Monday, August 29, 2011

CIID MUBAARAK ..KU CIIDA CAAFIMAAD.


CIID MUBAARAK ..KU CIIDA CAAFIMAAD.
Ahmed Arwo

Waxa inoo dhammaatay bisha ugu kheyr badan bilaha, bishii quranka, bishii taraawiixda, bishii sadaqada, bishii naxariista, bishii soonka Alle, ee miskiin iyo maalqabeen ka sintay gaajada iyo haraadka. Waa mid ka markhaati ah midnamadeena iyo in jaceylka iyo cibaadada Alle ku dhisantay sinnaan. Waajib loo siman yahay iyo ajar la wado doonaayo.
  
Mahad oo dhan ALLE ayaa leh, ILAAHA inaga dhigay Muslim, ILAAHA inagu tilmaamay inaynu nahay ummadda ugu kheyr badan ummadaha, Waxa nasiib leh inta Alle waafajiyey soonka, taraawiixda iyo quraan akhriska, inta raacsatay sadaqad iyo quudinta saa'imiinta. 
Waxa iyana nasiib leh inteena caafimaad iyo nabad ku ciidaysa ee meel nabad iyo naruuro ah ku tukanaysa salaadda ciida, wadajir u akhriyeysa takbiirta cabsi laƔan. Waa nimco ay garanayaan inta ay ka maqantay.

Waa ayaan barakaysan oo Islaamku ku midoobay, caddaan, madow, maalqabeen, faqiir, taliye iyo loo taliye, wiil
iyo waayeel, rag iyo dumar. Waa kulan farxadeed, waa madal xarago, waa muuqaal Alle ka cabsi iyo muujinta midnimada Islaamka. Waa dabaaldeg iyo damaashada daafaha dunida camiray.

Waxa ina kala qaybiya wax kasta oo damac adduunyo ah. Tartan ganacsi, tartan siyaasadeed, ilaa tartan ciyaareed. Waxa ina mideeya diin iyo camal kasta oo leh kheyr ma guurta ah. Wanaag iyo walaalnimada diintu waa daawada keliya ee khilaaf kasta soo afjari karta, kolka sida Eebbe ina faray lagu camal falo, iyadoon
la qaloocin, waxna lagu darin, waxna laga saarin. 

Waxa dalkeena iyo mandaqadaba ka taagan abaar, gaajo iyo macaluul xun. Haddaba inagoo ogsoon in kumanaan danyari Somaliland ku dhibaateysan yihiin, haddana waa leys dhaamaa oo tan ugu xumi waa tan Soomaliya ka taagan ee aynu ku aragno shaashadaha tiifiiyada caalamkoo dhanna damaqday. Inagoon iloobayn fuqarada iyo masaakiinta gudaheena ku baahsan, ayey tahay inaynu sadaqada u fidino kuwa inaga sii liita. Waxa ku jira kheyr badan iyo masiibada ayaa lagaga badbaadaa. Waxaynu la baxno wax ka weyn ayuu Alle ina siin doonaa. Waxaan xusuustaa islaan dawarsanaysay oon xoogaa lacag ah u dhiibay ayaa waxa isasoo ag taagay nin weyn oo curyaan ah, intaanu daaqada gaadhiga i soo gaadhin ayey islaanti waxii aan siiyey badh siisay. Naxariista islaantaas waligey ma iloobi doono. Waa wanaag lagu daydo.

Waxa farxad gaar ah ii ah in baaq aan hore u soo jeediyey in Somaliland dad iyo dawladba ka qayb qaataan taakulinta Walaalaheena Soomaliya ku macaluushan in la hirgeliyey maal fiicana la qabtay, welina hawshu socoto. Haddaba inkasta oo qof qof ahaan qurbojoogu gacan fidiyey, haddana sida Guddiga ka soo yeedhay, waxa qurbojooga Somaliland laga filayaa taageero muuqata oo nidaamsan. Insha Allah weynu yeeli tilmaanta Guddiga Qaran ee u Gargaarka Dadka Tabaaleysan. Akhri oo guji Linkan http://samotalis.blogspot.com/2011/08/somaliland-oo-600-oo-kun-oo-dollar-u.html
Ka akhri linkan hoose maqaalkii aan hore u qoray.

Ciid mubarak Somaliland, dawlad iyo shacbiba, sidoo kale ciid muabarak dhammaan Soomaaliyey meel aad joogtanba. Alle haynu waafajiyo tubta toosan,. Allow na cafi oo noo naxariiso, Allow inta bugta daawee, inta baahan baahi tir, inta gaajeysan dhergi, inta halowsa soo hadee, Allow Islaamka u gargaar, halka colaadi ka jirto nabad ugu bedel, Allow xaqqa u hiili, Allow daalinka iyo dulmiga naga qabo. Aamiin.

Ciida ha leys cafiyo oo niyad san ha lagu wado ducaysto. Kheyrka aynu isla jeclaano, sharkana aynu wado nacno, xaqqa iyo daacadda aynu u hiilino, gar-darrada iyo dulmigana aan meel uga soo wada jeedno. Aan u damqano oon gargaarno inta inaga itaalka yar, inaga adduun yar, inaga caafimaad darran.


Nabad, caafimaad iyo barwaaqo Alle haynagu simo ciidan ciideeda iyo qaar kale oo badan. Aamiin.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.




No comments:

Post a Comment