyo kuwa qaranka. Hoggaan bedelku nidaam iyo sharciga ha loo maro, isqabashada xisbigu yeyna dhaafin xaydaanka iyo xerada xisbiga. Wadajirkiina ayey danta qaranku ku jirtaa.
Guul iyo Mahad Alle
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga
No comments:
Post a Comment