Tuesday, September 27, 2011

13 Qof oo ku dhintay laba Baabuur Oo Daad ku qaaday Dooxa Agabar

13 Qof oo ku dhintay laba Baabuur Oo Daad ku qaaday Dooxa Agabar

Hargeysa (Somaliland.Org)-Alle ha u naxariistee waxa ku geeriyooday 13 qof oo 11 ka mid ahi dumar yihiin kadib markii ay  xalay laba gaadhi oo ah nooca Land Cruser-ka ah oo ka baxay magaalada Hargaysa kuna sii jeeday dalka Jabuuti uu daad xoogani ku qaaday dooxa weyn ee degmada Agabar oo ilaa konton Km dhinaca waqooyi kaga beegan caasimada Hargaysa.

waxaana  maydadkii la keenay galabta  Cisbitaalka guud ee caasimada Hargaysa. waxaa goobta uu khasaarahan balaadhan ee nafeed ka dhacay booqday Wefti ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo gaadiid badan oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa ka qayb qaatay sidii dadkii Mashaqadan ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmayba loogu soo qaadi lahaa Cisbitaalka guud ee Caasimada Hargaysa oo galabta la keenay.

Wasiiraddan ayaa qoysaskii ay ka baxeen 13-ka qof u diray dhambaal tacsi ah waxaanay  ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo.

Isugaynta tirada guud ee labadaas gaadhi saarnayd ayaa dhamayd 29 qof waxaana haatan dhaawacooda la dawaynayaa 16 qof oo ka badbaaday Masiibadaasi argagaxa badnayd,warku wuxuu intaasi ku darayaa in la xidhay labadii darawal ee labadaas baabuur watay isla markaana la baadhayo sababta keentay inay rakaab intaas le'eg ku biimeeyaan dooxa degmada Agabar

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Post a Comment