Magacyada Xildhibaanadii U Codeeyay In Bilaa Diiwaangalin Lagu Galo Doorashada Golayaasha Deegaanka Ee Golahana Ku Sandulyeeyay In La Laalo Diiwaangalintii Codbixiyayaasha
Hargeysa, November 11, 2011 (Haatuf) - Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo isugu jira kuwo dayacay xilkii loo soo doortay, kuwo aan garanayn masuuliyada xilka sharci dajineed ee ummada ay u hayaan iyo xubno tiro yar oo iyagu inta badan dadkii soo doortay xidhiidh toos ah la leh, ayaa hadana waxa jira xubno iyagu aan isku kalsoonayn oo inta badan ajandaha ay u codaynayaan ama ka codaynayaan aan aqoon-ba u lahayn, balse halka codku u badan yahay uun gacanta u taaga, iyagoo ay sidoo kalena jiraan xubno xilliyada codaynta lagu yidhaahdo hebaloow gacanta taag, taas darteedna hugunka uun raaca.
Waxa kale oo jira mudanayaal dooda ay ka dhiibtaan ajande ama xeer golaha la soo hordhigo, oo iyagu doodooda ku duray qodobo ku jira ajandahaasi ay dureen hadana maalinta codka loo qaadayo mooshinkaasi ama ajandahaasi ansixintiisa labada gacmoodba u taaga, iyadoo aanay jirin wax isbadala oo lagu sameeyay ajanadihii uu doodiisa ku duray. Arrimahaasina waxay ka mid yihiin hab-dhaqanada xilgudashada golaha Wakiilada curyaamiyay ee keenay in caadifad dedeg ah wax lagu laalo ama lagu meelmariyo.
Go'aanka doraad golaha Wakiiladu ay ku laaleen diiwaangalintii codbixiyayaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2011-kii, oo golaha ay ku soo hordhigeen mooshin koox mudanayaal ah oo soo jeediyay in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerkii diiwaangalinta codbixiyayaasha xeer Lr. 3/2008-dii, isla markaana la laalo diiwaangalintii hore lana sameeyo diiwaangalin cusub, ayaa waxa ka mid ahaa 34 mudane ee golaha ku sanduleeyay go'aanka lagu laalay diiwaangalinta ee madasha fadhigaasi doraad u codeeyay in bilaa diiwaangalin lagu galo doorashada deegaanada:-
-
C/qaadir Ismaaciil Jirde
Maxamed Saalax Cige
Maxamed Jaamac Cabdi
C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)
C/qaadir Jaamac Xaamud
-
Jaamac Xasan Aadan
Xasan Cawaale Caynaan
Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed)
Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
10. Axmed Barkhad Obsiiye
11. Axmed Maxamed Diiriye
12. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye
13. Baar Siciid Faarax
14. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle
15. Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole)
16. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
17. Axmed Maxamed Afweyne
18. Aadan Maxamed Hoori
19. Siciid Maxamed Cilmi
20. Maxamed Barkhad Miigane
21. Xuseen Maxamed Cige
22. Ibraahim Axmed Haybe
23. Maxamed Cismaan Bulqaas
24. Farxaan Maxamed Cali
25. C/qaadir Askar Xuseen
No comments:
Post a Comment