Thursday, November 17, 2011

Wasiirka Caafimaadka Iyo Dhakhaatiirtii Ay Kulmiye Wada Ahaayeen Oo La Sheegay In.....

Wasiirka Caafimaadka Iyo Dhakhaatiirtii Ay Kulmiye Wada Ahaayeen Oo La Sheegay In Khilaaf Culusi Ka Dhex Qarxay

Wasiirka Ayaa Nin Ay Isku Jifo Hoose Yihiin U Magacaabay Isku Duwaha Maroodi Jeex

Hargeysa  (HAATUF) - Wasiirka Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Axmed (Xuseen Xoog) ayaa shalay si rasmiya xilkii uga qaaday isku duwihii wasaarada caafimaadka ee gobolka maroodi jeex Dr Axmed Maxamed Gaas, isla markaana ugu magacaabay jagadaasi wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha gudaha ee xukuumadii Rayaale Axmed Xasan Goole, oo la sheegay inay isku jifo hoose yihiin.

Isuduwihii hore ee caafimaadka gobolka maroodi jeex Dr Axmed Maxamed Gaas oo isagu ka mid ahaa dhakhaatiirtii waaweynayd ee Dr Xuseen Xoog ay wada taageeri jireen xisbiga Kulmiye xilligii xukuumadii hore, ayaa noo xaqiijiyay in warqadii xil ka qaadistiisa ay shalay soo gaadhay, balse ka gaabsaday inuu wax faahfaahina ka bixiyo asbaabta keentay xil ka qaadistiisa xilligan, hase yeeshee ilo wareedyo ka agdhaw wasaarada Caafimaadka ayaa Haatuf u sheegay in asbaabta xil ka qaadista isuduwaha hore ay ka dhalatay khilaaf cakiran oo muddooyinkan dambe ka dhex oogmay wasiirka iyo dhakhaatiirtii waaweynayd ee wasaaradaasi ka hawl gali jiray, kadib markii la sheegay inay saluug ka muujiyeen habdhaqanka maamul ee wasiir xoog ku maamulayo wasaaradaasi, taas darteedna wasiirku cadho wayn ka qaaday ka hor imaanshaha iyo afkaarta ay soo jeedinayaan dhakhaatiirtaasi, oo ay xilligii Kulmiye saaxiibo dhaw ahaayeen.

 Masuulkan ayaa noqonaya dhakhtarkii labaad ee wasiir xuseen xoog shaqada ka fadhiisiyo, iyadoo dhawaan uu sidoo kale xilkii ka qaaday agaasimihii hore ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr Maxamed Axmed Carabayte, oo isaguna ka mid ahaa dhakhaatiirtii xisbiga Kulmiye ay ka wada tirsanaayeen, kaas oo khilaaf maamul oo ka dhashay dhaqaale lagu kicinayay mishiinada kalyaha ee Cusbitaalka Hargeysa loogu talo galay ka shaqaysiintiisa, ay wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan ka dalbatay inuu ku soo wareejiyo qasnajiga Cusbitaalka, taas darteedna wasiirku xilkii kaga qaaday Dr carabayte.

Talaabooyinkan uu xilka kaga qaaday dhakhaatiirtaasi xilalka ka hayay wasaarada ayaa la sheegay inay khilaaf cakiran ka dhex abuureen wasiirka iyo dhakhaatiirta ka hawlgasha wasaaradaasi.

 Haatuf

No comments:

Post a Comment