Monday, October 31, 2011

Xaaskii Marxuum Cigaal Oo Ka Warantay Dagaal Iyo Dulmi Ay Ka Tirsatay Rayaale Iyo Xisbiga Udub

Xaaskii Marxuum Cigaal Oo Ka Warantay Dagaal Iyo Dulmi Ay Ka Tirsatay Rayaale Iyo Xisbiga Udub

"Naxariistii aan ka waayay UDUB iyo Daahir Rayaale. waxaan ka helay Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa"

Hargeysa - Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Xaaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay dagaal iyo dulmi ay ka tirsanaysay dawladii Rayaale iyo xisbiga UDUB-ba.

Marwo Kaltuun waxay sidaasi ka sheegtay furitaankii xaflad xisbiga UDUB ku qabsaday Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa oo loogu magac daray toban guurada xisbiga iyo Kalfadhigii Golaha Dhexe.
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxa kale oo ay ka warantay aasaaskii xisbiga UDUB waxaanay tidhi "Waxaan filayaa maalintii ILAAHAY ha u naxariistee uu Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal ka furay shirweynihii aasaaska UDUB aqalka shaqaalaha waxa ka soo wareegtay toban sanadood, intaasi ka dib la iguma arag saaxad ay UDUB leedahay si ay u dhacdayba. Waxay ahayd bishii 3-dii Bishii May Khamiisa Cisbitaalka Milatariga ee Pretoria markii sakaraatul mowtkii ku qabtay Marxuumkii anagoo markaa kaligay la jooga oo uu markaas uun naga baxay Dr. Cali Qaadi waxa I weheliyay Abokor Sulub oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada. Markaa anigaa gunaanadkii la gaadhay waxay ahayd laxdadii nolashayda ugu naxdinta iyo murugada badnayd."

Marwo Kaltuun waxay sheegay in Madaxweynihii Cigaal dabadii Hoggaankii dalka loo dhaariyay uu dagaal ku bilaabay waxaanay tidhi "Waxa la yidhi Madaxweyne ayaa la sii dhaariyay oo Marxuum- Cigaal ku sii dardaarmay oo uu yidhi waxaan kaga sii tagay Daahir Rayaale, markii aanu maydkii Marxuumka keenay ee la aasay wixiiba waa la iloobay oo daaqada ayaa laga tuuray, maanta waan garnaqsanayaa nin ka naxa iyo nin ku farxowba. Madaxweynihii dalka loo dhaariyay dagaalkii aniga (ooridii madaxweynihii hore) ayuu ka bilaabay."

"Waxaan garan waayay xisbigii aan aasaaskiisa wax ku lahaa ma UDUB buu ahaa mise Xisbiga KULMIYE waayo naxariistii aan ka waayay UDUB, Daahir Rayaale iyo Xaaskiisa waxaan ka helay xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa kuwaasi ayaan sharaftii iyo nabsi bixii ka helay oo I soo dhaweeyay intaasi waa wax dhacday oo aan la diidi Karin waana maalintii u horaysay ee aan wax taabtaabtay,"ayay tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir.

Xaaskii Marxuum- Cigaal waxay ku baaqday in tallada xisbiga UDUB gacanteeda lagu soo celiyo si ay marka dambe cidii loo garto ugu wareejiso maadaama oo gurigeeda lagu soo dhidbay iyadoo arrintaasi ka hadlayaysayna waxay tidhi
"Waxaan codsanayaa maanta in taladii xisbiga UDUB Guddoomiyenimadeedii aniga la igu soo wareejiyo diyaar ma u tihiin arrintaasi, talladii xisbiga UDUB in badan bay nimanku hayeen oo aanan tallo ku darsan oo aan lahaa inamada loolamaya ha dhex gelin maanta waan soo diyaar garoobay carabtu waxay tidhaahdaa wax waliba waxay ku noqdaan asalkiisii. Faysal Cali Waraabe maxkamad ayaa UCID rag kula galay maxkamadii isaga ayay u xukuntay xisbigii uu aasaasay. Waxaan leeyahay talladii xisbiga ha la igu soo wareejiyo cidii la isku waafaqana anagaa ku soo celin doona tallada gacantooda."

"Xisbigan la yidhaahdo UDUB waa xisbi gurigayga ku soo dhashay oo aan gacmahayga ku soo koriyay kuna soo gardaadiyay oo aan goobtii la iskugu imanayay ku keenay. Xisbigii UDUB markii uu tallada hayayna waa lala ambaday oo xisbigii waa lala lumay. Maanta waxaan leeyahay rag badan baa UDUB ka tartamaya oo xisbigii mar labaad burburin kara, anigu hooyadii xisbiga ayaan ahay oo xisbigii lexjecelo ayaan ka qabaa. Cidaan muranay iyo xisbiga UDUB kala gooni ayay noqdeen horta waxaan idin leeyhay ha tafaraaruqina oo tallada iskaga tanaasula oo ha is barbar yaacina ee madax iyo mijo kala yeesha,"ayay tidhi Marwo Kaltuun.
Intii ay hadlaysay xaaskii marxuum Cigaal dhawr jeer ayay Hoggaanka xisbiga UDUB isku dayeen inay makarafoonka ka qaadaan hase yeeshee way u suurto geli wayday markii ay ku adkaysatay inay sii wadanayso hadalkeeda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Post a Comment